June 27, 2009

ERITERIA: oo cambaareysay Hubkii Mareykanku Soomaaliya u diray

ASMARA ERITERIA: Sabti 6/27/09. Dowladda Eriteriya ayaa si kulul u cambaareysay hubkii iyo rasaastii uu Dalka Mareykanka u diray Dalka Soomaaliya, hubkaan aan sida la sheegay uu Mareykanku ugu deeqay waxa ay ugu yeereen Dowladda Soomaaliyeed (Kooxda Isbaaroleyda) oo u badan Qab-qableyaal dagaal.


"Faragalinta/hubka lagu sii dal-dalaayo Soomaalia, oo ah mid marin habaab ku socda horey ayaa loogu guul dareystay, Haba-yaraatee waxba lagama faa'iidaayo ficilada ay mar walba Dowlada Mareykanku ka sameyso Dalka Soomaalya" Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibedda Dalka Eriteria.
Mareykanka ayaa asbuucaan cadeeyay inuu hub iyo rasaas u diray Kooxda Doofaarey/DKMG ee tabarta daran, Ka gadaal markii uu Mareykanku ogaadey in Kooxdani qarka u saaran tahay inuu laga cayriyo meelaha yar ee uga sugan yihiin Dalka. Waxayna Kooxdani lumisay Goobo badan waqti yar oo ay dagaal isaga hor yimaadeen Mujaahidiinta Al-shabaabka iyo Xisbul-Islaam.

Mareykanka wuxuu Dalka Eriteeriya mar walba ku eedeeyaa inay hubeyso Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam taasoo mar walba ay dafirto Dowladda Eriteriya, Laakiin waxay Eriteriya si buuxda u taageertaa halganka Xornimo-doonka ah ee looga soo horjeedo gumeystayaasha isbaheystay ee uu dhaqaalaha u hayo Mareykanka, dhanka Ciidankana ay Xabashidu ugu qaybsan tahay.

Wargeyska QORAX

No comments: