July 1, 2009

1da LUULYO IYO SHIRKA SIRTA: Ma dabaal degnaa mise waan Is-xoreynaa mar kale?

MAANTA WAA 1 Luulyo 2009ka. waxay ku beegan tahay sannad-guuradii ka soo wareegatey markii ay midoobeen labadda Gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, Soomaalida ayaa markii u horeysay dhistey Dowlad ay u madax-banaan yihiin.

Waxay aheyd runtii xilli farxad iyo damaashaad aan la soo koobi karin Soomaalida u aheyd, maxaa yeelay wuxuu Illaahey ka dul qaadey gumeysi muddo ka badan 70tan sanno dhulkooda haystey.

Soomaalidu qiimaha ay leedahay Maalinta 1da luulyo wali may iloobin, inkastoo is-bedel badan iyo bur-bur uu ku yimid Qarankii iyo Dalkii Soomaaliya. Waxaa soo baxey Gobolo sheegtay inay ka madax-banaan yihiin Soomaaliya, Dalka oo dhan waxaa 1990kii qabsadey Jabhaddo qabiili ah (SNM, USC, SSDF, SPM, IWM) oo ay tabobartey, hubna siisay Dowlada Xabashida ilaa haddana iyadu u taliso ama saaxiib la ah!. Waxay Jabhadahaas bur-buriyeen aas-aaskii Qaranimada Soomaaliyeed, iyagoo Dalka ka dhigay mid kala qayb-qaybsan. Maanta haddii aan la is yeel-yeelin Dalka kama jiraan wax loo dabaal deggo ee waxaa ka jira xaalad/masiibo Bani'aadanimo oo aad iyo aad u murugo badan, Dagaalo, barakac, nafaqo-darro, cuduradda faafa, iyo waxkastoo u daran nolosha Bani'aadamka.

Maanta Soomaali badan ayaa damaashaadka 1da luulyo iskugu soo baxey dhamaan Aduunka dacaladiisa, gaar ahaan Soomaalida ku nool qurbaha, Waxaa kaloo 1da luulyo laga xusey sidda la sheegay Xaafaddo ka mid ah Muqdisho (Caasimadda Dalka) oo sida la sheegay dhuumaaleysi aheyd iyo qaybo ka mid Gobolka Gal-guduud oo ay Maamulaan Kooxda Suufiyadda ee Xabashidu soo hubeysay .

Gudaha Dalka. Labada Koox ee Xuska 1da luulyo sameeyay waxay gacan-saar buuxa la leeyihiin Taliska Tigreega ee Melez-Zinawi, iyo waliba Ciidanka calooshood-u-shaqeystayasha ah (AMISOM) ee laga keenay Dalka Uganda iyo Burundi ! Maxaa 1da luulyo ka qaldamey ? Wax badan, Wax badan!

Shirka Sirta.

Magaaladda SIRTA ee Dalka Liibiya isla maanta 1da luulyo waxaa shir-aan-caadi aheyn uga furmay Dowlado Afrikaan ah oo qaar ay Ciidankoodu joogaan Soomaaliya, Dowladahan waxaa ka mid ah Uganda, Burundi, Kenya iyo waliba Ethiopia.

Shirkaan sida la shaaciyey waxaa iskugu yeeray oo qaban-qaabiyey Kaligiis-taliye Meles-Zinaawi (Ra'iisal Wasaaraha Dalka Xabashida), Melez Zinaawi kaligiis maaha ee waxaa garabkiisa midig-taagan Shariif Sh Axmed oo lagu sheego inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya!. Melez wuxuu kor iyo hoos doonayaa in Wadamadda Soomaaliya dariska la ah (oo ay ku jirto Xabashidu/Kenya) loo ogolaado inay weerar ku ekeeyaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ee iska dhibaateysan. Bayaan ka soo baxey shirkaas ayaa leh .
"Waxaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey
ka codsaneynaa inay wax ka bedelaan go'aankii kal hore looga mamnuucay Wadamadda dariska la ah Soomaaliya inay
Ciidan u diraan ama weerar ku qaadaan Soomaaliya
"Ayuu codsadey Meles Zinawi
Hadaba Soomaaliyey iyadoo aan ognahay xaalka maanta, dhibaatada iyo silica haysta Ummadda Soomaaliyeed iyo waliba sida ay Cadowga Soomaaliyeed ugu tashadey sidii ay u sii gumeysan lahaayeen una sii tir-tiri lahaayeen.

Ma waxaa nala gudboon inaan dabaal-degno mise waxaa nala gudboon inaan isku diyaarino sidii aan Dalkeena iyo Dadkeena uga celin laheyn Waraabayaasha iyo gumeystayaasha Madow ee shaqada naga dhigtey ?

Inaan dabaal degno nooma eka maanta oo Dalkeenii gumeysi cusub joogo ! waxaa Soomaalida dhiiga/iimaanka leh waajib ku ah inay u diyaar garoobaan sidii ay u xoreyn lahaayeen Dalka, uguna halgami lahaayeen dadkooda, Dalkooda iyo Dintoodaba.

Wargeyska QORAX

FARAJ BAA DHOW: WQ Dr Cumar Cusmaan Raabe

HA IS-DHIIBIN SOOMAALIYEY !...

1- Iyadoo 1da Luuliyo ay ahayd, 49 sano ka hor, maalintii xusuusta iyo farxadda lahayd ee Qaranka Soomaaliyeed, meel uu joogaba, isaga oo isku duuban, u sarakacay Dalkiisa, dadnimadiisa iyo dowladnimadiisa.

2- Waxaan maanta Ummadda Soomaaliyeed la qaybsanayaa geerida iyo murugada, waqtigan mugdiga ah iyo taariikhda madow ee maanta la marayo; iyadoo dhibaatadaas culus, si isdabajoog ah loogu soo jirey muddo 20 sano ah: dad iyo duunyo lagu hoobtay; dal, bulsho iyo dowladnimona ku burbureen oy ku baaba’een; laguna illaawey xusuus, xaq iyo xeer, wax horey loo soo ahaan jirey iyo aayatiin dambe oo lagu tashado…

3- Inkasta oy sidaas tahay, waxaan haddana Qaranka Soomaaliyeed guud ahaantii iyo qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaantiis, ku goobaabinayaa in aan la rajo-dhigin oon la is-dhiibin!... Gurmadka Allaah iyo gargaarkiisa ayaa innooga iman gees aan la filayn!...

4- Ha isdhiibin, ha isdhiibin Soomaaliyey!... Ilaahii mar walba oo halistu heerkaas gaadho ku bixin jirey, ee ku badbaadin jirey, Ilaahiibaa maantana jooga oo jira!...

5- Hubaal, waxa kuu dambeyn: GUUL, SHARAF IYO FARXAD!... Iyo wax aad ku illawdo wax kasta oo ku soo marey!... Faraj Allaa dhow, ha isdhiibin Soomaaliyey!..


WQ: Cumar Cusmaan Raabe

KISMAAYO: Maamulka Islaamiga ah oo amar ka soo saarey Dadka ku ganacsada Jidadka hareerahooda

KISMAAYO SOOMAALIYA: Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa maanta digniin u jeediyey dadka sida sharci darodda ah ku ganacsada Goobaha dadweynaha qaas ahaan hareeraha wadooyinka. Ganacsatadaas sida qaldan Jidadka ku ganacsada ayaa loo qabtay muddo saddex maalmood ah inay uga guuraan meelaha aan sharciga aheyn.

Maamulka ayaa sheegay haddii ay u hogaansami waayaan inay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo warbaahinta kula hadley xafiiskiisa ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Xisbada ay qaadayaan howl-gal lagu soo celinayo bilicda Magaalada, wuxuuna Sheekh Xasan Yacquub ku nuux-nuuxsaday in la baabi'inaayo mehradaha gamacsiga ee qaabka aan sharciga aheyn wadooyinka agagaarkooda ugu yaalla.

Waxaa uu sheegay in muddo saddex cisho ah ay ganacsatada ku ag-ganacsada jidadka u qabteen haddii ay mudadaas ku qaadi wayaan barahana ay ciidamadu howlgal fulin doonaan.

Maamulka Kismaayo ayaa goor sii horeysay oo horaantii sanadkan ah waxaa uu dhismo ku sameeyey wado dheer oo magaalada xiriiriso, taasoo aheyd horumar aan hore loo arag koonfurta Soomaaliya intii uu burburka dhacey.

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa u muuqda mid hormuud u ah soo celinta nidaamkii iyo kala dambeyntii la waayey 19kii sanno ee la soo dhaafey.




Wargeyska QORAX