March 24, 2010

BOOWE WFP/GARGAARKII LAGA RAYSEY! Goboladda Koonfurta Soomaaliya oo cunno ku filan soo saartey

BAKOOL SOOMAALIYA: Waxaa muddo laga joogo lix bilood ama ka yar laga eryay Koonfurta Soomaaliya hay'adda WFP. Inkastoo markii hore dad badani u arkeen arin aan suuro gal aheyn hadana waxaa cadaatey in Ummadda Soomaaliyeed ee u dhaqan dhulka Beerista ku haboon ee koonfurta Soomaaliya ay ka raysteen oo ay maanta gacantooda kula soo baxeen cunno xalaal ah oo waliba cossob ah yacni aan buunsho aheyn..

{Maasha Allaah Boowe PP iyo WFP buunshahoodii laga raysey !!oo SISIN iyo Masaggo cossob ah aan beeraney}

March 17, 2010

BAARDHEERE: Maamulka Islaamiga oo soo celiyay Hanaankii Jidadka dhex mara Magaaladda.

BAARDHEERE: Maamulka Islaamiga ee Gobolka Gedo oo kaashanaya dadka degaanka ayaa ku guulaystay inay soo celiyaan hanaankii/bilicdii ay lahaayeen Magaalooyinka Baardheere, Beled-xaawo iyo Garba-haarey. Arintan oo ka timid ka dib markii uu Maamulku amrey dadka sida sharci darada ah ugu ganacsan jiray hareeraha Jidadka/Wadooyinka dhex mara Magaalooyinkaas inay muddo kooban uga guuraan.

Nasiib wanaag, Ganacsatadii magaalooyinkaas waxay adeeceen Amarkii waxaan ay natiijadu noqotay mid aad u wanaagsan (Fiiri Sawirka kore). Waxaa hubaal ah in arintani tahay tilaabo horusocod ah. Maasha-Allaah.