June 26, 2009

KOOXDA SUUFIYADDA: oo bandow ku soo rogay C/waaq G/Galgaduud.

CAABUD-WAAQ SOOMAALIYA: Kooxda la baxdey Ahlu-sunna-Waljameeca ayaa shaley bandow aan hore loo arag ku soo rogtay Magaaladda Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud. waxaa la arkey galabnimadii baabuur lagu soo rakibey sameecado oo Magaaladda dhex wareegayo.
"Waxay cod dheer ku lahaayeen Caawa wixii ka dambeeya Magaaladu waa bandow
xilliga habeenkii. "
Kooxdan Wal-jameeca oo u badan Mooryaantii Xamar iyo Goboladda dhexe oo isbaheysi u dhexeeyo waxay taageero rasmi ah ka helaan Ciidanka Xabashida ee fadhiya xaduud-beenka Soomaaliya iyo Xabashidal. Ujeedooyinka cadowga Xabashidu u hubeynayaan waa in la isku baabi'iyo shacabka Soomaaliyeed. Hadba kii doqon ah oo ciil qabo sii qori Ak47 iyo rasaastiisa si uu ugu soo laayo walaalkiisa kale ee Soomaliga/Muslimka ah.

Magaalada Caabud-Waaq waxay kooxdaan si buuxda ula wareegeen ka dib markii lagu soo jabiyay Dagaalkii Wabxo ee dhex marey iyaga iyo Al-shabaab Mujaahidiin, laakiin waa markii hoeysay ee Caabud-waaq Dadweynaheeda lagu amro inay Guryahooda ka soo bixi karin taasoo inta badan shacabka ka yaabisay!

Suufiyadda Gobolada dhexe ayaa maalmihii/Bilihii tagey waxay ahaayeen qaar ay indhaha Cadowga reer Galbeedka ku diirsadeen oo waliba Rajodoodii gumeysiga dib u soo nooleysay, Cadowga Galbeedka ayaa diyaarinaaya sidii loo hubeyn lahaa, oo waliba loo sharfi lahaa Suufiyadda kadib markii ay dagaal qaraar la galeen Halgamayaasha Dalkeena ka xoreeyay Xabashida ee AL-shabaab iyo Xisbul-Islaamka.


Wargeyska QORAX

No comments: