June 21, 2009

HALGAMAYAASHA SOOMAALIYEED: oo digniin u direy Dowladaha deriska ah ee Kenya iyo Xabashida.

MUQDISHU SOOMAALIYA: Halgamayaasha Dalka Soomaaliya ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo digniin kama dambeys ah maanta u direy Wadamadda deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Xabashida oo maalmahan u hanqal taagayo inay ku duulaan Dalka hooyo.

Dalka Xabashida ayaa sannadkii 1996 ilaa 2008dii bishii Janawari faragalin buuxda ku hayey Dalkeena, Xabashida waligeedba way wadey faragalinta laakiin waxay si buuxda u soo gashey Dalkeena 1996dii oo ay dagaal isaga hor yimaadeen Ururka Islaamiga ah ee Al-itixaad, laakiin waxay dib ugu laabteen xuduud beenaadka ay dalka la leedahay ka dib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeed Ururkaas Islaamiga aha.

Waxay Xabashidu sidoo kale soo gashey Dhulkaana barakeysan 2006 bishii Disember taariikhda Milaadiga ah, ka dib markii inta badan Koonfurta Dalkeena ay gacanta u gashey Ururkii Islaamiga ahaa ee Midowga Maxaakiimta, Xabashidu waxaa markii ugu horeysay u suuro galay inay gacanta u gasho Caasimadeena. Guuldarodaas oo ay sabab u ahaayeen qaar ka mid ah Qab-qablayaasha dagaal ee ay awalba Iyadu soo hubeyn jirtay oo ay markaa UNtu u aqoonsatey inay iyagu Dowlad ka yihiin Dalkeena.

Xabashidu waxaa ka hor yimid kacdoon ay faraha uga gubatey kaasoo socdey muddo laba bilood ah, waxaa inta badan la laayey askartii u adeegaysay iyo waliba jaajuusintii, ama ha ahaadeed madax ama minjo. Xabashidu waxaa lagu qasbey 2009 bilowgisii inay dib uga cararto Dalkeena iyagoo halkaas ay ka soo gaartey guul-daro aaney ka soo waaqsan doonin.

Dowlad ku sheegta uu Madaxda ka yahay Wadaad la yiraahdo Shariif ayaa shaley oo aheyd 6/20/09 waxay dalbadeen in ay Dowladaha dariska ah ee Xabashida iyo Kenya ay la soo gaaraan Ciidan iyo gargaar si loo badbaadiyo kursigooda ay qandaraaska ku soo qaateen.
Wararka qaar ayaa sheegey in Dalka Kenya uu isku diyaarinayo in uu weerar ku ekeeyo Dalkeena si uu caawiyo damaca Xabashida iyo gaallada ay ka leeyihiin Dalkeena iyo Dadkeena oo ay u haystaan inay iyagu xaq u leeyihiin talladooda iyo aayatiinkooda, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "DHAGAR QABE, ISAGAA ISKA KAA YAQAAN" oo aan ula jeedo Kenya iyo Xabashidu waxay ka cabsi qabaan in loogu yimaado Dhulkeena ay hore u boobeen.

Halgamayaashu waxay diyaar u yihiin wax kastoo ku dhaca, sidoo kale waxay diyaar u yihiin inay u dhintaan Diintooda iyo difaaca Dadkooda/Dalkooda Muslimka ah. waxaa laga wardhowrayaa waxay ka qadi karaan Ciidamada Kenya iyo Xabashida ee ay soo kireysteen Dowladihii gaallada ahaa ee awalba ahaa Gumeyste faashil ah oo caado ka dhigtey inay gumaadaan Ummadda Muslimiinta ah meel kastoo ay joogaan.

No comments: