April 8, 2009

BADDA SOOMAALIYA: oo qarka u saaran in lala wareego

Wararka is soo tarayo waxay sheegayaan in qayb ka mid ah Biyaha Badweynta hindiya ee Dalkeena Soomaaliya loo saxiixay Dalka Kenya. Wasiir ka mid ah Dowlada Sh Shariif oo dhawaan wareysi siiyay Idaacada BBCda ee laga leeyahay dalka Ingiriiska laakiin Afka-Soomaaliga ku hadasha. Ayuu ku sheegay Wasiirkaasi in ay heshiis ku kala saxiixdeed Dowladaha Soomaaliya iyo mida Kenya.
Wasiirkani wax faahfaahin buuxda kama bixin arinta ay ka saxiixatey Dowlada Kenya, waxaana laga yaabaa in aanuba wax badan ka aqoon Warqadaha uu saxiixay ! Waa arin runtii muqjiso iy layaab ku dhalisay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba. Warbixintaa oo faah-faahsan HALKAN KA SII AKHRISO

BULSHOOY: Aadmigu haduu haybiyo garaad!

Heestan waxaa la Alifay waqti laga jooga 25 sanno. Macnaha iyo murtidda heestani wali way quseysaa Waqtiga maanta lagu jiro. Inkastoo waqtigu aad iyo aad uga xunyahay kii marka heestan la tiriyay.

  • Bulshooy khayrkeen hayaanyoo.
  • Hayaanyoo, horey u guuryoo.
  • U guuryoo heegga sare dusheeduu halac-sadaa.
  • Hasahiisa ku maalayaa ! Hayeeshee.
  • Wuu kasbadey Halgan dheer buu u marey.
  • Habeen iyo Maalin intaa hardafaadayoo.
  • Harkiisa ka roorayoo, maxaa harayeey lahaa.
  • Bulshoow inaguna halkii/hoygii laga soo abyamay.
  • Hortiisaan yuururnaa, Hadal beenaan gurnaa.
  • Qabiilkaan haybinaa, Heblaa gacal ii ah iyo.
  • Hanad baa ii dhashiyo,Tolla'ay ii hiiliyaay.
  • Hal hayskeenu noqoy, hirgalay baan seexanaa.
  • Bulshoow Aadmigu haduu, hadduu haybiyo garaad.
  • Aqoon hiigsado kaskiis, Degaankiisuu hantaa.
  • Hidaha/hantida ku qarsoon ayuu
  • howl yari kula soo baxaa.
Dhageyso iyadoo cod ah.

Heestaan miraheeda waxaa loo badinayaa inuu lahaa Abwaan Daahir (Ilka-case) Kooxdii Cadceed ee Lafoole. Gobolka Shabeeladda Hoose Soomaaliya.


April 7, 2009

MACDANTA BATARIGA:laga sameeyo oo qaali noqon doonta.

Halkan ka daawo sida/halka uu maraayo tartanka loogu jiro Macdanta loo yaqaan Lithium oo ah midda laga sameeyo Batariga. Waxaa loo sii diyaar garoobayaa markii uu Shidaalka Bariga dhexe idlaado meesha laga heli doono tamarta Gawaariga ama Guryaha lagu shito !.