June 25, 2009

MAREYKANKA: oo sheegay inuu hub iyo rasaas siiyay Kooxda Doofaarey2/DFKM.

MUQDISHO SOOMAALIYA: Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay hub iyo rasaas u direen kooxda Doofaarey2/DFKM ama Kooxda Isbaaroleyda Midowday, waxaa sidoo kale la sheegay in uu hubkaasi ka soo dagey dekedda Muqdisho asbuucii tagey.

Mareykanka wuxuu sheegay inuu hubkaas iyo rasaasta ay ugu direen kooxda Doofaarey2 si ay ulla dagaalamaan kooxda Al-shabaab/Xisbul Islaam ee xiriirka la leh Al-qaacida. iyo waliba cidkastoo ka soo horjeedda danaha reer galbeedka/Bulshada caalamka.Arintaan ayaa la sheegay inay la xiriirto isbedel ku yimid siyaasadda Maamulka cusub ee uu hormuudka ka yahay Barack Obama. waxaana laga yaabaa in Mareykanku markaan rabo inuu isku hubeeyo shacabka Soomaaliyeed si ay isku baabi'iyaan.

Lama oga inta uu la'egyahay hubkaan iyo waliba noocyadiisa laakiin waxaa loo badinayaa inuu u badan yahay qoriga Ak47ka loo yaqaan iyo hubka fudfudud ee lagu farsameeyo Wadamadii hantiwadaga ahaa ee Midowgii soofiyeeti, waxaa kaloo laga yaabaa inay la socdaan rasaasta hubkaas. Hubkaan marka uu gacanta u soo gallo Kooxdan Isbaaroleyda waxaa laga dareemi doonaa suuqyadda Cirtoogte, maadaama sida looga bartey kooxdaan ay si toos ah u iibsan doonaan taasoo keeni doonta inuu qiimo-dhac ku yimaado hubka iyo rasaasta.

Siyaasadda cusub ee Meraykanka ayaa sida muuqata dhigeysa in shacabka Soomaaliyeed la isku hubeeyo si ay iyagu isku baabi'iyaan.


Wargeyska QORAX.

No comments: