June 25, 2009

RAADIYOOW AMISOM ! oo laga furey Muqdisho, muxuuse qaban doonaa?

MUQDISHU SOOMAALIYA: Kooxda calooshood-u-shaqeystayaasha ee la baxey AMISOM ayaa ka dhawaajiyay inay fureen Idaacad cusub. Idaacadaan waxay sheegeen inay la hadli doonto shacabka Xamar iyo xamardaye si ay u taageeraan kooxda Isbaarooleyda/Doofaarey2 ee Dowlad ku sheegta ah.

Idaacadaan waxaa kaliftey in la fure ka dib markii ay adkaatey inay Wariyeyaashu gudan waayeen howshooda soo tabinta wararka ah, Ayuu sheegay mid u hadley calooshood-u-shaqeysatadda AMISOM. wuxuuna sheegay in kooxaha Isbaaroleyda/DFKG ka soo horjeeda ay caburiyaan Idaacadaha ka jira Caasimadda una diideen inay si dhab ah wararka ugu tabiyaan Dadweynaha waa sida uu u dhigaye.

Idaacadaan ayaa laga yaabaa inay ka hadli doonaan Soomaalida aadka ula dhacsan inay ku hoos noolaadaan Isticmaarka Madow ee maanta Dalkeena ku soo duulay, Sidaa oo kale waxaa hubaal ah inay faafin doonto Diinta Masiixiga ah ee ay AMISOM rumeysan tahay inay u adeegayaan.

Idaacadaan ayaa sidoo kale waxay muujinaysaa sida ay Ciidamada shisheeye aadka ugu dadaaleen inay marin habaabiyaan Ummadkeena iyo Shacabkeena guud ahaantiisa gaar ahaan Goobaha ay maanta ku sugan yihiin Calooshood-u-shaqeystayaasha/dambiilayaasha la baxay AMISOM, halkaas oo ah caasimadeeni Xamar Cadeey.
Wargeyska QORAX.

No comments: