June 30, 2009

MAAMULKA MAXAAKIIMTA: Beled-Wayne oo ay soo food-saartey qal-qal siyaasadeed iyo Mas'uuliyiin is casishay

BELED-WAYNE SOOMAALIYA: Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey waxaa xilkii ay ka hayeen Midowga-Maxaakiimta Gobolka Hiiraan iska casiley Mas'uuliyiinta ugu fir-fircoonaa oo uu ka mid yahay Godoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Beled-wayne Sh Max'ed Muxumed Warsame, Gudoomiyihii Maamulka Maxaakiimta Islaamiga ah ee Beledwayne Shiikh Aadan Ibraahim Jilibey iyo waliba Mas'uuliyiin kale. lama faahfaahin sababta dhabta ah ee keentay inay mas'uuliyiintaasi iscasilaan xilligaan, waloow wararka qaar ay leeyihiin mas'uuliyiinta ayaa ka biyo diidan soo galitaanka Ciidanka Xabashida ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan Deg: Kalabeyrka.

Iyadoo aan wali Xilalkaas la buuxin waxaa maanta Magaalada Beled-wayne ka duuley Gudoomiyaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Gobolka hiiraan Sh C/raxmaan Mocoow sida ay wararku u badinayaan wuxuu yimid Xamar gaar ahaan Villa Soomaaliya (warar aan la hubin ayaa leh waxaa lagu Bedeli doonaa Wasiirkii Amniga ee Dhowaan ku geeriyooday Beled-wayne).

Ilaa iyo bilowgii sannadkan 2009ka inta badan ee Magaaladda Beled-wayne Gobolka Hiiraan waxaa maamulkeeda gacanta ku haayey Xooggaga Maxaakiimta ee garabka Jabuuti/Dowlad ku sheegga raacsan oo dhinac ah iyo Xisbul-Islaam oo iyaguna dhinac ka Maamula Magaaladda.

Maxaakiimta iyo Xisbul-Islaam waxaa jiray inay mar isku dhaceen laakiin si fudud loo xaliyay qilaafkaas. Maanta Magaaladda Beled-Wayne waa meel aad iyo aad u kacsan xaaladeeda nabadgelyo sababtoo ah waxaa Gobolka isku fadhiya Kooxo ama Ururo ismaan-dhaaf siyaasadeed iyo kala hadaf duwan, Xooggaga ku wada sugan Gobolka Hiiraan waxaa ka mid ah:

  • Ciidanka Xabashida oo xuduudka ama Kalabeyrka Joogga.
  • Qab-qableyaal dagaal Dabo-geed iyo Garaaso.
  • Midowga Maxaakiimta (Garabka Jabuuti ee Shariifka taabacsan)
  • Xisbul-Islaam (oo Boqolkiiba 30 Beled-wayne Maamusha)
  • Al-shabaab Mujaahidiin oo kala-bar Gobolka Maamullo.

Loolanka u dhexeeya Kooxahaan ayaa kaliftey in Amaanka Gobolka maalmihii tagey uu noqdo mid qal-qal galey, waxaa taa ka sii daran oo arinta sii murgiyay kadib markii ay Ciidanka Xabashida oo wata Maleeshiyo beeleedyo/Qab-qableyaal ay ka soo tilaabeen Xaduud-beenaadka Xabashidda iyo Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Gobolka lagu soo daabuley Jabhaddo Ciidanka Dowlad ku sheega lagu sheegay ayna soo tabobartey Xabashida kuwaas oo loogu tallo galey inay dagaal la galaan Al-shabaab-Mujaahidiin iyo Xisbul-Islaam oo is-kaashi ka dhexeeyo.

Dhanka kale Maamulka Islaamiga ah ee Maxaakiimta Gobolka Hiiraan ayaa loo maleynayaa inay soo galitaanka Xabashida aad uga soo horjeedaan, Maxaa yeelay iyaga iyo Xabashida waxaa dhex marey dagaal qaraar muddo ka yar 7bilood ka hor, dagaalkaas oo Xabashida loo gaystey dhibaato farabadan. Sidaa awadeed ay Xabashidu Beled-wayne soo galaan waxay u badan tahay inay qab-qabtaan Mas'uuliyiinta Maxaakiimta ee dagaalka la galey. Waana sababta ugu wayn ee keeni karta inay iscasilaan Mas'uuliyiinta Maxaakiimta Gobolka Hiiraan.

Wargeyska QORAX

UGANDA: Museveni oo sheegay inay ciidan kale u dirayaan soomaaliya haddii lacag lagu siinaayo!

KAMPALA UGANDA: Madaxweynaha dalka Uganda Kaligii-Taliye Yawareer Musaveni ayaa sheegay inay Ciidan dheeraad ah u dirayaan Dalka Soomaaliya. waa haddii buu yiri lacag iyo qalab dheeri ah lagu siinaayo!, hadalkaan oo uu kaga soo jawaabey codsi uga yimid Kooxda Dowlad ku sheegta ah.

"Diyaar ayaan u nahay inaan Ciidamo dheeraad ah u dirno Soomaaliya , waa
haddii lacag iyo saannad Militari la inagu siinaayo
"
Ayuu yiri Museveni

Madaxweynaha Uganda ayaa sidoo kale soo dhaweeyay taageeradii hubka ee uu Mareykanku u diray Kooxda Jabuuti/Doofaarey2, isagoo waliba ku booriyay dhamaan waxa uu ugu yeeray Bulshada Caalamka inay sidaas oo kale caawimo iyogargaar udiraan Kooxda Shariif ee ku go'doonsan Xarunta VillaSoomaaliya.

Hadalka Museveni ayaa u eg mid ah ku gorgortan dhiiga iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Uganda ee jooga Magaalo-madaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa si aan arxan laheyn masaafiic ula dhaca Xaafadaha ay Dadku ku badan yihiin ee Muqdisho.
Wargeyska QORAX.

June 29, 2009

KISMAAYO: Xaalkeeda kadib markey la wareegeen Xisbul-Islaam/Al-shabaab.



KISMAAYO SOOMAALIYA: Magaaladda Kismaayo G/J/hoose oo ahaan jirtay Magaalo-Madaxda sadexaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, burburkii ka dib waxay aheyd meel ay qaxa, dagaalada, dilka iyo kufsigu caadi ka ahaayeen. laakiin markii ay la wareegeen Halgamayaasha dhiigooda u hurey Diinta iyo Dalkeena hooyo ee Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam waxay shacabku heleen nabad iyo naruuro aan waligeed la arag.

"Markii hore qasab/gumeysi ayaan ku dajin jirney badeecooyinka, ama waxyar ayaa nala siin jirey ! Maanta waan helnaa xaqqeena ama lacagta aan shaqeysano, ha yaraato ama ha badnaato" Ayuu dhahey wiil dhalinyaro ah oo xamaali ka ah Dekeda Kismaayo.

"Maanta Amaanka iyo nabadu waa fiican tahay, wagii hore wiil yar ayaa jidka noo istaagi jiray oo naga qaadan jiray waxkastoo aan heysano" Ayuu dhahey wiil kale oo dhalinyaro ah oo isna la wareystay.

Nabadda iyo wanaaga ay haystaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada ay maanta Maamulaan Halgamayaasha Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam waa mid aan la soo koobi karin, laakiin waxaa diidan oo aan marnaba wanaagu deeqin inta wali usii ciil-qaba inay dulmi iyo tuuganimo ku sii noolaadaan.

Wargeyska QORAX

June 28, 2009

SHARIIF SH AXMED: shir jaraa'id qabtey, oo sheegay in Soomaaliya ay dagaal ka wadaan argagixiso !

MUQDISHO SOOMAALIYA: 29/6/09 Axad: Sh Shariif oo ah Maxadweynaha/Hormuudka Mashruuca Dowlad ku sheegga ama Kooxda Doofaarey2 ayaa maanta Shir-jaraa'id ku qabtey Villa Soomaaliya isagoo ay halkaas ku ilaalinayaan Ciidanka colooshood-u-shaweystayaasha AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Shariifka ayaa wuxuu carabka ku dhuftay arimo farabadan oo ay u badnaa eedo iyo cabasho uu u jeediyay Ururadda dagaalka ba'an kala soo horjeeda Kooxdiisa, wuxuu kaloo sheegay in Dalka Soomaaliya ay dagaal ku soo qaadeen ajaa'niib u adeegta Ururka Al-qaa'ida.

"Al-shabaabku waxay si xoog ah ciidan uga dhigaan dhalinyaro aan
qaan-gaarin waxayna ku qasbaan inay iyaga u dagaalamaan, taasoo sida uu sheegay uu ka dambeeyo ururka Al-qaa'ida!"
Ayuu dhahey Shariif Sh Axmed.

Shariifka ayaa wuxuu eedeyn u jeediyay Dalka Eriteria wuxuuna tilmaamey inay Saraakiishoodu dagaalka Muqdisho ka socda ku lug leeyihiin. Shariifka wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftey in Sh Daahir Aweys uu ku socdo waddo aan laga soo laaban karin, Wadadaan oo uu ku sheegay mid ay soo sameysay Eriteria iyo Al-qaacida.

XIGASHO: Halkan ka sii Akhriso Reuters

FG: Shariifka kama hadlin Ciidanka Xabshida ah ee dhowaan soo galay Goboladda Soomaaliyeed ee Bakool, Gedo, iyo waliba Galgaduud iyo waliba Kenya oo u soo fak-fakaneysa inay soo weerari doonto dhulka hooyo! .


Wargeyska QORAX

KENYA: oo u diyaar garowday weerar ay ku qaado Soomaaliya !

ISIOLO KENYA: Ciidanka Xoogga Dalka Kenya ayaa la galiyay feejignaan midda ugu sareysa, Feejignaanta loogu magac darey Zullu ayaa maalmihii tagey Ciidanka Dalka Kenya la galiyey taasoo ka dhigan in Ciidanka diyaar u noqdo difaac iyo weerar wada socda. waxaa la arkaayey Dabaabaad lagu sii daabulaayo Xadka ay Kenya la leedahay Soomaaliya.

Feejig-naanta Zullu ee Ciidanka Kenya la galiyey ayaa keentay in Askartii loo diido fasaxii caadiga ahaa ee ay qoysaskooda ku aadi jireen, waxay sidoo kale Ciidanka Kenya carbis ama dhoola-tus ku sameynayeen dhulka duurka ah, halkaas oo ay ku sameeyeen dab-rid.
Diyaar garowgaan ayaa ku soo beegmay mar uu Wasiirka arimaha dibedda ee Kenya horey u sheegay in Kenya gacmaha ka laaban doonin arimaha siyaasadeed/ciidan ee ka soo cusboonaadey Dalka Soomaaliya. Kenya waxay dooneysaa inay ciidan nabad-ilaalin ah u dirto Soomaaliya Waa sida ay sheegeen Madaxda Kenya!.


Dhanka kale Kenya ayaa sheegtay inay xirayso xaduudka ay la leedahay Soomaaliya gabi ahaantiis, xaritaanka xadka ayay ku sheegeen si ay nabadgelyadda Kenya u adkeeyaan, Ciidanka Booliska ayaa waxay sahan farabadan u sameeyaan Jidadka u dhexeeya Mandheera ilaa Wajeer, Sidoo kale Ciidanka xadka ayaa aad loo badiyey.

Dalka Kenya ayaa sheegay inay si walba u caawin doonaan Dowlad ku sheegta Jabuuti u ku soo sameeyay Walad Cabdalla (UNta Wakiilkeeda Soomaaliya). Iyadoo ay Kenya ku sugan yihiin inta badan dambiilayaasha/Qab-qablayaashii dagaalka, xubnaha Baarlamaan ku sheega ah iyo waliba Ra'iisal wasaare ku sheeg Cumar A/rashiid. Kooxdan Jabuuti/Doofaarey2 waxay Kenya la gashey heshiis aan hore loo arag isagoo kale, kaas oo lagu bixiyay biyaha Badweynta Hindiya oo ka mid ah Dhulka Soomaaliyeed. Waxaa taa la mid ah in Kenya ay kooxdani u ogolaatey inay aruursato canshuuraad lagu sheegay in loo aruurinaayo Dalka Soomaaliya. Hadda waxay canshuurtaa ku aruurisaa Magaalooyinka Xaduudka ee Libooyo, Mandheera, iyo qaadka Dalka Soomaaliya loo iibgeeyo oo isna lagu canshuuro Nairobi.

Kenya ayaa maalmahaan ku cel-celinaysa inay weerar ku ekeyn doonta Dalka dariska la ah ee Soomaaliya, iyadoo ku marmarsiyooneysa inay Dowlad ku sheegta u yeeratey ama ay xaduudkeeda iyo nabadgalyo ilaashaneyso. Laakiin waxaa xaqiiq ah in Kenya ay maanta u jeedo dhibaatadda haysata Ummadda Soomaaliyeed sidaa awadeed ay isleedahay ka faa'iideysa inta ay jaban/liitaan, laakiin waxaa la yaab leh cadowtinimada ay Kenya la soo ifbaxdey. Mashruucii la dagaalanka Islaamka oo u eg inuu hadda kasoo laba-kacleyay geeska Afrika, kanoo awal ay lacag ku qaadatey Dowladda Xabashida, laakiin waxay maanta u egtahay inay ka wada qayb qaadan doonaan Uganda, Kenya, Burundi, Xabashida iyo waliba Jabuuti.

Wargeyska QORAX

June 27, 2009

XUKUUMADA MAREYKANKA: oo ka cabsi qabta in Kooxda Jabuuti la afgambiyo !

WASHINGTON USA: Mas'uul/Af-hayeenka Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Xukuumadda Dalka Mareykanka, oo lagu magacaabo Ian Kelly ayaa cadeeyay sida ay uga wal-walsan yihiin in la afgambiyo Kooxda Jabuuti dhowaan lagu soo dhisay. Arintaas si ay uga hortagaan Mareykanku wuxuu qirtay inuu hub iyo rasaas farabadan uu ku daabuley Dalka Soomaaliya.

Halkaan ka daawo .



Xigasho: Al-Jaziira.net

FG: hubkan/Rasaasta mareykanku keenay wuxuu gacanta u galiyay Kooxda Jabuuti ama Qab-qablayaasha ah ee Kooxda Midnimadda Qabiiladda, ee Mabda'oodu uu yahay halbeegga 4.5 ee Jaahhiliyadda ku dhisan.

Wargeyska QORAX

ERITERIA: oo cambaareysay Hubkii Mareykanku Soomaaliya u diray

ASMARA ERITERIA: Sabti 6/27/09. Dowladda Eriteriya ayaa si kulul u cambaareysay hubkii iyo rasaastii uu Dalka Mareykanka u diray Dalka Soomaaliya, hubkaan aan sida la sheegay uu Mareykanku ugu deeqay waxa ay ugu yeereen Dowladda Soomaaliyeed (Kooxda Isbaaroleyda) oo u badan Qab-qableyaal dagaal.


"Faragalinta/hubka lagu sii dal-dalaayo Soomaalia, oo ah mid marin habaab ku socda horey ayaa loogu guul dareystay, Haba-yaraatee waxba lagama faa'iidaayo ficilada ay mar walba Dowlada Mareykanku ka sameyso Dalka Soomaalya" Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibedda Dalka Eriteria.
Mareykanka ayaa asbuucaan cadeeyay inuu hub iyo rasaas u diray Kooxda Doofaarey/DKMG ee tabarta daran, Ka gadaal markii uu Mareykanku ogaadey in Kooxdani qarka u saaran tahay inuu laga cayriyo meelaha yar ee uga sugan yihiin Dalka. Waxayna Kooxdani lumisay Goobo badan waqti yar oo ay dagaal isaga hor yimaadeen Mujaahidiinta Al-shabaabka iyo Xisbul-Islaam.

Mareykanka wuxuu Dalka Eriteeriya mar walba ku eedeeyaa inay hubeyso Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam taasoo mar walba ay dafirto Dowladda Eriteriya, Laakiin waxay Eriteriya si buuxda u taageertaa halganka Xornimo-doonka ah ee looga soo horjeedo gumeystayaasha isbaheystay ee uu dhaqaalaha u hayo Mareykanka, dhanka Ciidankana ay Xabashidu ugu qaybsan tahay.

Wargeyska QORAX

June 26, 2009

KOOXDA SUUFIYADDA: oo bandow ku soo rogay C/waaq G/Galgaduud.

CAABUD-WAAQ SOOMAALIYA: Kooxda la baxdey Ahlu-sunna-Waljameeca ayaa shaley bandow aan hore loo arag ku soo rogtay Magaaladda Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud. waxaa la arkey galabnimadii baabuur lagu soo rakibey sameecado oo Magaaladda dhex wareegayo.
"Waxay cod dheer ku lahaayeen Caawa wixii ka dambeeya Magaaladu waa bandow
xilliga habeenkii. "
Kooxdan Wal-jameeca oo u badan Mooryaantii Xamar iyo Goboladda dhexe oo isbaheysi u dhexeeyo waxay taageero rasmi ah ka helaan Ciidanka Xabashida ee fadhiya xaduud-beenka Soomaaliya iyo Xabashidal. Ujeedooyinka cadowga Xabashidu u hubeynayaan waa in la isku baabi'iyo shacabka Soomaaliyeed. Hadba kii doqon ah oo ciil qabo sii qori Ak47 iyo rasaastiisa si uu ugu soo laayo walaalkiisa kale ee Soomaliga/Muslimka ah.

Magaalada Caabud-Waaq waxay kooxdaan si buuxda ula wareegeen ka dib markii lagu soo jabiyay Dagaalkii Wabxo ee dhex marey iyaga iyo Al-shabaab Mujaahidiin, laakiin waa markii hoeysay ee Caabud-waaq Dadweynaheeda lagu amro inay Guryahooda ka soo bixi karin taasoo inta badan shacabka ka yaabisay!

Suufiyadda Gobolada dhexe ayaa maalmihii/Bilihii tagey waxay ahaayeen qaar ay indhaha Cadowga reer Galbeedka ku diirsadeen oo waliba Rajodoodii gumeysiga dib u soo nooleysay, Cadowga Galbeedka ayaa diyaarinaaya sidii loo hubeyn lahaa, oo waliba loo sharfi lahaa Suufiyadda kadib markii ay dagaal qaraar la galeen Halgamayaasha Dalkeena ka xoreeyay Xabashida ee AL-shabaab iyo Xisbul-Islaamka.


Wargeyska QORAX

June 25, 2009

RAADIYOOW AMISOM ! oo laga furey Muqdisho, muxuuse qaban doonaa?

MUQDISHU SOOMAALIYA: Kooxda calooshood-u-shaqeystayaasha ee la baxey AMISOM ayaa ka dhawaajiyay inay fureen Idaacad cusub. Idaacadaan waxay sheegeen inay la hadli doonto shacabka Xamar iyo xamardaye si ay u taageeraan kooxda Isbaarooleyda/Doofaarey2 ee Dowlad ku sheegta ah.

Idaacadaan waxaa kaliftey in la fure ka dib markii ay adkaatey inay Wariyeyaashu gudan waayeen howshooda soo tabinta wararka ah, Ayuu sheegay mid u hadley calooshood-u-shaqeysatadda AMISOM. wuxuuna sheegay in kooxaha Isbaaroleyda/DFKG ka soo horjeeda ay caburiyaan Idaacadaha ka jira Caasimadda una diideen inay si dhab ah wararka ugu tabiyaan Dadweynaha waa sida uu u dhigaye.

Idaacadaan ayaa laga yaabaa inay ka hadli doonaan Soomaalida aadka ula dhacsan inay ku hoos noolaadaan Isticmaarka Madow ee maanta Dalkeena ku soo duulay, Sidaa oo kale waxaa hubaal ah inay faafin doonto Diinta Masiixiga ah ee ay AMISOM rumeysan tahay inay u adeegayaan.

Idaacadaan ayaa sidoo kale waxay muujinaysaa sida ay Ciidamada shisheeye aadka ugu dadaaleen inay marin habaabiyaan Ummadkeena iyo Shacabkeena guud ahaantiisa gaar ahaan Goobaha ay maanta ku sugan yihiin Calooshood-u-shaqeystayaasha/dambiilayaasha la baxay AMISOM, halkaas oo ah caasimadeeni Xamar Cadeey.
Wargeyska QORAX.

MAREYKANKA: oo sheegay inuu hub iyo rasaas siiyay Kooxda Doofaarey2/DFKM.

MUQDISHO SOOMAALIYA: Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay hub iyo rasaas u direen kooxda Doofaarey2/DFKM ama Kooxda Isbaaroleyda Midowday, waxaa sidoo kale la sheegay in uu hubkaasi ka soo dagey dekedda Muqdisho asbuucii tagey.

Mareykanka wuxuu sheegay inuu hubkaas iyo rasaasta ay ugu direen kooxda Doofaarey2 si ay ulla dagaalamaan kooxda Al-shabaab/Xisbul Islaam ee xiriirka la leh Al-qaacida. iyo waliba cidkastoo ka soo horjeedda danaha reer galbeedka/Bulshada caalamka.Arintaan ayaa la sheegay inay la xiriirto isbedel ku yimid siyaasadda Maamulka cusub ee uu hormuudka ka yahay Barack Obama. waxaana laga yaabaa in Mareykanku markaan rabo inuu isku hubeeyo shacabka Soomaaliyeed si ay isku baabi'iyaan.

Lama oga inta uu la'egyahay hubkaan iyo waliba noocyadiisa laakiin waxaa loo badinayaa inuu u badan yahay qoriga Ak47ka loo yaqaan iyo hubka fudfudud ee lagu farsameeyo Wadamadii hantiwadaga ahaa ee Midowgii soofiyeeti, waxaa kaloo laga yaabaa inay la socdaan rasaasta hubkaas. Hubkaan marka uu gacanta u soo gallo Kooxdan Isbaaroleyda waxaa laga dareemi doonaa suuqyadda Cirtoogte, maadaama sida looga bartey kooxdaan ay si toos ah u iibsan doonaan taasoo keeni doonta inuu qiimo-dhac ku yimaado hubka iyo rasaasta.

Siyaasadda cusub ee Meraykanka ayaa sida muuqata dhigeysa in shacabka Soomaaliyeed la isku hubeeyo si ay iyagu isku baabi'iyaan.


Wargeyska QORAX.

June 24, 2009

XAALKA SOOMAALIYA: Prof Cabdi Ismaciil iyo Calooshiis-u-shaqeyste Bahukko

XAALKA SOOMAALIYA:
Ka dib markii ay Kooxda Doofaarey 2/DKMG ay dalbatey in si deg deg ay Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Xabashidu gurmad iyo gargaar u soo diraan 24saac gudahood. Waxaa soo baxdey in Kenya iyo Xabashidu ay ka biyo diideen codsigaas oo awalba ahaa mid jar-iskaxoornimo ahaa.

Markii lagu diidey in loo soo gargaaro ayaa waxay Kooxdani hadana ku dhawaaqdey ereyooyin u eg kuwo uu ka keenay saka-raadka siyaasadeed ee soo food saarey, Waxay ku dhawaaqeen Marshal-Law ama Amar-deg-deg ah.

Prof: CABDI ISMAACIIL SAMATAR.

Ka dib markii ay Kooxda Doofaarey2 ku dhawaaqdey Amarka deg-degga ah(Marshal Law) ayaa Prof Cabdi Ismaacvl Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed iyo waliba waddani dhaartey, wuxuu tilmaamey in Amar deg-degga ah ay sameyn karto Koox ama Dowlad Ciidan ku filan haysata.

Prof Cabdi ayaa sidoo kale ku tilmaamey qalad wayn dalabka ay Doofaarey 2 ee Ciidanka Xabashida, wuxuuna ka digay Ciidan shisheeye in uu markale soo gallo Dalkeena hooyo, Ugu dambeytii wuxuu ugu baaqey dhinacyadda isku haya Siyaasaddu inay wada-hadal iyo isku tanaasul ku dhameeyaan farqigooda siyaasadeed oo ay joojiyaan gacan ka hadalka.
BAHUKO OO SHEEGAY INAY AMISOM 20 Sannoo dambe sii joogayaan Dalkeena !.
Bahukko oo Afhayeen u ah Ciidanka-calooshood u shaqeystayaasha ah ee loo yaqaan AMISOM ayaa isagoo joogga Magaaladda London wareysi siiyay Idaacadda BBC laanta Af-Soomaaliga. Wuxuu ka hadley arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalka ka soo cusboonaadey Soomaaliya oo ay Kooxda Doofaarey 2 qarka u saaran tahay in laga cayriyo Dalka guud ahaantiisa.
Dalabka Ciidan kale ee ay kooxda Doofaarey 2 ma wuxuu cadeynayaa in laga yaabo in Ciidanka AMISOM ee hadda Dalka joogo la soo jiiri karo ? ayaa la waydiiyey Bahukko wuxuuna ku jawaabey been, isagoo ku jawaabey horta DFKG waa mid xaq ah, waxayna mar walba dalban kartaa kaalmo ciidan markii ay nafta u yaabto.
Mar wax laga waydiiyay in Ciidankoodu dalka isaga baxayo ayuu ku jawaabey, Horta Dalka waxaan ku joognaa amarka Afrikadda Midowdey, marka haddii ay na amraan inaan baxno waan baxeynaa, laakiin waxaan kuu sheegayaa inaad Dalka sii joogi karto 20 Sanno oo dambe, ilaa inta ay Shacabka Soomaaliyeed kaalmada u baahan yihiin ayuu yiri Bahukko.
Waxaa wax laga waydiiyay Madaafiicda ay shacabka ku garaacaan maalin kasta.
Wuxuuna si jees-jees ah ugu jawaabey,
Su'aashu maaha Madfaca shacabka lala dhacay ee waxaa haboon in la iswaydiiyo sidee xal siyaasadeed loogu heli karaa Dalkan.

Ciidanka AMISOM ayaa maalmihii tagey waxay madaafiicda goobta si ula kac ah ku asqeeyeen inta badan Degmooyinka Muqdisho. Madaafiicdan ayaa u sabab ah inay shacabka ka barakacaan Guryahooda iyo waliba waxyeelooyinka ugu daran ee shacabka haysta. AMISOM ayaa wada olole barakicinta shacabka taas oo ay uga golleeyihiin in la iska horkeeno shacabka iyo Halgamayaasha u taagan difaaca Dalka, Diinta iyo Dadkaba.
Wargeyska QORAX

June 22, 2009

QAADAC DARIIQ: Afar wiil oo burcad ah oo la xukumay

MUQDISHO SOOMAALIYA: Dadwayne aad u fara badan ayaa isugu soo baxey goob ku taal Xaruntii Ciidanka ee Maslax, Halkaas oo uu ka dhacey Xukun afar Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay fal Qaadac-Dariiqnimo/burcadnimo kaasoo in muddo ah ay ku dhex jireen.

Afartaan will waxaa soo qabtey Xarakatul Al-shabaab Almujaahidiin oo inta badan gacanta ku haya Magaallada Muqdisho iyo sidoo kale koonfurta Dalka. Waxay eedaysanyaashan qirteen dambigaas burcadnimada iyo jid-gooyada ah.

Wiilashaan Xukunka lagu riday ayaa kala ah.

1)-Cali Maxamuud Cali Geedi.
2)-Jaylaani Max'ed Xaaji.
3)-Ismaaciil Khaliif Cabdulle.
4)-Cabdiqaadir Cadow Hiiraale.

Maxkamad Islaamiga ah oo uu Qaadi ka ahaa Sh Cabdi XAQ ayaa iyadoo la tixraacayo xukunka Islaamka Afartaa Dambiile ku xukumay in Gacan iyo Lug isdhaaf ah la gooyo mid walba.

Waxaa meesha lagu diyaariyay Dhaqaatiir loogu tallo galey inay dhiig joojin u sameeyaan, Laakiin Xukunkaas maanta laguma fulin Dhalinyaradaas dambiga burcadnimada ah gaysatey. Waxaa sidoo kale goobtaas qudbado ka aqriyey qaar ka mid ah Saraakiisha Hogaamisa Al-shabaab oo uu ka mid yahay Fuaad Shongolo iyo Sh Cali Maxamuud Xuseen oo ah Gudoomiyaha Xarakatul Al-shabaab Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir.

Wargeyska QORAX.

KENYA: Ra'iisal Wasaare Raila Odinga oo arimaha Soomaaliya ka hadley

NAIROBI KENYA: Ra'aasal Wasaaraha Dalka Kenya oo uu garabkiisa bidix taagan yahay Cumar C/rashiid Cali (Ra'aasal wasaare ku sheega Kooxda Doofaarey 2) ayaa Maanta shir jaraa'ad ku qabtey xarunta Maalka (Treasury Office) wuxuu ka hadley arimaha ka soo cusboonaadey Dalka Soomaaliya.

""Waxaan aduunka/Bulshada caalamka ugu baaqayaa inay u gargaaraan Kooxda Doofaarey 2, Isla markaana ay Ciidamo deg-deg u diraan Dalka Soomaaliya"" Ayuu yiri Odinga.

Oodinga ayaa sidoo kale sheegay mar uu maalin dhow gaarey Geneva Dalka Iswiisarlaan inuu arkey Hay'addo gargaarka oo kala duwan, Waxaa uu yiri waxaan ka codsadey inay caawiyaan/gargaaraan Kooxda Doofaarey 2 iyo guud Dadka Soomaaliya. gaar ahaan qaxootiga ku qul-qulaaya Dalka Kenya. Mar la waydiiyay in Kenya ay Ciidankeeda galinayso Dalka Soomaalya ayaa ka gaabsadey,

"Dowladda Kenya way ka fiirsaneysaa, mar dhow ayeyna go'aan ka gaari doontaa ".Waan la soconaa in Dalka Soomaaliya ay joogaan Ururka Al-qaa'ida ayna taas qatar ku tahay guud ahaan geeska Afka" Ayuu yiri R/Wasaare Odinga.
R/Wasaaraha Kenya ayaa ka meer-meeray inuu jawaab ka bixiyo baaqii dhowaan ka soo yeeshay Halgamayaasha Al-shabaab Mujaahidiin ay uga digtey faragalin ay ku sameyso arimaha Soomaaliya. "" Aniga waxba ka waydiin maayo Al-shabaab sidii loo hakin lahaa Qaxootiga Soomaalida ah ee Dalka Kenya ku soo qul-qulaaya " Ayuu ku jawaabey Odinga.

Wuxuu kaloo sheegay in uu jiro Mucaahaddo u dhigan Ururka Afrika ama IGAD oo ka reebeysa inay Kenya u dirto Ciidan Wadan kale oo Afrikaan ah, Isagoo ku marmarsiyoodey inay tahay taa waxa ka reebay Kenya inay maanta Ciidankeeda u dirto Soomaaliya. Laakiin wuxuu ka digay QATARTA Kenya soo foodsaari doonta haddii buu yiri Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam ay la wareegaan Magaala madaxdooda Muqdisho.

Shirka uu qabtey Odinga wuxuu ku soo afjarey, in Xeryaha Qaxootiga ay sii balaarteen isla markaana loo baahan yahay in si uun xal loogu helo arinta Soomaaliya, Sidoo kale wuxuu yiri in xalka kama dambeysta ah ay u taal Dadka Soomaalida oo ay tanaasulaad sameeyaan dhinacyada isku haya Dalka Soomaaliya.

Inkastoo Odinga si toos ah u sheegan/shaacin hadana waxaa jira in wararku ay sheegayaan in Maalmihii la soo dhaafey Kenya ay soo dhoobtey Ciidan fara badan Xaduud-beenta ay la leedahay Dalka Soomaalya, waxaa loo badinayaa in Kenya laga iibiyayama Lacag ay ku soo qaateen duulaan ay ku soo qaado Dalkeena hooyo, maadaama ay Xabashidu faraha kaga soo gubatey ka dib markii kaligeed ay 2006dii ay duulaan ku qaadey Dhulka barkeysan ee Soomaaliya.

Wargeyska QORAX.

June 21, 2009

XARUN XANAANADA: Waayeelka oo laga furey Kismaayo

Kismaayo Soomaaliya:
Axad, 21, June, 2009 (HOL) Xaruntaan loogu yeeray ALKHAYRAAD oo lagu xanaanaynayo dadka waayeelada ah oo aan miciinka haysan ee soomaaliyeed oo kudhaqan magaalada kismaayo ayaa laga furay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xaruntaan lagu xanaaneynayo dadka waayeelada ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa maal gelinaya gabdho Soomaaliyeed oo kamid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo ku dhaqan Wadanka Mareykanka, waxaana ay sheegeen Gabdhahani in Howshaan ay bilaabeen ay sii wadayaan ilaa iyo inta ay arkayaan dadka Soomaaliyeed oo ku noo qurbaha oo gacan siinaya dadkooda ku dhibaateysan gudaha wadanka Soomaaliya, oo aan heli Karin cid gacan ka siisa dhibaatada heysata.
Gabdhahan Soomaaliyeed oo kamid ah Jaaliyadaha Soomaalida Mareykanka ku nool oo ballan qaaday quudinta dadkaan waayeelada ah ee dhibaateysan ayaa waxa kamid ah:
  • Xaliimo Max'ed Xasan
  • Faadumo C/salaam
  • Hodan Daa'uud

Sheekh C/raxmaan Cismaan Jaamac oo ah Masuulka loo soo wakiishay Xarunta Cusub ee Al-kheyraat1 ee gudaha Magaalada Kismaayo oo lagu quudinayo dadka waayeelada ah ee danyarta ah oo cid ay gacan ka helayaan aysan jirin ayaa sheegay in ay hada Xarunta ku bilaabeen dad gaaraya ilaa 6 qofood oo isugu jira rag iyo dumar islamarkaana aan heysan wax ehello ama owlaad ah oo ay waxtar ka helayaan ama ay ku tiirsanyihiin.

Masuulka Xaruntaan Sheekh C/raxmaan ayaa HOL u sheegay in ay dadkani kasoo ururiyeen Kaamamka ay deganyihiin Dadka soo barakacayaasha ah ee ku yaal gudaha Magaalada Kismaayo, kuwaaso ay dhibaato ku heysatay halka ay ku noolaayeen. Xarunta Al-kheyraat ee lagu xanaaneynayo dadka Waayeelada ah ee ku dacdareeysan gudaha Wadanka ayaa ka kooban laba qeybood, oo kala ah Qeybta Cuntada iyo Qeybta Jiifka oo dadkani lagu xanaaneeyo.

HiiraanOnline Kismaayo.

ISQARXINTA SHARIIFKA IYO SAAXIIBADIIS: WQ Sh Maxamed Idiris.

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
Maanta oo Taariikhdu tahay 27kii Jumaad Thaani 1430, kuna beegan 20 June 2009 ayaa waxaa soo gabagaboobey Falkii Ismiidaaminta Siyaasadeed ahaa ee ay galeen Koox wadaada ah ama loo yaqaanno (Islaamiyiin) oo uu horkacayo Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyihii hore ee Maxaakimtii Islaamka Muqdisho (2006), kadibna ku bahoobey Isbahaysigii la magac baxay Asmara, Waxaana falkaas daaha loogu rogay Markii ay Wadaadadaasu kusoo gabagabeeyeen Noloshoodii Siyaasadda ee gaabnayd iyo Socdaalkoodii Nairobi iyo Asmara kasoo Bilawday, Jabuuti & Sanca soo maray, New York, Brussels iyo Addis Ababa Transitya kala duwan kusoo nastay, iney maanta si rasmiya u codsadeen (Amxaaradu iney Dalka Soomaaliya Qabsato Mar kale) Weliba Amxaarada Keliya maahine, ay ka codsadeen (Yurub, Maraykan, Kenya, Igad, Afrika oo dhan, cid kasta oo dooneysa dal bannaan) iney kasoo qayb galaan qabsashada iyo kala qaybsiga dalka Soomaaliya iyagoo ugu yeeray waxa ay ku tilmaameen (In la Badbaadiyo DKMG).
Wadaadadi warkaa ma sheegin, waxaase ugu hadlay Aadan Madoobe iyo Afhayeenka Wasaaradda, iyana ma beenin ilaa hadda.

Falka Isqarxinta ama (Intixaarka Siyaasiga) noocan ah ee lagu waayo Diinta, Sharafta, Wadaninimada, Geesinimada iyo Raganimada, iyo qiima kasta oo qofku adduun iyo aakhiraba ku yeelan karo, (Waa Inuu Amxaaro ugu Yeero Iney Qabsato Soomaaliya Isna dabqaad u noqdo) waxaa horay isugu miidaamiyey Soomaali badan oo ay ka mid ahaayeen Col. Cabdillaahi Yusuf, Dr. Cali Maxamed Geedi, Gen. Cumar Masalle, laba alifle Maxamed Dheere, Col. Barre Hiiraale, iyo kuwa kaloo badan, waxaan sharaf darro iyo magac xumo ahaynna kama dhaxlin. Waa arrin laga xumaado in rag wadaada ahaa, oo diinta ku abtirsada ay maanta dalka ku casuumaan Amxaaro, arrinkanna ku khatimaan nolol siyaasadeed oo aad u gaaban.

Gaajo kasta baqti looma cuno, oo sharafta shey kasta looma daadiyo, oo wajiga wax walba laysagama diiro, oo magaca wax kasta oon macna lahayn laysagama dilo.
Soomaalidu wexey tiraahdaa Nabar la filayey Naxdin ma leh, laakiin waxaa la filayey iyagana u sharaf badnaan lahayd, kolley Amxaaro, iyadaanba casuumad iyo fasax cidna ka rabine, iney iskaga tagaan meesha, hadday iska cabin kari waayeen xoogagga kasoo horjeeda, u yeeridda xabashidana aan iyaga taariikhdu ku qorin.

Shariifka iyo Wadaadada la socdey waxaa soo martay fursad fiican oo wax lagu badbaadin karey, tasoo ahayd, sida wax badan lagula taliyey, iney la heshiiyaan saaxiibadii shalay ee kasoo horjeeda, soo dhoweyaan, isku dhabar jebiyaan, laakiin kama faaiidaysan. Shariifka iyo raggiisu ma garwaaqsan ciilka iyo carada saaxiibadoodi shalay, markay kooxda shariifku u malayeen iney keligood cuni karaan lana carari karaan, dherigii bisaylka dhowaa ee lawada dhawrayey, dabadeedna ay ku kaaftoomaan, trainka ama soo raaca ama guryihiina jooga, siduu Shariifku mar ku khudbeeyey!

Shariifka iyo kooxdiisu maalintey nabad iyo dibuheshiisiin ku dhawaaqeen dad badan oo Soomaaliya ayey kasbadeen. Waxaana dad badan soo gashay yididiilo in wax degaan, ummuurtuna xasisho, cidnana kuma qancin karaan, wadahadal waa nala ka diidey, oo haddii wadahadal lagaa diidey, waxna aad iska dhicin kari weydey, ma Xabashi ayaad u yeeraneysaa? Maad iska tagtid.

Nimanka maanta sida qayaxan u dalbaday (Amxaaro ) iney dalka qabsato, oo ciidamadeedu dib ugu soo noqdaan, kuwa kalena meela kale ka yimaadaan, dalka iyo dadka Soomaaliyeedna mar kale Gumaysi galaan, meel xun oo taariikhda u gashay ayey is dhigeen, ninkastoo wadadaas qaadaana dulli ayuu ku dambeeyaa, umadda Soomaaliyeedna weligiis taageero iyo magac kama filan karo.

Kuwa ku riixey meesha xun, ee sabab u noqonaya iney nimankaanu gaalada usii shalwadaan, oo ku cararaan, ummad badanina halaagsanto, boqollaal kunoo cusubina qaxaan, iyana saan filayo, amaan badan Shacabka Soomaaliyeed kama sugayaan, hawlaha ay maalmahaan dambe faraha kula jireen dartood, iyo sida dadban oo ay waxa dhacaya qayb uga noqdeen.

Waxa maanta taagan wixii Culimada iyo Wax garadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in badan ka digayeen, oo ah, in Itoobiya Sallaxaneyso sidey si sharciyaysan Soomaaliya ugu xalaalaysan lahayd, waana tan maanta dalbaneysa in Adduunku u xalaaleeyo Soomaaliya, Kharashkana laga bixiyo, Mar dambana aan la weydiin goortey ka bexeyso. Waa wixii ay Culimada iyo Wax garadku u lahaayeen, war walaalayaalow khatar idinka weyn ayaa soo muuqata eek u baraaruga oo fursadda yar aan Soomaali ahaan dib isugu dhisno, laakiin dhegaha laga cufaystay, sidaas ayeynaan maanta u Maqlayn war culimo, iyo war Odayaal toona, waayo markii la maqli waayey, ayey in badani hawshaba faraha ugala bexeen.
Hal Baaq oo iigu dambeeya waxa weeye: Kooxda wadaadada ee Shariif hoggaaminayey, haddeey weli waxuun dhawranayaan:

Waa Iney si deg dega Saacadaha Soo socda ugu dhawaaqaan: Iney Ka bexeen Siyaasadda oo dhan, ugana tageen Kooxihii kasoo horjeedey, Dalkana aaney marna ku casuumayn Amxaaro, (oo weliba leh gumaysiga Soomaaliya lacag hala iigu daro, Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun). War Duf kubaxa e meesha isaga taga inta goori goor tahay, Aaadan Madoobe iyo Wixii Amxaara u yeeranaya, uga taga meesha haddaad weli wax isku falaysaan.War Maanta uun wax naga Maqla.
Ilaahay waxaa ka baryeynaa Imtixaanada cusub ee la galay inuu naga bad baadiyo, Muslimkana Ilaahay u Naxariisto.
W/Qoray:- Sheekh Maxamed Idriis

DOWLAD KU SHEEGTA: oo asbaabihii loo soo dhisay la soo baxdey

MUQDISHO SOOMAALIYA: Maalintii shaley oo ay taariikhdu ahayd 06/20/09, waxaa soo ifbaxey ujeedooyinkii awalba loo soo dhistey Dowlad ku sheegta uu hormuudka u yahay Shariif Sh Axmed oo sida iska cadaatey markii hore Ummadda Soomaaliyeed ku qalday wadaadnimo ama inuu yahay shaqsi daacad ah, iyo hadal macaani lagu ogaa waqtigii Maxkamaddaha Islaamiga ah.

Gudoomiyaha Baarlamaan ku sheega Dowladda Doofaarey 2, oo lagu magacaabo Aaden Madoobe ayaa af labadii yeeray shaley isagoo u ekaa in malakumoodkii soo ag joogsadey wuxuuna yiri .

"Waxaan Codsaneynaa inay Dowladaha dariska ah ay noo soo gargaaraan gaar ahaan Kenya, Xabashida, Jabuuti iyo Yemen, haddii kale waxaa Dalka la wareegi doonaa kooxo argagixiso ah oo marka dambe qal-qal galin doona dhamaan Gobolka geeska Afrika, waa sida uu hadlaye."

Hadalka Aaden Madoobe, waxaa laga dareemi karay inay Dowlad ku sheegto xaalkeedu yahay mid sakaraad ah, oo ku jirta maalmihii u dambeeyay taasoo u eg inay mar dhow burburi doonto.

Waxaa kaloo uu muujinayaa sidii awalba looga bartey DOOFAAREY 1 inay u yeeraneyso Xabashidda marka ay arkaan in laga nadiifin rabo dhulkeena hooyo, laakiin maanta Xabashi tabar ma haysaa ay ku gargaarto Doofaareey 2 oo ay ku jiraan dadkii awalba ay ku hungowdey iyo waliba wadaado uu dhex marey dagaalkii qaraaraa ee ay ku guuldareysatey.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed maanta u cadaatey in Dowlad ku sheegta ay tahay mid uu gumeystuhu awalba soo dhistey, waxaana ay Ummadda Soomaaliyeed u horseedeen burbur iyo barakicin aan hore loo arag taasoo waliba ay u sii yeeraneyso cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee dariska la ah Soomaaliya, Cadowgaas oo uu ugu horeeyaan Xabashida iyo Kenyaatiga awalba Dhulkeena hore u boobey.

Xabashida ayaa dalbatey in loo fasaxo ama bayaan cad ay u hesho galitaanka Dhulkeena, si ay iyadoo kaalmo ka helaysa Bulsho caalamka xag dhaqaalle iyo dhanka niyadaba, waxaa laga yaabaa inay taa ula jeedo in kaalmo dhaqaale lagu siiyo faragalinta cadowtinimadooda taasoo ay awalba ku kashifmeen.

Wargeyska QORAX.

SIMINAAR: ku saabsanaa maamul wanaagga iyo culuunta shareecada oo lagu soo gabagabeeyey Baardheere

BAARDHEERE Gedo Soomaaliya:
Waxaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo lagu soo afjaray siminaar ku saabsanaa maamul wanaagga iyo culuumta shareecada islaamka kaasoo loo qabtay xubno ka mid ah maamulka islaamigaa ee ka arrimiya gobolka Gedo iyo xubno kale oo ka socday bulshada reer Gedo. Waxaa degmooyinka gobolka Gedo ka kooban yahay laga soo xulay dad ducaad ah iyo dad ka tirsan maamulka islaamigaa ee ka jira gobolka Gedo dadkaas oo caddakoodu gaarayey ilaa 40 xubnood.

Siminaarkaan waxaa soo qaban qaabiyey hayad samafal ah oo wadani ah oo lagu magacaabo Al-khayr taasoo kafaalo qaaday qarashaadka ku baxayey dadka ka qayb galay sinimaarkaas ee ka kala yimid degmooyinka gobolka.

Waxaa iyaduna gacan weyn ka geysatay fulitaanka iyo habsami socodka sinimaarkaan Jaamacadda Gedo oo iyada hoygeeda lagu qabtay sinimaarkaas. Jaamacadda Gedo oo astaan u ah fidinta cilmiga iyo horumarinta bulshada xag cilmi diineed iyo mid adduunyaba ayaa gudanaysa kaalinkeedii ay bulshada u haysay. Waxaa halkaas ammaan iyo bogaadinba uga soo jeediyey Jaamacadda Gedo dhamaan dhinacyadii kasoo qayb galay siminaarkaas oo ay ka mid ahaayeen, hayaddii soo abaabushay ee Al-khayr, maamulka degmada Baardheere, iyo kasoo qayb galayaaashiiba.

Siminaarkaan wuxuu ahaa mid aad ugu habboon xiliga la qabtay oo ka soo qayb galayaashuna ay caddeeyeen inuu munaasib ku ahaa xilligaan oo loo baahan yahay maamul wanaagsan oo ummadda lagu dhaqo si dhibka iyo xanuunka gaajada ay uga baxaan. Waxaa kaloo uu siminaarku u faa’iideeyey maamulka qaabka ugu habboon ee loogu dhaqmi karo shareecada iyo ku maamulida bulshada si wafaaqsan shareecada.

Waxaa xafladdii lagu soo afjaray siminaarka ka hadlay ugu horeyntiiba Gudddmiyaha hayadda samafalka wadaniga ah ee Al-khayr Sh. Xuseen Ismaaciil Cali kaasoo ballan qaaday inay har iyo habeenba u taagnaan doonaan wax u qabadka bulshada soomaaliyeed inta ay ka gaaraan ayna soo qaban qaabin doonaan siminaaro kale oo kuwaan la mid ah. Waxaa kaloo xafladdii xiritaanka siminaarka ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Gedo ahaana musharifka(kormeeraha) siminaarkaan Prof. Bashiir Cumar Ciise Nuunuule isagoo adkeeyey in Jaamacadda Gedo ay ka madax banaantay dhamaan ururada siyaasadeed, kuwa qabaa’ilka iyo kuwo diineedba islamarkaana uu waajib ka saaran yahay horumarinta bulshada xagga cilmiga, wuxuun.a mahad weyn huwiyey hayadda samafalka wadaniga ah ee Al-khayr kuna booriyey inay inaysan ka caajisin hawlahooda samafalka ah.
Hayadda Al-khayr waxaa kaloo ay magaalada ka wadaa biyo gelin la doonayo inay ka hirgasho degmada Baardheere taasoo looga kaaftoomi doono biyaha webiga ee kareetooyinka lagu keeno. Waxaa mar hore ka faa’iideystay qoysas badan oo ka mid ah dadka deegaanka Baardheere, waxaana qorshuhu yahay in muddo sannad gudahiisaa magaalada ku hesho biyo nadiif ah oo tubooyin laga cabayo.

Guddoomiyaha Al-khayr
Sh. Xuseen Ismaaciil Cali

HALGAMAYAASHA SOOMAALIYEED: oo digniin u direy Dowladaha deriska ah ee Kenya iyo Xabashida.

MUQDISHU SOOMAALIYA: Halgamayaasha Dalka Soomaaliya ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo digniin kama dambeys ah maanta u direy Wadamadda deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Xabashida oo maalmahan u hanqal taagayo inay ku duulaan Dalka hooyo.

Dalka Xabashida ayaa sannadkii 1996 ilaa 2008dii bishii Janawari faragalin buuxda ku hayey Dalkeena, Xabashida waligeedba way wadey faragalinta laakiin waxay si buuxda u soo gashey Dalkeena 1996dii oo ay dagaal isaga hor yimaadeen Ururka Islaamiga ah ee Al-itixaad, laakiin waxay dib ugu laabteen xuduud beenaadka ay dalka la leedahay ka dib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeed Ururkaas Islaamiga aha.

Waxay Xabashidu sidoo kale soo gashey Dhulkaana barakeysan 2006 bishii Disember taariikhda Milaadiga ah, ka dib markii inta badan Koonfurta Dalkeena ay gacanta u gashey Ururkii Islaamiga ahaa ee Midowga Maxaakiimta, Xabashidu waxaa markii ugu horeysay u suuro galay inay gacanta u gasho Caasimadeena. Guuldarodaas oo ay sabab u ahaayeen qaar ka mid ah Qab-qablayaasha dagaal ee ay awalba Iyadu soo hubeyn jirtay oo ay markaa UNtu u aqoonsatey inay iyagu Dowlad ka yihiin Dalkeena.

Xabashidu waxaa ka hor yimid kacdoon ay faraha uga gubatey kaasoo socdey muddo laba bilood ah, waxaa inta badan la laayey askartii u adeegaysay iyo waliba jaajuusintii, ama ha ahaadeed madax ama minjo. Xabashidu waxaa lagu qasbey 2009 bilowgisii inay dib uga cararto Dalkeena iyagoo halkaas ay ka soo gaartey guul-daro aaney ka soo waaqsan doonin.

Dowlad ku sheegta uu Madaxda ka yahay Wadaad la yiraahdo Shariif ayaa shaley oo aheyd 6/20/09 waxay dalbadeen in ay Dowladaha dariska ah ee Xabashida iyo Kenya ay la soo gaaraan Ciidan iyo gargaar si loo badbaadiyo kursigooda ay qandaraaska ku soo qaateen.
Wararka qaar ayaa sheegey in Dalka Kenya uu isku diyaarinayo in uu weerar ku ekeeyo Dalkeena si uu caawiyo damaca Xabashida iyo gaallada ay ka leeyihiin Dalkeena iyo Dadkeena oo ay u haystaan inay iyagu xaq u leeyihiin talladooda iyo aayatiinkooda, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "DHAGAR QABE, ISAGAA ISKA KAA YAQAAN" oo aan ula jeedo Kenya iyo Xabashidu waxay ka cabsi qabaan in loogu yimaado Dhulkeena ay hore u boobeen.

Halgamayaashu waxay diyaar u yihiin wax kastoo ku dhaca, sidoo kale waxay diyaar u yihiin inay u dhintaan Diintooda iyo difaaca Dadkooda/Dalkooda Muslimka ah. waxaa laga wardhowrayaa waxay ka qadi karaan Ciidamada Kenya iyo Xabashida ee ay soo kireysteen Dowladihii gaallada ahaa ee awalba ahaa Gumeyste faashil ah oo caado ka dhigtey inay gumaadaan Ummadda Muslimiinta ah meel kastoo ay joogaan.

WFP: CUNO GARGAAR AH, oo loo wadey barakacayaasha oo la xadey

Ka dib dagaal lala soo doontey Ummadda Soomaaliyeed afartii sanno ee ugu dambeeyay, Waxaa Magaalla-Madaxda Dalkeena iyo meelo kale oo fara badan ku barakacey Dad lagu qiyaasi karo ilaa hal malyuun oo Qof.

Dadka bara kacey ee ku sugan Dalka dhexdiisa waxay intooda badan Maanta ku badan yihiin nawaaxiga Caasimadeena ee Muqdisho, qaas ahaan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Xamar, Halkaas oo laga aas-aasey Xoreeyin Qaxooti ama barakacayaal.

Hadaba, Xerooyinkaas waxaa aad iyo aad ugu dhibaateysan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan caruurta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed. Hay'adda WFP oo haysata Mashruuc ama Qandaraas loogu tallo galey in lagu quudiyo Dadkaas dhulkooda dhexdiisa ku barakacey. Sidoo kale WFP waxay sheegataa inay quudiso in ka badan 2 ilss 3 Malyuun oo Qof, waa habka ay ku ganacsato.

WFP cunnada ay sheegto inay u qaybiso Dadka soo barakacey oo dhawaan baaris lagu sameeyay ayaa waxaa soo baxay in cunnada loogu tallo galey in lagu quudiyo dadka dhibaateysan ay shaqaalaheedu iibsadaan halka caruurtii iyo hooyooyinkii ay ku dac daran yihiin duleedka Muqdisho. Hoos ka daalaco Filim NAXDIN LEH OO laga soo qaadey arintaas.