October 14, 2009

OGOOW HADAFKA DOWLAD: ku sheegta inuu yahay Ia dagaalanka Islaamka

LONDON: Wasiir ku sheega Maaliyadda Dowlad ku sheega oo dhowaan soo gaarey Magaalada London ee gumeystaha Ingiriiska ayaa wareysi siiyay Idaacadda Al-Jasiira qayb ka mid ah, Wareysiga laga qaadey oo ah mid dheer wuxuu si qayaxan uga hadlayaa cidda ay u shaqeyso Dowlad ku sheegta uu Shariif Madaxda ka yahay.
Waxaa la waydiiyay halka xaalku marayo, wuxuuna qiray in Dalka intiisa badani ay ka taliyaan Mujaahidiinta oo uu yiri waa mucaarad. Sidoo kale mar la waydiiyay in Mareykanku hub siiyo ayuu la soo boodey.

"Haa waa jirtaa laakiin Hubkaasi ma aha mid aan isaga dhicin karno
Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, oo sida uu sheegay haysta qalab iyo ciidan ka
awood badan midka ay haystaan" waa sida uu qiray.

Wuxuu kaloo sheegay in uu London u joogo si uu ugu hello Kooxdiisa kaalmo dhaqaale oo uu yiri haddii la heli waayo waxaa Dalka Dowlad u noqon doona Al-shabaab, taasna uma fiicna International Community ama Bulshada Gaallada.

Warbixinta oo faahfaahsan hoos ka Daawo:


Wargeyska QORAX

AMISOM: HADDII AAD IS DIFAACDAAN waxaan xasuuqeynaa Shacabkina Suuqa Bakaaro jooga,waana inkireynaa!

MUQDISHO SOOMAALIYA: Ciidanka AMISOM (calooshood u shaqeytayaasha) ee u soo shaqo tagey inay xasuuqaan shacabka Soomaaliyeeed, waxay dafireen xasuuqii u dambeeyay ee ay ka gaysteen Suuqa-Bakaaro!. Afyaheenka AMISOM oo lagu magacaabo Beenaale Bhuko ayaa diida/inkiray inay Ciidankoodu ka masuul yihiin duqeyntii ula kaca aheyd ee ay u gaysteen Suuqa Bakaaraha, Xasuuqaas waxaa inta la ogyahay ku naf waayey ilaa 30 Qof oo shacab ah, halka tiro 70 qof ay ku dhaawacmeen.


"Maya Anaga ma aha dilka/xasuuqa cidda gaysatey, Waa kuwa nala dagaalsan. waxay (Al-shabaab) nagu soo rideen madaafiic, ka dibna waxay sidoo kale ku tuureen Suuqa-Bakaaro iyaga ayaana gaystey xasuuqa ! ka dibna waxay shacabka u sheegaan inay AMISOM tahay cidda duqeynta ka dambeysa"
Ayuu dhahey beenaale BHUUKO.

October 13, 2009

KENYA: Kaluumaysato ku faraxsan saameynta Burcad-badeeda Soomaaliya !

MALINDI KENYA: Waxaa xeebta Malindi markii ugu horeysay ka soo buuxsamey Kaluun nooc walba leh, kaas oo markii hore ay si tuugonimo ah u raran jireen Maraakiinta waaweyn ee loo yaqaan (Trowlers) ama kuwa Badda xaalufiya ah.

Arintan oo dhawaan war-bixin laga soo sameeyay ayaa la ogaadey inay sabab u tahay Burcad Badeedda ka qaraabata xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ku qasbey Maraakiibta Waweyn ee sida sharci darodda ah ugu kaluumaysan jiray Badda Hindiya inay isaga cararaan nawaaxiga ama dhulka xeebaha ku dhow iyagoo ka cabsi qaba inay u gacan galaan burcad badeeda Soomaali ah (Ilaaliye-yaasha Xeebta Soomaaliyeed) hadba sidii loo yaqaano ! Dad Kaluumeysato ah oo ku nool xeebta Malindi ayaa sheegay inay aad iyo aad iyo faraxsan yihiin jiritaanka iyo howsha ay qabteen ilaaladda Xeebaha Soomaaliya ama Burcad badeeda Soomaaliya.

Mid ka mid ah Kaluumeysatada ayaa sheegay in faa'iido badan ay helaan maalmahaan, wuxuuna sheegay in Kaluunku aad iyo aad uga buuxo badda........ Waayo awal waxaa Kaluunkaas oo dhan xadi jiray Maraakiib waaweyn oo ka kala timi dhamaan aduunka dacaladiisa.

FILIMKA LAGA SOO DIYAARIYAY HALKAN KA DAAWO.


Wargeyska QORAX

October 11, 2009

CIIDAN XABASHI AH: oo soo galey Tuulooyin ku dhow Beled-Wayne.

BELED-WAYNE SOOMAALIYA: Warar rasmi ah ayaa sheegaya in Ciidan Xabashi ah oo cusub ay xadka ka soo tilaabeen. Ciidankan gumeystaha ah ayaa si toos ah u galay ilaa sadex Tuullo oo dhanka Waqooyi-Galbeed ka jira Magaallo-madaxda Gobolka Hiiraan ee Beled-wayne.

Markii ay Ciidanka Xabashidu soo galeen waxay markiiba bilaabeen in ay qafaashaan dhowr Dhalinyaro ah oo ay u maleeyeen inay Islaamiyiinta ka mid yihiin ama ay la jiraan. waxaa kaloo la sheegayaa inay boobeen hanti ay wateen Dhalinyaraddaas ay qafaasheen. Ciidanka ayaa la sheegay inay wateen dhowr baabuur oo ah kuwa Uraalka loo yaqaan iyo qalab kale oo ciidan. Sidaas waxaa sheegay Odey ku sugan Tuulooyinka ay soo galeen oo la yiraahdo Maxamuud Guure.

Waxaa markiiba cabsi aan la soo koobi karin soo wajahdey Shacabka ku nool Tuulooyinkaas, maadaama ay ogyihin in Xabashidu leedahay dhaqamo xun xun oo waxashnimo ah.

Ilaa iyo hadda kuwa Dowlad ku sheegta ah kama hadlin, sababtoo ah waxayba maqaarsaar u yihiin Xabashida oo ay mar walba ka sugaan in Ciidankooda u soo tababarto. Ciidanka Xabashida markii horeba waxay ku sugnaayeen Degmadda Kalabeyrka halkaas oo ay ku ilaaliyaan Tuugadda Gobolka sida Daba-geel iyo Garaaso.

Wargeyska QORAX

GOBOLKA SOOMAALIDA: ee Kenya oo laga wado Tababar Jabhado Beeleed.

GARISSA: Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay Kenya gumeysato waxaa bilihii u dambeeyay ka socda in dhalinyarada Gobolkaas la aruuriyo, waxaa la sheegayaa in dhalinyaro badan laga waayey Magaaladda ugu wayn Gobolka ee Gaarisa taas oo walwal badan galisay Dadka ku nool Gobolkan.

Dhalinyaradan ayaa loo furay tabobar Ciidan ama Jabhadnimo, wuxuuna waqtigan xaadir ah ka soconayaa Magaalada Mombasa Kenya. Nin ka mid ah Xildhibaanada Kenya oo Soomaali ah ayaa sheegay in arintani tahay mid qatar ku ah Dalka Kenya waayo haddii aan la safatid Kooxaha Soomaaliya isku dagaalayo waxaad ka mid noqoneysaa Dagaalka Soomaaliya.

October 5, 2009

MINNESOTA: Shariifka oo la hadley Soomaalida Minnesota, Caruurtiina ka ilaashada Masaajidda !

MINNEAPOLIS MN: Madaxweynaha Kooxda 4.5 ee dhawaan Jabuuti lagu soo sameeyay oo booqasho ku jooga Dalka Mareykan. Shariif Sh Axmed ayaa muddo laba maalin ah soo gaarey Gobolka Minnesota oo ah meesha ay Soomaalida ugu badani ku nool yihiin Dalka Mareykanka, Maalintii Sabtida wuxuu inta badan kulamo kala duwan la yeeshay Beelaha Soomaaliyeed oo magacyo Urur loo habeeyay, waxaana la sheegayaa in Qabaa'iladu ay Danahooda gaar ah midba ka dhameysanaayey, waxaana ka mid ahaa jago iyo lacag maxaad noo haysaa ?

Waxaa xusid mudan in Waftiga Shariifka ay la socdeen Mas'uuliyiin Kooxdiisa ka mid ah, Waxayna Olole ugu jiraan sidii midkastaa Beeshiisa taageero uga raadin lahaa! Madaama ay Kooxda Shariifku 4.5 ku dhisan tahay.

SHariifka Maalintii labaad wuxuu Khudbad jahwareer ku jiro u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota wuxuuna sheegay in ay Waalidiintu aad uga taxadaraan inay Ilmahooda geeyaan Masaajidadda oo uu ku tilmaamay in lagu tababaro Caruurta!
"Waxyaalaha lala yaabo waxaa ka mid ah maanta in Dadka Soomaaliyeed Middi iyo Qori lala dhex taagan yahay, Madxahooda la guraayo, Gacmahooda la guraayo,Lugahoodi la guraayo oo waliba la qixinaayo. Sidaad wada ogtihiinafkaarahan ma aha dhaqan Soomaaliyeed"

"Masaajidda maalmahaan waxay noqdeen meel lagu marin habaabiyo CaruurtaSoomaaliyeed, Waxaan Waalidiinta u sheegayaa inay aad ula socdaan dhaqdhaqaaqa iyo waxa lagu baro Caruurtooda" Ayuu Dhahey Shariifka



Wargeyska QORAX

October 3, 2009

MINNESOTA: Soomaalida Mareykanka sidee u arkaan Dowlad ku sheegta Shariif ?

Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka oo ay ku nool yihiin Soomaali lagu qiyaaso ilaa 50,000 oo qof ayaa maalmihii tahay waxaa ka socday abaabul ku aadan Booqasho uu Shariif ku imaanayo, Haddaba Taageerayaasha Shariifka oo si beel beel ah isku abaabulay ayaa la sheegayaa inay ku heshiin waayeen cidda xaq u leh inay soo dhaweynta sameyso ! Kooxahaan oo ah laba waxay kala yihiin.
  • Koox ah haraadigii TFG C/laahi Yuusuf/ Nuur Cadde, laakiin hadda Shariifka ka soo horjeeda.

  • Kooxda cusub ee awal hore ka soo horjeedi jirtay laakiin maanta Shariif beel ahaan ula safan.

Gobolka Minnesata ayaa ah meel ay mar walba Dowladda Mareykanku isha ku hayso, Waxaana xusib muddan inuu hadda ka socdo baaritaan ku aadan Wiilal la sheegay inay Al-shabaab ka mid yihiin oo markii hore MN ka baxey. Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa mar walba kala tashata Soomaalida ku dhaqan Gobolkan siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya.

Halkan ka fiirso Mowqifka Urur la baxay Midnimadda Soomaalida Qurba-joogta.


XADKA KENYA IYO SOOMAALIYA: War rasmi ah oo leh in Ciidan Soomaali ah ay Xadka Soomaaliya u soo gudbeen

Diirad.com
Wararka aanu ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in caawa 8dii/sideedii habeenimo saacada Soomaaliya in ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ay kasoo tilaabeen xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Waxa ay wararku sheegayaan in Ciidankan oo sita dareeska Ciidanka Soomaalida lagu arkay xadka iyagoo kasoo tilaabaya

WARKAOO FAAH FAAHSAN HALKAN KA AQRI

Waxaa Iswaydiin leh. Ciidankaa la sheegayo inay Axmed Madoobe is ogyihiin iyo in kale ? Laakiin waxaa meesha ka cad in Dadka Degaanka ay arintaan wax ka ogyihiin. Waxayna u badan tahay in Ciidankani uu yahay qaar hiilo ugu socda Axmed Madoobe. Haddii ay sidaa dhacdo iswaydiinta cidda Dagaalkii Kismaayo ku qaldaneyd ayaa meesha ka bixi doonta. Waayo Axmed Madoobe waxaa ku cadaan doonta sababihii ay Maamulka Islaamiga ah ee Jubooyinka dagaalka ugu qaadeen.

Wargeyska QORAX

October 2, 2009

CIIDANKA BAKISTAAN: Sida ay u ciqaabaan qofkii loo maleeyo Wadaad ama Talibaan ee ay qabtaan !

Waxaad Filimkan ku aragtaan dagaalka lagula jiro cidkastoo inay tahay Wadaad loo maleeyo ee ku nool Dhulka Bakistaan, Meesha ay ciqaabtani ka socoto waa Gobolka SWAT ee billo ka hor ay Maamuli jireen Dagaalyahanka Talibaanka laakiin markii dambe awood Ciidan looga saarey.

Sidoo waxaa xusib mudan in Dhaqaalaha lagu sameeyay Howlgalkaan Ciidan in si deg deg ah loogu aruuriyay Dalka Jaban, ka dib markii ay Dowladda Bakistaan heshiis hoose la gashey Talibaan taas oo dhigaayey inay Goboladda ay maamulaan lagu Xukumo Shareecadda Islaamka. Taasoo cabsi iyo carro aan la soo koobi karin galisay Dawladah gaallada ah waxayna si deg deg ah u bixiyeen lacag lagu qiyaasay 4 afar Bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Tani waxay ku tusaysaa lacagtii Gaaladu bixisay sida ay u shaqeynayso, waana in la ciqaabo, la jirdilo, la bahdilo qofkastoo wadaad ah ama loo maleeyo inuu taageersan yahay Wadaadadda


Dalka Soomaaliya waa sida loo rabo tan oo kale, haddii ciidanka Dowlad ku sheegtu awood Ciidan yeelato sidaa ayaa u dambeyn doonta Wadaad iyo intii la jirtaba haddii aan laga hortagin intay goori goor tahay !Hadda AMISOM ayaa hordhac u ah Xasuuqo loo gol leeyahay, laakiin waxaa ka sii daraan doona markii ay Awood yeeshaan Kooxda Shariifka.

Wargeyska QORAX

KISMAAYO: Maamulka Islaamiga ee Jubooyinka oo Amaankii soo celiyay

KISMAAYO SOOMAALIYA: Maamulka Islaamiga ah ee Goboladda Jubooyinka ayaa ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan amaankii iyo kala dambeyntii Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose. Waqtigan xaadirka ah waxaa laga dareemayaa in Magaaladdu ay degen tahay waxkastana sidii caadiga ahaa ku soo laabteen.

Maanta oo ah 01/10/09. Ayuu Maamulka Islaamiga ah dagaal ku qaadey fariisimo ay ka sameysteen koox uu hogaamiyo Axmed Islaam oo dhowaan magaalada ciidan beeleed la soo galay. laakiin waxaa xusid mudan inay huwanaayeen magaca Ururka Xisbul Islaam. dagaalka ay qaadeen maamulka degaanka ayaa yimid ka dib markii Axmed Madoobe iyo Jabhadda uu wato ay diideen inay magaaladda kala baxaan rabshada iyo ciidanka. Hadaba waxaa Maamulka Islaamiga ah markii dambe u suuro gashay inay qasab uga saaraan dhamaan Ciidan beeleedkii qaska iyo jahwareerka ka abuurey Kismaayo.

October 1, 2009

SHARIIF: oo Dhalan-teed u jooga Mareykanka halka Shacabkii ay AMIISOM ku xasuuqeyso Muqdisho

WASHINGTON DC: Madaxweynaha Kooxda Jabuuti lagu soo sameeyay ayaa Dalka Mareykanka u yimid baashaal/Dalxiis iyo isbarasho isaga iyo Masuuliyiinta ama Dadka daneeya la dagaalanka Islaamka ee Mareykanka ah.

Shariif wuxuu ugu horeyntii safarkiisa ka bilaabey hadal uu ka jeediyay Xarunta Qaramadda Midoobey wuxuuna halkaas ka jeediyay hadal dheer oo aad iyo aad u waafaqsan sababihii loo soo dhisay Dowlad ku sheegta. waxaana ugu mihiim sanaa hadalkiisa.

  • In Dowlad ku sheegiisa laga qaado cunnaqabateyta ay QM saartey Dalka Soomaaliya, si fursad loo siiyo Maleyshiyaadka u daacada ah la dagaalanka iyo cirib tirka Kooxaha Islaamiga ah ee hadda Soomaaliya inta badan maamula gaar ahaan Ururadda Al-shabaab iyo Xisbul Islaamka.

  • In loo soo dedejiyo lacagtii ay Dowladaha reer Galbeedku ku deeqeen kooxdiisa ee loogu tallo galay in lagula dagaalo kooxaha Islaamiyiinta ah. wuxuuna sheegay inay ilaa hadda wax yar ka soo gaartey.
Shariif wuxuu u sii dhaadhacey Magaaladda Washington DC oo ah caasimadda Dalka Mareykanka, wuxuuna kulamo kala duwan kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed Washington iyo waliba Hay'adaha Sirdoonka ee Mareykanka halkaas oo uu ku siiyay war bixino xasaasi ah.

Halkan ka Dhageyso waxbixinta oo Af soomaali ah

Sidoo kale war-bixinta uu siiyay Hay'adaha (Sirdoonka) Mareykanka ah oo Afka Ingiriiska lagu turjumay halkan ka Daawo:



Shariifka marna ma soo qaadin xasuuqii ay Xabashidu ka gaysatey Dalka 2006 ilaa 2009ka, xasuuqan oo uu Mareykanku soo abaabuley dhaqaalaha iyo farsamadiisana isagu lahaa. laakiin wuxuu u muuqdaa mid ku socda jahwareer/qorshihii Qab-qablihii isaga ka horeeyay ee C/laahi Yuusuf wuxuuna Mareykanka ka doonayaa kuwo la moodo qaar u eg wixii ay Xabashida iyo xulufadeedu ku guul dareysteen, waxaana laga xusi karaa.

  • In cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay Dalal kale ugu soo duulaan Dalkeena kuwaas oo maanta ku shaqeeya Magaca AMISOM ama Midowga Afrika oo ay ku jirto Xabashidu.
  • In Kaalmo dhaqaale la siiyo Kooxdiisa si ay ula dagaalaan Kooxaha Islaamiyiinta ah (Al-shabaab iyo Xisbul Islaam) Kaalmadii hore loogu yaboohayna loo soo dedejiyo taas oo dhameyd 200 Milyan oo Dollar laakiin inta badan la siiyo Ciidanka AMISOM ee dalka ku soo duulay!.
Shariifka ayaa ku calaacaley in Bulshadda caalamku si buuxda u taageerto si looga hortago Argagixisadda, wuxuuna sheegay haddii aan quwad wayn lagaga hortagin inay halis ku yihiin Caalamka oo dhan. Waxay u egtahay in Shariifku ku jiro riyo ama dhalanteed uu u haysto Mareykanku inuu Caalamka isagu leeyahay oo kale, waxaa kaloo hadalasiisa ka muuqata in xalka Soomaaliya uu gacanta Gaallada ku jiro, laakiin sida ay Ummadda Soomaaliyeed wada ogtahay dhibka Soomaaliya ka jira waxaa ka mas'uul ah faragalinta ay ku hayaan Shisheeyaha ayna ku doonayaan in ay dusha ka saaraan Dowlad ama Kooxo tuugo ah oo aan wax maslaxad ah u haynin Ummadda iyo Dalka Soomaaliyeed.

Shariif iyo Kooxdiisa tuugadda u badan ayuu Mareykanku ku sheegaa inay yihiin rajadda kaliya ee u dhiman Ummadda Soomaaliyeed. waxay u egtahay inay xayeysiis ugu jiraan hagardaamooyinka ay ku hayaan Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyagoo ku soo dhuumanaaya la dagaalanka argixisadda/Islaamka halka dhabtu tahay inay iyagu argagixiso ku yihiin Ummadda Soomaaliyeed, waxaana cadeyn u ah sida ay Ciidanka AMISOM ee uu Mareykanku soo kireystay ay ugu xasuuqaan Shacabka Soomaaliyeed maalin kasta.

Wargeyska QORAX