August 29, 2009

BELED-WAYNE: oo ay maanta Xabashi qabsatey/boobtey !

Wararka rasmiga ah ee ka imaanaya Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan Soomaaliya ee Beled-Wayne waxay xaqiijinayaan in Maanta oo ah Sabti bisha 8/29/09 in ay Ciidanka cadowga Xabashidu ay si buuxda u qabsadeen Magaaladda.

Ciidanka Xabashida waxaa soo horkacey kooxo Dambiilayaal ah oo sheegta inay Gobolka Hiiraan ama Magaaladda Beled-wayne ay u dhasheen, laakiin sida runta ah Dad jaahiliin ah oo aan damiir iyo dadnimo toona laheyn. haddaba markii ay Xabashidu si buuxda u qabsatey Magaaladda ayaa la sheegayaa inay ay halkaa ku dileen labo ruux oo shacab ah, sidoo kale waxay baaritaan iyo farateysi ugu dhaqaaqeen Guryaha iyo goobaha ganacsiga ee Magaaladda, waxayna halkaa ku boobeen hanti farabadan oo ay ka qaateen Guryaha dadka shacabka iyo waliba goobaha ganacsiga.

"Inta badan waxaa dadka shacabka ah dhaca u gaystey waxay ahaayeen Jabhadaha Soomaalida ah ee la socda Xabashida" Ayuu dhahey wiil qadka Tellka lagu wareystay oo jooga Beled-wayne.

Dhibaatadda ugu badan waxay Ciidanka cadowgu ka gaysteen dhanka Galbeed ee Magaaladda oo inta badan ay maamulaan/li jireen Ciidamadda halgamaasha ah ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo iskaashanaaya. Xabashida iyo daba-dhilifyadooda waxay Galbeedka Magaaladda u boobeen oo ay shacabkana u dhibaateeyeen waa iyadoo dhanka Galbeed ee Magaaladda laga taageero Halgamayaasha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, oo waxay uga dhigayaan ciqaab iyo cagajugleyn ujeedadeedu tahay inay ka waantoobaan inay xornimo iyo madaxbanaani sheegtaan.

W
axay u egtahay in shacabka Gobolka Hiiraan intiisa badan uu waa ku baryey, waxaan ognahay in Shacabka Gobolka intiisa badan Halgamayaasha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam loo tusey inay cadow u yihiin halka Xabashida iyo kooxda shariifkana looga dhigay inay isku asxaab yihiin.

Su'aasha maanta u taal reer Hiiraan waa "Wali ma jidkii qaldanaa ee ay Tuugada/Dabodhilifka idiin jeexeen ayaad sii haysan doontaan? Mise waxaad ku cibro qaadan doontaan waxa maanta dhacey?. Waxay u badan tahay in maanta Shacabku si isku mid ah u wada arki doono cadowga Xabashaka ah ee mar walba gardaradda ku soo galla dhulkeena gaar ahaan Beled-wayne iyo meelaha kale ee xuduud beenaadka ku yaalla.

Wargeyka
QORAX.