January 24, 2010

CADOWGA SOOMAALIYEED: oo wada Qorshe loogu sameynayo Soomaaliya Dagaal-Oogayaal dhalinyaro ah!.


MUQDISHO SOOMAALIYA: Xarunta villa Soomaaliya ee lagu ilaaliya Kooxda Dowlad-ku-sheegga waxaa bilihii u dambeeyay ka socday qorshayaal ay wadaan dowlado shisheeye (Reer Galbeedka/Gaallo) iyo xulufadooda oo lagu yaqaan inay cadow ku yihiin Ummadda Soomaaliyeed, Dowladahaan cadowga oo inta badan ku qaraabta magaca hay'adaha samafalka iyo kan Qaramadda Midoobey .

January 2, 2010

SUUFIYADDA AMXAARADA: u shaqeeya oo laga cayriyay Dhuusamareeb

DHUUSA-MAREEB G/GALGADUUD SOOMAALIYA: Warar xaqiiq ah ayaa sheegaya in Ciidanka Suufiyadda ee Xabashida u adeega laga eryay Xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb, Arintan ayaa timid ka dib markii Ciidanka Xaraktul Al-shabaab Mujaahidiin ay weerar lama filaan ah ku ekeeyeen Magaaladaasi halkaas oo ay ka eryeen Jabhadda Suufiyada la baxdey ee Xabashidu ku shaqeysato.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Jahhadda Suufiyadu ay Magaalada uga dhex carareen guud ahaan wixii hub iyo Tikniko ahaa ee ay markaas haysteen. Afhayeenka Al-shabaab Sh Cali Maxamuud Raage (Sh Cali dheere) ayaa tilmaamey inay si buuxda ula wareegeen Magaalada Dhuuso-Mareeb isla markaana ay DABADHILIFKA SUUFIYADA ka qanimeyseen ilaa afar gaari oo Tikniko ah iyo Qoryahaha darandooriga u dhaca ee bilihii la soo dhaafey ay Xabashidu siisay Suufiyadda/Dabaqoodhiga ah.