September 29, 2009

KISMAAYO: Nabadii iyo kala-dambeyntii yaa qal-qal galiyay?

KISMAAYO SOOMAALIYA: Waxaa ayaamihii la soo dhaafey Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose soo galay Jabhad uu hor kacaayo Axmed Maxamed Islaan oo loogu yeero Axmed Madoobe. Axmed madoobe wuxuu ka mid yahay Saraakiisha Mucaskarka Kaambooni ee uu Hogaamiyo Sh Xasan Turki.

Hadaba markii ay Ciidankaas/Jabhadaas soo galeen Magaalada waxay salka dhigteen/hubsadeen bartamaha magaaladda taasoo keentay cabsi shacabka Magaaladda soo wajahdey iyo in Maamulkii Magaalada Mas'uuliyiin ka mid ahi banaanka uga baxaan. sababta dhabta ah ee ay sidaas u yeeleen lama yaqaan laakiin waxaa loo maleynayaa inay diidanaayeen in isku dhac uu yimaado, Mas'uuliyiinta maalin ka dib ayey dib ugu soo noqdeen Magaaladda iyagoo sheegay in ay wali shaqeynayaan amaankana sugayaan, qal-qalka galey maamulkii ayaa markiba keenay in Qof rayid ah lagu dilay Bartamaha magaalada, ilaa haddana lama yaqaan cidda ka dambeysa iyo sababta laakiin waa Qofkii ugu horeeyay ee la dilo muddo sanad ku dhow.

"Anagu dhib ma wadno waxaan dooneynaa in Maamulka nalaku soo wareejiyo,Maamulka jiray way nagu balan fureen. Ayuu sheegay Axmed Madoobe mar ay wareysi la yeesheen Idaacadaha qaarkood."
Dhanka kale Axmed Madoobe iyo ciidanka uu wato oo lagu sheegay inay yihiin Mucaskarka Kaambooni iyo Caanoole oo labaduba ka tirsan Ururka Xisbul-Islaam ayaa inta badan dadka siyaasadda indha indheeya ay ku sheegaan inay yihiin Maleeshiyooyin u nidaamsan qaab beeleedka degaanka ah halka kuwa Maamulka hadda jira ay yihiin caksigooda. hasayeeshee waxay ku andacoonayaan/doonayaan in Maamulka Magaalada iyaga lagu wareejiyo taasoo inta badan dadka degaanka iyo Maamulkaba u cuntami waydey. Waayo Kismaayo ma aha meel beeli leedahay ee waa Magaallo Madaxda sadexaad ee Dalka mana lagu aamini karo Ciidan la ogyahay inay yihiin Beello ku qaraabanaaya Magaca Xisbul Islaam.

Maamulka Kismaayo oo dhowaan ku dhawaaqey inay ku biireen Al-shabaab, awalba intooda badani ay ahaayeen ayaa waxay muujiyeen feejignaan iyo waliba taxadar la dhihi karo wuu wanaagsan yahay. waxayna iska ilaaliyeen inay Dagaal kala hortagaan kooxdan uu Axmed Madoobe soo abaabuley kuna soo duuley Magaallo nabad iyo Maamul uu ka jiro isla markaan ah Xarunta Islaamka/Muslimiinta oo dhan.

Waxaa wali socda dadaal iyo dalabyo lagu raadinaayo in Axmed Madoobe iyo Ciidanka uu soo abaabulay Magaaladda looga saaro, waxayna u egtahay in lagu guuleysan karo haddiise uu diido waxaa dhici karta in Maamulka uu tilaabada ku haboon uu ka qaato taasoo dhalin karta isku dhac Ciidan.

Kismaayo oo nabad ah in Jabhad Beeleed ay dhahdo Maamulka haddii naloo dhiibi waayo waan dagaalameynaa waxay muujinaysaa wax yeelada ay leedahay midnimo la'aanta iyo kala daadsanaanta halgamayaasha iyo ururada aan aaminsan nahay inay doonayaan inay Dalka ku xukumaan shareecadda Islaamka. Laakiin waxay arinta Kismaayo keeni kartaa in dagaal dhoco ama si toos ah loo midoobo midkood.
Wargeyska QORAX

September 26, 2009

SAXAAFADA SOOMAALIYA: Maxaa la baraa Wariyeyaasha Soomaaliya ?

NAIROBI KENYA : Waxaa Dalka Kenya marwalba lagu qabtaa tabobar loo sameeyo Wariyeyaal ka yimid Dalka Soomaaliya dacaladiisa. Tababarkan waxaa dhaqaalaha bixiya hay'addo (Missionary) ka yimid Wadamada reer Galbeedka ah.

Hadaba tababarkan loo qabto wariyayaasha waxaa inta badan lagu baraa dhaqanka iyo himilooyinka ay Dowladaha reer Galbeedka/deeqda bixiya sida xuquuqda Insaanka (Sida ay iyagu u yaqaaniin) xoriyadda qowlka iyo waxyaalo kale oo ay ka mid yihiin in shuruucda caalamiga ah isla marka shacabka Soomaaliyeed la baro iyo in Shacabka aduunka uu yahay walaalo ama isku mid.

Waxaan la yaab leh in Wariyeyaasha la soo tababartey ay indhaha ka qabsadeen tacadigii iyo xasuuqii ay dalkeena ka gaysteen Ciidanka Xabashida 2006 illaa 2009 bilowgiisa. taasoo waafaqsan sida loo soo tababarey ama wax loogu sheegay. Shaqsiyaadkaan wax la soo barey waxay u dhaqmeen sidii in ay yihiin dad aan u dhalan Soomaaliya. oo waxay dhaheen Anagu waxaan nahay dhexdhexaad ! waa sida waxloo soo barey.

Wararkooda waxaa ka mid ahaa in ay Ciidanka Xabasida ku tilmaami jireen inay Dalkeena u joogaan inay caawiyaan Dowlad ku sheegta ay Xabashidu gacanteeda ku soo dhisatey, waxayna mar walba iska insha tiraan in Xabashida ama Ciidanka AMISOM ay dalka ku soo duuleen isla markaana ay tacadi iyo xasuuq Dalka ka gaysteen.. Waayo waxaad ogtihiin in Wariyeyaashaani loo soo tababarey inay Shuruucda Aduunka (New World Order) markasta raacaan !. Maadaama ay tababarka ka dib loo qoro Mushaar bil kasta, haddii ay jabiyaan heshiiskana laga jari doono mushaarkaas.

Arimaha tabobaradda ah ee Nairobi ka socda kaliya kuma eka Wariyeyaasha si Shacabka Soomaaliyeed ra'yigooda loo qaldo, laakiin waxaa kaloo jira tabobaro ku saabsan dhinacyo badan sida Waxbarshadda, Caafimaadka iyo arimo kale oo ay ku jirto in la gaaleysiiyo Ummadda Soomaaliyeed.


Wargeyska QORAX

MIYEEYDAAN BARAARUGEYN: Shacabka Muqdishow ma Dalkiina hooyo ayaad lama ooyaan ku noqoteen ?

MUQDISHO SOOMAALIYA: Magaalo-Madaxda Dalkeena waxaa bilihii la soo dhaafey ay Ciidanka Afrikaanka ah ee la baxay AMISOM ee calooshood u shaqeysatada ah caado ka dhigteen inay Madaafiic si ula kac ah ugu garaacaan Xaafadaha Shacabku ku badan yahay. gaar ahaan waxay bar-tilmaameed sadaan Goobaha Dadku ku badan yahay sida: Suuqyadda iyo Xaafadaha ay wali ku tuhunsan yihiin in wali shacab degen yahay.

Muddo ku dhow sadex sanno waxaa shacabka ku dhaqan Muqdisho si arxan darro ah Goobaha ay ku nool yihiin mar walba loola beegsanaayay Madaafiicda goobta. dhaqankaan waxashnimo/arxan darada ah waxaa markii hore bilaabey Ciidankii Xabashida ee Dalkeena ku soo duulay 2006dii. taasoo sababtey in ay ku barakacaan kala bar Dadkii ku noolaa Magaalada Muqdisho oo qiyaastoodu dhameyd xiligaas 250,000 ilaa 560.000 oo Qof, isla waqtigaas waxay Xabashidu xasuuqeen/daawaceen Dad ka badan 30.000 oo qof. Laakiin markii si wada jir ah looga dhiidhiyay oo dagaal ba'an lala galay Xabashidii waxaa lagu qasbey inay Dalka iskaga cararto.

Sida dhabta ah. Xasuuqii Shacabku halkaas kuma joogsan ee waxaa maanta halkiisii iyo qaabkiisii oo kale sii wada Ciidanka colooshood u shaqeystayaasha ah ee la baxay AMISOM. Ayaamahan dambe waxay bilaabeen inay si bareer ah Madaafiic ugu garaacaan Degaanada Shacabku ku badan yahay gaar ahaan Suuqyadda Waaweyn ee Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad iyagoo mar marsiinyo ka dhigta inay Halgamayaashu (Al-shabaab/Xisbul-Islaam) hoobiye ka soo tuuraan goobahaas, arintaan inay dhab tahay in kale cidna isma waydiiso! AMISOM taas cadeyteeda qofna kama rabto waayo uma aragto muhiim inay tahay.

Waxaa iswaydiin mudan Ciidanka shisheeyaha ah ee AMISOM yaa xaq u siiyay inay Madaafiic la dhacaan goobaha Dadka rayidka ah ay degen yihiin ? Ma UNta , Mareykanka Mise kuwa Dowlad ku sheega ah ? Jawaabta su'aashaasi waxay tahay ma jirto cid xaq u leh inay Dalkeena imaado, Madaafiic Shacabka ku garaacdo marnaba.. Oo indhacadaan wali leh waan is-difaaceynaa ! marka ay shacabka laayaan CAJIIB.

Shacabka Reer Muqdisho maxaa la gudboon maanta ? Waxay u egtahay inay Dhulkoodii hooyo ku noqdeen looma ooyaan ! Maxaa yeelay wali lama hayo wax ka hadlaaya xasuuqa maalin iyo habeen ay AMISOM ku hayso . Hay'adaha Gaallada ee xuquuqul Insaanka isku sheega kama hadlaan, Ururada Afrika, Muslimiinta, Carabta iyo Reer Galbeedka Idaacadahoodu dan iyo heello kama leh Xaquuqa, waxaa macquul ah inay ku faraxsan yihiin dhibaatada ka jirta Dalkeena.

ISHIISA LAGA ARKAA USHIISA LAGU DILAA !

Xasuuqa shacabka inuu jiro su'aal kama taagna laakiin waxaa la yaab leh oo taas ka sii daran in Dadka reer Muqdisho (Shacab iyo Mas'uuliyiin) ay sida muuqata aaney u jeedin xaquuqa ay AMISOM ku hayso laakiin inta badan ay eeda iyo dambigaas dusha uga tuuraan Halgamayaasha iyaga difaacooda har iyo habeen u taagan!!

Wargeyska QORAX

September 25, 2009

WARBIXIN KU SAABSAN: Abuu Mansoor Al-Amriki

Abuu Mansoor Al-Amriki waa Hogaamiye ka mid ah saraakiisha Xarakatul Shabaab Mujaahidiin oo ka mid ah Xooggaga Islaamiga ah ee inta badan Dalka Soomaaliya ka taliya. Abuu Mansoor Al-Amriki magaciisa runta ah waa Cumar Xammaani wuxuuna ku dhashey Dalka Mareykanka Magaaladda Mobile ee Gobolka Alabama oo dhaca Koonfurta Dalka Mareykanka.

Cumar Xammaani (Abuu-Mansoor Al-Amriki) Aabihiis Shafiiq Xammaani (oo ka soo jeeda Siiriya) ayaa dhowaan Idaacadaha Dalka Mareykanka qaar la hadley. Wuxuuna cadeeyay in wiilkiisa ay ugu war dambeysay 2006dii ka dib markii uu ka soo wacey qadka Tellefoonka ee Soomaaliya.

"Wuxuu ii sheegay inuu Baasaboorkii ka lumay, uuna rabo in uu ku soo laabto Mareykanka ama Qoyskiisa!. wuxuu kaloo ii sheegay in Xaaskiisa yar ay tahay Soomaali. Waxaan markiiba la xiriiray FBIda anigoo isleh aad wiilkaaga wax la qabatid, laakiin nasiib daro waxaan ogaadey in Mareykanka iyo Soomaaliya aaney ka dhexaynin Cilaaqaad ama Safaarad"Ayuu yiri Cumar Xammaani Aabihiis.

Wareysiga uu siisay warbaahinta Cumar (Abuu-Mansoor Al-Amriki) Abihiis ayuu sidoo kale ku sheegay in aanu ku taageersaneyn ficilka, mabaadiida iyo waliba fikirka Wiilkiisa, laakiin wuxuu ugu duceeyay in Alle ku badbaadiyo meesha uu joogo.

Wareysiga oo dhameystiran halkan ka daawo.



Wargeyska QORAX

September 24, 2009

BELED-WAYNE IYO KISMAAYO: Wararkii u dambeeyay !

WAR LAGU FARXO.

BELED-WAYNE Soomaaliya: Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan Soomaaliya, Sheekh C/raxmaan Ibraahim(Macoow) ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay la midobeen Ururka Mujaahidiinta ee Xisbul-Islaam. Gudoomiyaha ayaa dhowaan isaga baxey Dowlad ku sheegta ay Xabashidu soo dhisatay.

Sh Macoow Gudoomiyaha Gobolka hiiraan oo ah Hogaamiye la soo halgamey Xabashida/Cadowga Dalkeena ku soo duulay 2006dii ilaa 2009ka, ayaa sheegay in Magaalada Beled-wayne ay si buuxda u maamulaan Halgamayaasha Xisbul-Islaam

WAR AAN FIICNEYN:

KISMAAYO Soomaaliya: Maalmihii la soo dhaafey waxaa Magaaladda Kismaayo ee Gobolka J/Hoose laga soo sheegayaa warar ah in qilaaf uu soo kala dhexgalay Ururada Xisbul-Islaam iyo Al-shabaab Mujaahidiin. Qilaafka ayaa sida cad ah mid ku saabsan Maamulka Magaaladda Kismaayo. Kismaayo waxaa ka jira Maamul u gaar ah oo awal ay ku mideysnaayeen labada Xisbi/Xarako, laakiin Xisbiga Islaamka ayaa Maamulka diiday ka dib markii xubno ka mid ahaa ururkooda ay ku bireen Al-shabaabka.

Magaaladda Kismaayo oo ah meel ay ka jirto damaaci qabiil oo taariikh u leh in la isku garbiyo, ayaa noqotey meesha ugu nabad wanaagsan Koonfurta Soomaaliya intii uu jiray Maamulka Islaamiga ah ee hadda ka jira muddo sanad iyo dhowr bilood ah.

Sh Xasan Turki oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Ururka Xisbul-Islaam oo maanta wareysi bixiyay ayaa ku nuux nuuxsadey in Maamulka iminka ka jira Kismaayo aanu waafaqsaneyn isagoo tilmaamey inay balantii ka baxeen ka dib markii ay Maamulka Kismaayo isku koobeen Al-shabaab.

"Haa ma waafawsani Maamulka hadda ka jira Kismaayo, laakiin waxaan rabaa in qilaafka aan xal u helno oo walaalaha mujaahidiinta la mideeyo"Ayuu yiri Sh Xasan Turki.

Arintan ayaa ah Mid caqabad ku noqon karta halganka loogu jiro difaaca Dalka, oo laga yaabo inay keento isdhac guul daro ku dhamaan doonaa haddii aanu caqligu shaqeyn. Dad badan ayaa la yaaban sababta ay labada Xisbi ee Al-shabaabka iyo Xusbul Islaam ay u midoobi waayeen. Waxaan wada ognahay inay dhanka Ciidanka si wada jir ah u howgalaan laakiin maxay tahay sababta ay dhanka siyaasadda u midoobi waayeen! Waa arin dadaal badan u baahan.

Wargeyska QORAX

September 19, 2009

UGANDA IYO BURUNDI: Maxay u joogaan Dalkeena ?

Waxaa laga yaabaa in Qofkastoo Soomaali ah uu la yaaban yahay sababta rasmiga ah ee ay Dalkeena u joogaan Ciidanka la baxay AMISOM iyo waliba cidda qarashkooda bixisa ? inkastoo ay dad badani ogyihiin in Ciidanka AMISOM ay biisho UNta ama iska dheh Dowladaha reer Galbeedka isla markaana ay AMISOM tahay Ciidan colooshood u shaweystayaal ah.

Laakiin aqristoow ma ogtahay in Ciidankani sidoo kale ay Dalkeena u joogaan inay (si Gaalnimo ah) ula dagaalsan yihiin Xooggaga Islaamiga ah ee Dalka intiisa badan maanta gacanta ku haya, iyo waliba inay Dalkeena ka ilaaliyaan inuu hello nabad iyo Dowladnimo Islaamu ah. inta Cadowgeenu (reer Galbeedka) firaaqo u hellayo sidii uu u boobi lahaa Dhulkeena. Haddii aad daneyso inaad ogaato Mashruuca rasmiga ee ay AMISOM Dalka u joogto fadlan Daawo Filimkan hoose, Ishu kuu macalin !



Xaqiiqda. Ciidanka AMISOM u jooggo Dalkeenu waa inay la dagaalaan Ururadda Islaamiga ah ee Dalkeena nabadda iyo kala dambeynta u soo celiyay ! laakiin aaney aheyn nabad ilaaliyayaal sida ay sheegtaan. Waxaa iswaydiin leh sababta ay Askarta Uganda iyo Burundu igu dhimanayaan Dhul aan kooda aheyn oo ay waliba u adeegayaan Dalalka Gumeystayaasha ah ee reer Yurub iyo Mareykanka. Mase ogtahay in Wadamadda Bariga Afrika 20tankii Sanno ee la soo dhaafey ay taladooda la wareegeen Kaniisado macangag ah, kuwaasoo doonaya inay geeska Afrika marka hore wada gaaleysiiyaan kadibna qayraadka ku jira si fudud u boobaan.

Allah ayaan magan u nahay, Qorshah Gaalladuna wuu fashilmi doonaa insha Allaah.
Wargeysa QORAX

September 18, 2009

HESHIIS: Dhex marey Maamulka Maxaakiinta G/Hiiraan iyo Al-Shabaab/Xisbul Islaam.

BELED WAYNE: Gobolka Hiiraan Soomaaliya. Waxaa dhowaan isbedel dhanka siyaasadda iyo mid Ciidanba uu ka dhacey Gobolka Hiiraan ka dib markii uu Gudoomiyada Gobolka Sh C/raxmaan oo loo yaqaan Macoow uu sheegay inuu kalsoonidii kala laabtey Dowlad ku sheegta ay Xabashidu soo abuuratey.

Kala noqashada kalsoonida ayaa timid ka dib markii uu Sheekhu indhahiisa ku soo arkey dhaliisha iyo kala daadsanaanta ay Kooxdan Dowlad ku sheegta ahi leedahay. Wuxuu sheekhu sheegay in Kooxdani tahay magac u yaal ay cadowga Soomaaliyeed iyo kan Muslimiintuba u soo dhisteen inay ku hor istaagaan nabad iyo Dowladnimo ka dhalata Dalkeena Hooyo.

Isla markii uu kalsoonida kala noqdey wuxuu sh Macoow bilaabey inuu xiriir toos la yeesho Xooggaga xaq u dirirka ah ee Xisbul-Islaam/Al-shabaab. hadaba xiriirkaas uu la sameeyay waxaa ka dhashey isfahan labadda dhinac ah, waxay labada dhinac ku heshiiyeen in.

  • In si wada-jir ah Gobolka iyo Dalkaba looga difaaco Cadowga Soomaaliyeed/Muslimiinta, gaar ahaan Kooxda dambiilayaasha u badan ee la baxey Dowladda ee ay Xabashidu hubka soo siisay ama ha noqdeen Qab-qablayaasha (Dabageel) ama kuwa Suufiyadda ah ee la baxey magac beenaadka Ahlu sunna.
  • In Gobolka loo sameeyo Maamul Islaami ah oo la mid ah kuwa ka jira Goboladda kale ee Dalka sida kan Jubooyinka iyo Bay/Bakool si wada jir ahba loo wada maamulo.

Heshiiskaan dhex marey Maamulka Maxaakiimta iyo kan Al-shabaab/Xisbul Islaam isagoo sheekha ka hadlaaya wuxuu sheegay inuu sababey in Gobolku noqdo meel nadab ah tan iyo intii ay heshiiskaan galeen.

"Alxamdu Lilaah intii aan heshiiskaas galney, waad aragtaan in Gobolku noqdey meel nadab ah"

"Sidoo kale Sheekh Macow wuxuu codsadey in laga cafiyo falalkii ama howl-galadii uu Maamulku ka qayb qaatey intii ay ka mid ahaayeen Kooxda Dowlad ku sheega ah"Ayuu yiri Sh Macoow.(Geesi Alle ma xiro).

Waxaa xaqiiq ah in Reer Hiiraan nabad iyo wanaag badan uu u horseeday Sh Macoow,
laakiin waxaa jira in Dadka qaarkiis uu jaceylka Xabashku ku sii harey, taasoo ay aad uga xunyihiin nadadda iyo heshiiskaan ka dhacey Gobolka hiiraan. Dadkaas waxaa wali ku jiraQabkii iyo Jahligii Qabiilka waana la oran karaa waa dawaqsan yihiin. Laakiin waxaa iyadana hubanti ah in Shacabka G/Hiiraan ay waligood hormuud u ahaan jireen difaaca iyo wanaagga Ummadda Soomaaliyeed. Maasha Allaah. Haddii aan nahay Ummadda Soomaaliyeed waa inaan marwlaba garab istaagno Dadka inta Wanaagsan Gobolka kastoo Dhulkeena ah.

Wargeyska QORAX