December 28, 2009
ILLAHAA AMAR WAYN OO AWOOD LAHEE: Aadankaan ma ogee itaal yaradood, Annigay qabaan is amiiriskood !
December 27, 2009
MA XASUUSAN TAHAY XASUUQII: Mareykanka iyo Xabashida .
Qaraxan ma aheyn midka kaliya ee ay Dowladda Mareykanku ka gaysatey gudaha SOOMAALIYA. waxaa jiray qaar kaloo badan oo lagu xasuuqay dad badan oo shacab ah iyo waliba Xoollo badan !"Waa Dhab XOOLLO" halkaas waxay kaloo gantaaladu burburiyeen Guryo iyo hanti badan. Daawo mid ka mid ah Qaraxyadaas argagixisadda Mareykanka iyo Xabashidu dalkeena ka geysteen.
December 24, 2009
December 23, 2009
AMISOM manabad ilaaliyaal baa mase waa ciidan xasuuq? | SomaliTalk.com
"Mahad oo dhan ilaahay bay u sugnaatay nabad galyo iyo naxariis nabigeenii korkiisa ha ahaato.
Maxay yihiin ciidamada AMISOM?
Ciidamada AMISOM waa ciidan African ah inta badana ka yimid wadanka UGANDA oo ah wadanka ugu AIDSKa badan Africa marka laga reebo dhowr wadan oo kamid ah Africa waxaana madaxweyne ka ah musafeni oo ah nin diinka christianka aad ugu adadag islaamkana aad u neceb iyo wadanka Burundi oo mudo dhibaatooyin badan kasoo jireen, labadan wadan waxay kamid yihiin wadamada Africa ugu faqiirsan, ciidaman AMISOM waxay isugu jiraan sida lasheegey ciidamo nidaami ah oo tiro yar iyo kuwa kazoo qayb qaatay dhibaatooyinkii kajiri jiray wadamadaas oo lagu yaqaano dil dhac iyo kufsi intooda badana waxay qabaan cudurka dilaaga ah ee Aidska waxayna kamid noqdeen ciidamada dowlada islaamiga ah ee Somalia ee shariif uu madaxda u yahay
Yaa soo diray?" SII AKHRI
WARGELIN: GOO-GOOSKA TODOBAADKA
Barnaamijka Maanta waxaa marti ku ah GABADHII U HOREYSAY EE DUULIYE NOQOTA DALKA SOOMAALIYA
WILAAYADDA ISLAAMIGA AH EE JUBBOOYINKA :oo si buuxda ula wareegay guud ahaan Degaanka Wilaayadda Jubbooyinka.
November 25, 2009
AMISOM OO CISBITAAL HAWEENKA: Soomaaliyeed lagu fara-xumeeyo ka furatey Muqdisho
MUQDISHO SOOMAALIA: Nin aduunka joogoow maxaa aragti kuu laaban ! Waa maahmaah Soomaaliyeed oo lagu cabiro wax kaa yaabiya !, Maalin dhow waxay idaacada Mareykanka ee VOA qaybteeda afka Soomaaliga ku baaranta lagu wareystay Gabar Soomaaliyeed oo uu Nin askari Ugaandhiis ku fara-xumeeyay Cisbitaal ku sheegga ay AMISOM ku leedahay Xaruntii Ciidanka ee XALANE laagu magac darey.Haddaba sow layaab maaha in Gabar Soomaaliyeed Nin Ugaandhiis ah ku fara xumeeyo Xarun loogu magac darey Geesi Soomaaliyeed, Gabadha iyadoo ilmeynaysa ayey sheegtay in Askarigaasi ka faa'iideystay daruuf haysatey Aabaheed ka dib markii uu u sheegay inaanu daaweyn doonin ilaa ay ogolaato faraxumeynta uu la damacsanaa.
November 24, 2009
November 22, 2009
November 9, 2009
QARAMADA MIDOOBEY: Dambiyadda ay Dalka ka wado, iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed oo Mushaar yar ka door biday waxkasta.
November 8, 2009
SOOMAALIDA KENYA: ku hoos nool oo dhalintooda Jabhadnimo si qasab/sasabo ah logu tabobarayo
Barnaamijkaan waxaa wata dabcan Dalka Mareykanka iyo xulufadiisa wuxuuna ka mid yahay Mashruuca Ciribtirka Islaamka laakiin loogu yeero la dagaalanka argagixisada, Mashruucaan Caruurta iyo dhalinyaradda lagu tabobaroyo waxaa qarashka bixinaya Hay'adda Qaramadda Midoobey (UNDP) qaybta isku sheegta Barnaamijka Horumarinta., Dowlada Kenya maadaama ay ka mid tahay Dalalka xulufada la ah reer Golbeedka (Dal uu wali gumeysto Ingiriiska) waxay ogogolaatey in howshani la wado wax wada-tashi iyo tallo iyadoon waydiin Ummadda Soomaaliyeed ee awalba gumeysiga isaga jiray.
November 7, 2009
DAR-XUME: Warbixin Qaxootiga Soomeeliyeed ee yemen u tahriibay.
October 17, 2009
October 14, 2009
OGOOW HADAFKA DOWLAD: ku sheegta inuu yahay Ia dagaalanka Islaamka
Waxaa la waydiiyay halka xaalku marayo, wuxuuna qiray in Dalka intiisa badani ay ka taliyaan Mujaahidiinta oo uu yiri waa mucaarad. Sidoo kale mar la waydiiyay in Mareykanku hub siiyo ayuu la soo boodey.
"Haa waa jirtaa laakiin Hubkaasi ma aha mid aan isaga dhicin karno
Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, oo sida uu sheegay haysta qalab iyo ciidan ka
awood badan midka ay haystaan" waa sida uu qiray.
Warbixinta oo faahfaahsan hoos ka Daawo:
AMISOM: HADDII AAD IS DIFAACDAAN waxaan xasuuqeynaa Shacabkina Suuqa Bakaaro jooga,waana inkireynaa!
"Maya Anaga ma aha dilka/xasuuqa cidda gaysatey, Waa kuwa nala dagaalsan. waxay (Al-shabaab) nagu soo rideen madaafiic, ka dibna waxay sidoo kale ku tuureen Suuqa-Bakaaro iyaga ayaana gaystey xasuuqa ! ka dibna waxay shacabka u sheegaan inay AMISOM tahay cidda duqeynta ka dambeysa"Ayuu dhahey beenaale BHUUKO.
October 13, 2009
KENYA: Kaluumaysato ku faraxsan saameynta Burcad-badeeda Soomaaliya !
Arintan oo dhawaan war-bixin laga soo sameeyay ayaa la ogaadey inay sabab u tahay Burcad Badeedda ka qaraabata xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ku qasbey Maraakiibta Waweyn ee sida sharci darodda ah ugu kaluumaysan jiray Badda Hindiya inay isaga cararaan nawaaxiga ama dhulka xeebaha ku dhow iyagoo ka cabsi qaba inay u gacan galaan burcad badeeda Soomaali ah (Ilaaliye-yaasha Xeebta Soomaaliyeed) hadba sidii loo yaqaano ! Dad Kaluumeysato ah oo ku nool xeebta Malindi ayaa sheegay inay aad iyo aad iyo faraxsan yihiin jiritaanka iyo howsha ay qabteen ilaaladda Xeebaha Soomaaliya ama Burcad badeeda Soomaaliya.
Mid ka mid ah Kaluumeysatada ayaa sheegay in faa'iido badan ay helaan maalmahaan, wuxuuna sheegay in Kaluunku aad iyo aad uga buuxo badda........ Waayo awal waxaa Kaluunkaas oo dhan xadi jiray Maraakiib waaweyn oo ka kala timi dhamaan aduunka dacaladiisa.
FILIMKA LAGA SOO DIYAARIYAY HALKAN KA DAAWO.
October 11, 2009
CIIDAN XABASHI AH: oo soo galey Tuulooyin ku dhow Beled-Wayne.
Waxaa markiiba cabsi aan la soo koobi karin soo wajahdey Shacabka ku nool Tuulooyinkaas, maadaama ay ogyihin in Xabashidu leedahay dhaqamo xun xun oo waxashnimo ah.
GOBOLKA SOOMAALIDA: ee Kenya oo laga wado Tababar Jabhado Beeleed.
Dhalinyaradan ayaa loo furay tabobar Ciidan ama Jabhadnimo, wuxuuna waqtigan xaadir ah ka soconayaa Magaalada Mombasa Kenya. Nin ka mid ah Xildhibaanada Kenya oo Soomaali ah ayaa sheegay in arintani tahay mid qatar ku ah Dalka Kenya waayo haddii aan la safatid Kooxaha Soomaaliya isku dagaalayo waxaad ka mid noqoneysaa Dagaalka Soomaaliya.
October 5, 2009
MINNESOTA: Shariifka oo la hadley Soomaalida Minnesota, Caruurtiina ka ilaashada Masaajidda !
Waxaa xusid mudan in Waftiga Shariifka ay la socdeen Mas'uuliyiin Kooxdiisa ka mid ah, Waxayna Olole ugu jiraan sidii midkastaa Beeshiisa taageero uga raadin lahaa! Madaama ay Kooxda Shariifku 4.5 ku dhisan tahay.
SHariifka Maalintii labaad wuxuu Khudbad jahwareer ku jiro u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota wuxuuna sheegay in ay Waalidiintu aad uga taxadaraan inay Ilmahooda geeyaan Masaajidadda oo uu ku tilmaamay in lagu tababaro Caruurta!
"Waxyaalaha lala yaabo waxaa ka mid ah maanta in Dadka Soomaaliyeed Middi iyo Qori lala dhex taagan yahay, Madxahooda la guraayo, Gacmahooda la guraayo,Lugahoodi la guraayo oo waliba la qixinaayo. Sidaad wada ogtihiinafkaarahan ma aha dhaqan Soomaaliyeed"
"Masaajidda maalmahaan waxay noqdeen meel lagu marin habaabiyo CaruurtaSoomaaliyeed, Waxaan Waalidiinta u sheegayaa inay aad ula socdaan dhaqdhaqaaqa iyo waxa lagu baro Caruurtooda" Ayuu Dhahey Shariifka
October 3, 2009
MINNESOTA: Soomaalida Mareykanka sidee u arkaan Dowlad ku sheegta Shariif ?
- Koox ah haraadigii TFG C/laahi Yuusuf/ Nuur Cadde, laakiin hadda Shariifka ka soo horjeeda.
- Kooxda cusub ee awal hore ka soo horjeedi jirtay laakiin maanta Shariif beel ahaan ula safan.
Gobolka Minnesata ayaa ah meel ay mar walba Dowladda Mareykanku isha ku hayso, Waxaana xusib muddan inuu hadda ka socdo baaritaan ku aadan Wiilal la sheegay inay Al-shabaab ka mid yihiin oo markii hore MN ka baxey. Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa mar walba kala tashata Soomaalida ku dhaqan Gobolkan siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya.
Halkan ka fiirso Mowqifka Urur la baxay Midnimadda Soomaalida Qurba-joogta.
XADKA KENYA IYO SOOMAALIYA: War rasmi ah oo leh in Ciidan Soomaali ah ay Xadka Soomaaliya u soo gudbeen
Wararka aanu ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in caawa 8dii/sideedii habeenimo saacada Soomaaliya in ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ay kasoo tilaabeen xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Waxa ay wararku sheegayaan in Ciidankan oo sita dareeska Ciidanka Soomaalida lagu arkay xadka iyagoo kasoo tilaabaya
WARKAOO FAAH FAAHSAN HALKAN KA AQRI
Waxaa Iswaydiin leh. Ciidankaa la sheegayo inay Axmed Madoobe is ogyihiin iyo in kale ? Laakiin waxaa meesha ka cad in Dadka Degaanka ay arintaan wax ka ogyihiin. Waxayna u badan tahay in Ciidankani uu yahay qaar hiilo ugu socda Axmed Madoobe. Haddii ay sidaa dhacdo iswaydiinta cidda Dagaalkii Kismaayo ku qaldaneyd ayaa meesha ka bixi doonta. Waayo Axmed Madoobe waxaa ku cadaan doonta sababihii ay Maamulka Islaamiga ah ee Jubooyinka dagaalka ugu qaadeen.
October 2, 2009
CIIDANKA BAKISTAAN: Sida ay u ciqaabaan qofkii loo maleeyo Wadaad ama Talibaan ee ay qabtaan !
Sidoo waxaa xusib mudan in Dhaqaalaha lagu sameeyay Howlgalkaan Ciidan in si deg deg ah loogu aruuriyay Dalka Jaban, ka dib markii ay Dowladda Bakistaan heshiis hoose la gashey Talibaan taas oo dhigaayey inay Goboladda ay maamulaan lagu Xukumo Shareecadda Islaamka. Taasoo cabsi iyo carro aan la soo koobi karin galisay Dawladah gaallada ah waxayna si deg deg ah u bixiyeen lacag lagu qiyaasay 4 afar Bilyan oo doolarka Mareykanka ah.
Tani waxay ku tusaysaa lacagtii Gaaladu bixisay sida ay u shaqeynayso, waana in la ciqaabo, la jirdilo, la bahdilo qofkastoo wadaad ah ama loo maleeyo inuu taageersan yahay Wadaadadda
Dalka Soomaaliya waa sida loo rabo tan oo kale, haddii ciidanka Dowlad ku sheegtu awood Ciidan yeelato sidaa ayaa u dambeyn doonta Wadaad iyo intii la jirtaba haddii aan laga hortagin intay goori goor tahay !Hadda AMISOM ayaa hordhac u ah Xasuuqo loo gol leeyahay, laakiin waxaa ka sii daraan doona markii ay Awood yeeshaan Kooxda Shariifka.
Wargeyska QORAX
KISMAAYO: Maamulka Islaamiga ee Jubooyinka oo Amaankii soo celiyay
Maanta oo ah 01/10/09. Ayuu Maamulka Islaamiga ah dagaal ku qaadey fariisimo ay ka sameysteen koox uu hogaamiyo Axmed Islaam oo dhowaan magaalada ciidan beeleed la soo galay. laakiin waxaa xusid mudan inay huwanaayeen magaca Ururka Xisbul Islaam. dagaalka ay qaadeen maamulka degaanka ayaa yimid ka dib markii Axmed Madoobe iyo Jabhadda uu wato ay diideen inay magaaladda kala baxaan rabshada iyo ciidanka. Hadaba waxaa Maamulka Islaamiga ah markii dambe u suuro gashay inay qasab uga saaraan dhamaan Ciidan beeleedkii qaska iyo jahwareerka ka abuurey Kismaayo.
October 1, 2009
SHARIIF: oo Dhalan-teed u jooga Mareykanka halka Shacabkii ay AMIISOM ku xasuuqeyso Muqdisho
WASHINGTON DC: Madaxweynaha Kooxda Jabuuti lagu soo sameeyay ayaa Dalka Mareykanka u yimid baashaal/Dalxiis iyo isbarasho isaga iyo Masuuliyiinta ama Dadka daneeya la dagaalanka Islaamka ee Mareykanka ah.
Shariif wuxuu ugu horeyntii safarkiisa ka bilaabey hadal uu ka jeediyay Xarunta Qaramadda Midoobey wuxuuna halkaas ka jeediyay hadal dheer oo aad iyo aad u waafaqsan sababihii loo soo dhisay Dowlad ku sheegta. waxaana ugu mihiim sanaa hadalkiisa.
- In Dowlad ku sheegiisa laga qaado cunnaqabateyta ay QM saartey Dalka Soomaaliya, si fursad loo siiyo Maleyshiyaadka u daacada ah la dagaalanka iyo cirib tirka Kooxaha Islaamiga ah ee hadda Soomaaliya inta badan maamula gaar ahaan Ururadda Al-shabaab iyo Xisbul Islaamka.
- In loo soo dedejiyo lacagtii ay Dowladaha reer Galbeedku ku deeqeen kooxdiisa ee loogu tallo galay in lagula dagaalo kooxaha Islaamiyiinta ah. wuxuuna sheegay inay ilaa hadda wax yar ka soo gaartey.
Halkan ka Dhageyso waxbixinta oo Af soomaali ah
Sidoo kale war-bixinta uu siiyay Hay'adaha (Sirdoonka) Mareykanka ah oo Afka Ingiriiska lagu turjumay halkan ka Daawo:
Shariifka marna ma soo qaadin xasuuqii ay Xabashidu ka gaysatey Dalka 2006 ilaa 2009ka, xasuuqan oo uu Mareykanku soo abaabuley dhaqaalaha iyo farsamadiisana isagu lahaa. laakiin wuxuu u muuqdaa mid ku socda jahwareer/qorshihii Qab-qablihii isaga ka horeeyay ee C/laahi Yuusuf wuxuuna Mareykanka ka doonayaa kuwo la moodo qaar u eg wixii ay Xabashida iyo xulufadeedu ku guul dareysteen, waxaana laga xusi karaa.
- In cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay Dalal kale ugu soo duulaan Dalkeena kuwaas oo maanta ku shaqeeya Magaca AMISOM ama Midowga Afrika oo ay ku jirto Xabashidu.
- In Kaalmo dhaqaale la siiyo Kooxdiisa si ay ula dagaalaan Kooxaha Islaamiyiinta ah (Al-shabaab iyo Xisbul Islaam) Kaalmadii hore loogu yaboohayna loo soo dedejiyo taas oo dhameyd 200 Milyan oo Dollar laakiin inta badan la siiyo Ciidanka AMISOM ee dalka ku soo duulay!.
Shariif iyo Kooxdiisa tuugadda u badan ayuu Mareykanku ku sheegaa inay yihiin rajadda kaliya ee u dhiman Ummadda Soomaaliyeed. waxay u egtahay inay xayeysiis ugu jiraan hagardaamooyinka ay ku hayaan Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyagoo ku soo dhuumanaaya la dagaalanka argixisadda/Islaamka halka dhabtu tahay inay iyagu argagixiso ku yihiin Ummadda Soomaaliyeed, waxaana cadeyn u ah sida ay Ciidanka AMISOM ee uu Mareykanku soo kireystay ay ugu xasuuqaan Shacabka Soomaaliyeed maalin kasta.
Wargeyska QORAX
September 29, 2009
KISMAAYO: Nabadii iyo kala-dambeyntii yaa qal-qal galiyay?
Hadaba markii ay Ciidankaas/Jabhadaas soo galeen Magaalada waxay salka dhigteen/hubsadeen bartamaha magaaladda taasoo keentay cabsi shacabka Magaaladda soo wajahdey iyo in Maamulkii Magaalada Mas'uuliyiin ka mid ahi banaanka uga baxaan. sababta dhabta ah ee ay sidaas u yeeleen lama yaqaan laakiin waxaa loo maleynayaa inay diidanaayeen in isku dhac uu yimaado, Mas'uuliyiinta maalin ka dib ayey dib ugu soo noqdeen Magaaladda iyagoo sheegay in ay wali shaqeynayaan amaankana sugayaan, qal-qalka galey maamulkii ayaa markiba keenay in Qof rayid ah lagu dilay Bartamaha magaalada, ilaa haddana lama yaqaan cidda ka dambeysa iyo sababta laakiin waa Qofkii ugu horeeyay ee la dilo muddo sanad ku dhow.
"Anagu dhib ma wadno waxaan dooneynaa in Maamulka nalaku soo wareejiyo,Maamulka jiray way nagu balan fureen. Ayuu sheegay Axmed Madoobe mar ay wareysi la yeesheen Idaacadaha qaarkood."
Waxaa wali socda dadaal iyo dalabyo lagu raadinaayo in Axmed Madoobe iyo Ciidanka uu soo abaabulay Magaaladda looga saaro, waxayna u egtahay in lagu guuleysan karo haddiise uu diido waxaa dhici karta in Maamulka uu tilaabada ku haboon uu ka qaato taasoo dhalin karta isku dhac Ciidan.
Kismaayo oo nabad ah in Jabhad Beeleed ay dhahdo Maamulka haddii naloo dhiibi waayo waan dagaalameynaa waxay muujinaysaa wax yeelada ay leedahay midnimo la'aanta iyo kala daadsanaanta halgamayaasha iyo ururada aan aaminsan nahay inay doonayaan inay Dalka ku xukumaan shareecadda Islaamka. Laakiin waxay arinta Kismaayo keeni kartaa in dagaal dhoco ama si toos ah loo midoobo midkood.
September 26, 2009
SAXAAFADA SOOMAALIYA: Maxaa la baraa Wariyeyaasha Soomaaliya ?
Hadaba tababarkan loo qabto wariyayaasha waxaa inta badan lagu baraa dhaqanka iyo himilooyinka ay Dowladaha reer Galbeedka/deeqda bixiya sida xuquuqda Insaanka (Sida ay iyagu u yaqaaniin) xoriyadda qowlka iyo waxyaalo kale oo ay ka mid yihiin in shuruucda caalamiga ah isla marka shacabka Soomaaliyeed la baro iyo in Shacabka aduunka uu yahay walaalo ama isku mid.
Waxaan la yaab leh in Wariyeyaasha la soo tababartey ay indhaha ka qabsadeen tacadigii iyo xasuuqii ay dalkeena ka gaysteen Ciidanka Xabashida 2006 illaa 2009 bilowgiisa. taasoo waafaqsan sida loo soo tababarey ama wax loogu sheegay. Shaqsiyaadkaan wax la soo barey waxay u dhaqmeen sidii in ay yihiin dad aan u dhalan Soomaaliya. oo waxay dhaheen Anagu waxaan nahay dhexdhexaad ! waa sida waxloo soo barey.
MIYEEYDAAN BARAARUGEYN: Shacabka Muqdishow ma Dalkiina hooyo ayaad lama ooyaan ku noqoteen ?
ISHIISA LAGA ARKAA USHIISA LAGU DILAA !
September 25, 2009
WARBIXIN KU SAABSAN: Abuu Mansoor Al-Amriki
Cumar Xammaani (Abuu-Mansoor Al-Amriki) Aabihiis Shafiiq Xammaani (oo ka soo jeeda Siiriya) ayaa dhowaan Idaacadaha Dalka Mareykanka qaar la hadley. Wuxuuna cadeeyay in wiilkiisa ay ugu war dambeysay 2006dii ka dib markii uu ka soo wacey qadka Tellefoonka ee Soomaaliya.
Ayuu yiri Cumar Xammaani Aabihiis."Wuxuu ii sheegay inuu Baasaboorkii ka lumay, uuna rabo in uu ku soo laabto Mareykanka ama Qoyskiisa!. wuxuu kaloo ii sheegay in Xaaskiisa yar ay tahay Soomaali. Waxaan markiiba la xiriiray FBIda anigoo isleh aad wiilkaaga wax la qabatid, laakiin nasiib daro waxaan ogaadey in Mareykanka iyo Soomaaliya aaney ka dhexaynin Cilaaqaad ama Safaarad"
Wareysiga oo dhameystiran halkan ka daawo.
September 24, 2009
BELED-WAYNE IYO KISMAAYO: Wararkii u dambeeyay !
BELED-WAYNE Soomaaliya: Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan Soomaaliya, Sheekh C/raxmaan Ibraahim(Macoow) ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay la midobeen Ururka Mujaahidiinta ee Xisbul-Islaam. Gudoomiyaha ayaa dhowaan isaga baxey Dowlad ku sheegta ay Xabashidu soo dhisatay.
Sh Macoow Gudoomiyaha Gobolka hiiraan oo ah Hogaamiye la soo halgamey Xabashida/Cadowga Dalkeena ku soo duulay 2006dii ilaa 2009ka, ayaa sheegay in Magaalada Beled-wayne ay si buuxda u maamulaan Halgamayaasha Xisbul-Islaam
WAR AAN FIICNEYN:
KISMAAYO Soomaaliya: Maalmihii la soo dhaafey waxaa Magaaladda Kismaayo ee Gobolka J/Hoose laga soo sheegayaa warar ah in qilaaf uu soo kala dhexgalay Ururada Xisbul-Islaam iyo Al-shabaab Mujaahidiin. Qilaafka ayaa sida cad ah mid ku saabsan Maamulka Magaaladda Kismaayo. Kismaayo waxaa ka jira Maamul u gaar ah oo awal ay ku mideysnaayeen labada Xisbi/Xarako, laakiin Xisbiga Islaamka ayaa Maamulka diiday ka dib markii xubno ka mid ahaa ururkooda ay ku bireen Al-shabaabka.
Magaaladda Kismaayo oo ah meel ay ka jirto damaaci qabiil oo taariikh u leh in la isku garbiyo, ayaa noqotey meesha ugu nabad wanaagsan Koonfurta Soomaaliya intii uu jiray Maamulka Islaamiga ah ee hadda ka jira muddo sanad iyo dhowr bilood ah.
"Haa ma waafawsani Maamulka hadda ka jira Kismaayo, laakiin waxaan rabaa in qilaafka aan xal u helno oo walaalaha mujaahidiinta la mideeyo"Ayuu yiri Sh Xasan Turki.
Arintan ayaa ah Mid caqabad ku noqon karta halganka loogu jiro difaaca Dalka, oo laga yaabo inay keento isdhac guul daro ku dhamaan doonaa haddii aanu caqligu shaqeyn. Dad badan ayaa la yaaban sababta ay labada Xisbi ee Al-shabaabka iyo Xusbul Islaam ay u midoobi waayeen. Waxaan wada ognahay inay dhanka Ciidanka si wada jir ah u howgalaan laakiin maxay tahay sababta ay dhanka siyaasadda u midoobi waayeen! Waa arin dadaal badan u baahan.
Wargeyska QORAX
September 19, 2009
UGANDA IYO BURUNDI: Maxay u joogaan Dalkeena ?
Laakiin aqristoow ma ogtahay in Ciidankani sidoo kale ay Dalkeena u joogaan inay (si Gaalnimo ah) ula dagaalsan yihiin Xooggaga Islaamiga ah ee Dalka intiisa badan maanta gacanta ku haya, iyo waliba inay Dalkeena ka ilaaliyaan inuu hello nabad iyo Dowladnimo Islaamu ah. inta Cadowgeenu (reer Galbeedka) firaaqo u hellayo sidii uu u boobi lahaa Dhulkeena. Haddii aad daneyso inaad ogaato Mashruuca rasmiga ee ay AMISOM Dalka u joogto fadlan Daawo Filimkan hoose, Ishu kuu macalin !
Allah ayaan magan u nahay, Qorshah Gaalladuna wuu fashilmi doonaa insha Allaah.
September 18, 2009
HESHIIS: Dhex marey Maamulka Maxaakiinta G/Hiiraan iyo Al-Shabaab/Xisbul Islaam.
Kala noqashada kalsoonida ayaa timid ka dib markii uu Sheekhu indhahiisa ku soo arkey dhaliisha iyo kala daadsanaanta ay Kooxdan Dowlad ku sheegta ahi leedahay. Wuxuu sheekhu sheegay in Kooxdani tahay magac u yaal ay cadowga Soomaaliyeed iyo kan Muslimiintuba u soo dhisteen inay ku hor istaagaan nabad iyo Dowladnimo ka dhalata Dalkeena Hooyo.
Isla markii uu kalsoonida kala noqdey wuxuu sh Macoow bilaabey inuu xiriir toos la yeesho Xooggaga xaq u dirirka ah ee Xisbul-Islaam/Al-shabaab. hadaba xiriirkaas uu la sameeyay waxaa ka dhashey isfahan labadda dhinac ah, waxay labada dhinac ku heshiiyeen in.
- In si wada-jir ah Gobolka iyo Dalkaba looga difaaco Cadowga Soomaaliyeed/Muslimiinta, gaar ahaan Kooxda dambiilayaasha u badan ee la baxey Dowladda ee ay Xabashidu hubka soo siisay ama ha noqdeen Qab-qablayaasha (Dabageel) ama kuwa Suufiyadda ah ee la baxey magac beenaadka Ahlu sunna.
- In Gobolka loo sameeyo Maamul Islaami ah oo la mid ah kuwa ka jira Goboladda kale ee Dalka sida kan Jubooyinka iyo Bay/Bakool si wada jir ahba loo wada maamulo.
Heshiiskaan dhex marey Maamulka Maxaakiimta iyo kan Al-shabaab/Xisbul Islaam isagoo sheekha ka hadlaaya wuxuu sheegay inuu sababey in Gobolku noqdo meel nadab ah tan iyo intii ay heshiiskaan galeen.
"Alxamdu Lilaah intii aan heshiiskaas galney, waad aragtaan in Gobolku noqdey meel nadab ah"
"Sidoo kale Sheekh Macow wuxuu codsadey in laga cafiyo falalkii ama howl-galadii uu Maamulku ka qayb qaatey intii ay ka mid ahaayeen Kooxda Dowlad ku sheega ah"Ayuu yiri Sh Macoow.(Geesi Alle ma xiro).
Waxaa xaqiiq ah in Reer Hiiraan nabad iyo wanaag badan uu u horseeday Sh Macoow,
laakiin waxaa jira in Dadka qaarkiis uu jaceylka Xabashku ku sii harey, taasoo ay aad uga xunyihiin nadadda iyo heshiiskaan ka dhacey Gobolka hiiraan. Dadkaas waxaa wali ku jiraQabkii iyo Jahligii Qabiilka waana la oran karaa waa dawaqsan yihiin. Laakiin waxaa iyadana hubanti ah in Shacabka G/Hiiraan ay waligood hormuud u ahaan jireen difaaca iyo wanaagga Ummadda Soomaaliyeed. Maasha Allaah. Haddii aan nahay Ummadda Soomaaliyeed waa inaan marwlaba garab istaagno Dadka inta Wanaagsan Gobolka kastoo Dhulkeena ah.
Wargeyska QORAX
August 29, 2009
BELED-WAYNE: oo ay maanta Xabashi qabsatey/boobtey !
"Inta badan waxaa dadka shacabka ah dhaca u gaystey waxay ahaayeen Jabhadaha Soomaalida ah ee la socda Xabashida" Ayuu dhahey wiil qadka Tellka lagu wareystay oo jooga Beled-wayne.
Waxay u egtahay in shacabka Gobolka Hiiraan intiisa badan uu waa ku baryey, waxaan ognahay in Shacabka Gobolka intiisa badan Halgamayaasha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam loo tusey inay cadow u yihiin halka Xabashida iyo kooxda shariifkana looga dhigay inay isku asxaab yihiin.
Su'aasha maanta u taal reer Hiiraan waa "Wali ma jidkii qaldanaa ee ay Tuugada/Dabodhilifka idiin jeexeen ayaad sii haysan doontaan? Mise waxaad ku cibro qaadan doontaan waxa maanta dhacey?. Waxay u badan tahay in maanta Shacabku si isku mid ah u wada arki doono cadowga Xabashaka ah ee mar walba gardaradda ku soo galla dhulkeena gaar ahaan Beled-wayne iyo meelaha kale ee xuduud beenaadka ku yaalla.
Wargeyka QORAX.
July 1, 2009
1da LUULYO IYO SHIRKA SIRTA: Ma dabaal degnaa mise waan Is-xoreynaa mar kale?
Soomaalidu qiimaha ay leedahay Maalinta 1da luulyo wali may iloobin, inkastoo is-bedel badan iyo bur-bur uu ku yimid Qarankii iyo Dalkii Soomaaliya. Waxaa soo baxey Gobolo sheegtay inay ka madax-banaan yihiin Soomaaliya, Dalka oo dhan waxaa 1990kii qabsadey Jabhaddo qabiili ah (SNM, USC, SSDF, SPM, IWM) oo ay tabobartey, hubna siisay Dowlada Xabashida ilaa haddana iyadu u taliso ama saaxiib la ah!. Waxay Jabhadahaas bur-buriyeen aas-aaskii Qaranimada Soomaaliyeed, iyagoo Dalka ka dhigay mid kala qayb-qaybsan. Maanta haddii aan la is yeel-yeelin Dalka kama jiraan wax loo dabaal deggo ee waxaa ka jira xaalad/masiibo Bani'aadanimo oo aad iyo aad u murugo badan, Dagaalo, barakac, nafaqo-darro, cuduradda faafa, iyo waxkastoo u daran nolosha Bani'aadamka.
Maanta Soomaali badan ayaa damaashaadka 1da luulyo iskugu soo baxey dhamaan Aduunka dacaladiisa, gaar ahaan Soomaalida ku nool qurbaha, Waxaa kaloo 1da luulyo laga xusey sidda la sheegay Xaafaddo ka mid ah Muqdisho (Caasimadda Dalka) oo sida la sheegay dhuumaaleysi aheyd iyo qaybo ka mid Gobolka Gal-guduud oo ay Maamulaan Kooxda Suufiyadda ee Xabashidu soo hubeysay .
Gudaha Dalka. Labada Koox ee Xuska 1da luulyo sameeyay waxay gacan-saar buuxa la leeyihiin Taliska Tigreega ee Melez-Zinawi, iyo waliba Ciidanka calooshood-u-shaqeystayasha ah (AMISOM) ee laga keenay Dalka Uganda iyo Burundi ! Maxaa 1da luulyo ka qaldamey ? Wax badan, Wax badan!
Shirkaan sida la shaaciyey waxaa iskugu yeeray oo qaban-qaabiyey Kaligiis-taliye Meles-Zinaawi (Ra'iisal Wasaaraha Dalka Xabashida), Melez Zinaawi kaligiis maaha ee waxaa garabkiisa midig-taagan Shariif Sh Axmed oo lagu sheego inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya!. Melez wuxuu kor iyo hoos doonayaa in Wadamadda Soomaaliya dariska la ah (oo ay ku jirto Xabashidu/Kenya) loo ogolaado inay weerar ku ekeeyaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ee iska dhibaateysan. Bayaan ka soo baxey shirkaas ayaa leh .
"Waxaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey
ka codsaneynaa inay wax ka bedelaan go'aankii kal hore looga mamnuucay Wadamadda dariska la ah Soomaaliya inay
Ciidan u diraan ama weerar ku qaadaan Soomaaliya"Ayuu codsadey Meles Zinawi
Ma waxaa nala gudboon inaan dabaal-degno mise waxaa nala gudboon inaan isku diyaarino sidii aan Dalkeena iyo Dadkeena uga celin laheyn Waraabayaasha iyo gumeystayaasha Madow ee shaqada naga dhigtey ?
Inaan dabaal degno nooma eka maanta oo Dalkeenii gumeysi cusub joogo ! waxaa Soomaalida dhiiga/iimaanka leh waajib ku ah inay u diyaar garoobaan sidii ay u xoreyn lahaayeen Dalka, uguna halgami lahaayeen dadkooda, Dalkooda iyo Dintoodaba.
FARAJ BAA DHOW: WQ Dr Cumar Cusmaan Raabe
1- Iyadoo 1da Luuliyo ay ahayd, 49 sano ka hor, maalintii xusuusta iyo farxadda lahayd ee Qaranka Soomaaliyeed, meel uu joogaba, isaga oo isku duuban, u sarakacay Dalkiisa, dadnimadiisa iyo dowladnimadiisa.
2- Waxaan maanta Ummadda Soomaaliyeed la qaybsanayaa geerida iyo murugada, waqtigan mugdiga ah iyo taariikhda madow ee maanta la marayo; iyadoo dhibaatadaas culus, si isdabajoog ah loogu soo jirey muddo 20 sano ah: dad iyo duunyo lagu hoobtay; dal, bulsho iyo dowladnimona ku burbureen oy ku baaba’een; laguna illaawey xusuus, xaq iyo xeer, wax horey loo soo ahaan jirey iyo aayatiin dambe oo lagu tashado…
3- Inkasta oy sidaas tahay, waxaan haddana Qaranka Soomaaliyeed guud ahaantii iyo qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaantiis, ku goobaabinayaa in aan la rajo-dhigin oon la is-dhiibin!... Gurmadka Allaah iyo gargaarkiisa ayaa innooga iman gees aan la filayn!...
4- Ha isdhiibin, ha isdhiibin Soomaaliyey!... Ilaahii mar walba oo halistu heerkaas gaadho ku bixin jirey, ee ku badbaadin jirey, Ilaahiibaa maantana jooga oo jira!...
5- Hubaal, waxa kuu dambeyn: GUUL, SHARAF IYO FARXAD!... Iyo wax aad ku illawdo wax kasta oo ku soo marey!... Faraj Allaa dhow, ha isdhiibin Soomaaliyey!..
KISMAAYO: Maamulka Islaamiga ah oo amar ka soo saarey Dadka ku ganacsada Jidadka hareerahooda
Maamulka ayaa sheegay haddii ay u hogaansami waayaan inay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.
Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo warbaahinta kula hadley xafiiskiisa ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Xisbada ay qaadayaan howl-gal lagu soo celinayo bilicda Magaalada, wuxuuna Sheekh Xasan Yacquub ku nuux-nuuxsaday in la baabi'inaayo mehradaha gamacsiga ee qaabka aan sharciga aheyn wadooyinka agagaarkooda ugu yaalla.
Waxaa uu sheegay in muddo saddex cisho ah ay ganacsatada ku ag-ganacsada jidadka u qabteen haddii ay mudadaas ku qaadi wayaan barahana ay ciidamadu howlgal fulin doonaan.
Maamulka Kismaayo ayaa goor sii horeysay oo horaantii sanadkan ah waxaa uu dhismo ku sameeyey wado dheer oo magaalada xiriiriso, taasoo aheyd horumar aan hore loo arag koonfurta Soomaaliya intii uu burburka dhacey.
Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa u muuqda mid hormuud u ah soo celinta nidaamkii iyo kala dambeyntii la waayey 19kii sanno ee la soo dhaafey.
June 30, 2009
MAAMULKA MAXAAKIIMTA: Beled-Wayne oo ay soo food-saartey qal-qal siyaasadeed iyo Mas'uuliyiin is casishay
BELED-WAYNE SOOMAALIYA: Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey waxaa xilkii ay ka hayeen Midowga-Maxaakiimta Gobolka Hiiraan iska casiley Mas'uuliyiinta ugu fir-fircoonaa oo uu ka mid yahay Godoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Beled-wayne Sh Max'ed Muxumed Warsame, Gudoomiyihii Maamulka Maxaakiimta Islaamiga ah ee Beledwayne Shiikh Aadan Ibraahim Jilibey iyo waliba Mas'uuliyiin kale. lama faahfaahin sababta dhabta ah ee keentay inay mas'uuliyiintaasi iscasilaan xilligaan, waloow wararka qaar ay leeyihiin mas'uuliyiinta ayaa ka biyo diidan soo galitaanka Ciidanka Xabashida ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan Deg: Kalabeyrka.
Iyadoo aan wali Xilalkaas la buuxin waxaa maanta Magaalada Beled-wayne ka duuley Gudoomiyaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Gobolka hiiraan Sh C/raxmaan Mocoow sida ay wararku u badinayaan wuxuu yimid Xamar gaar ahaan Villa Soomaaliya (warar aan la hubin ayaa leh waxaa lagu Bedeli doonaa Wasiirkii Amniga ee Dhowaan ku geeriyooday Beled-wayne).
Ilaa iyo bilowgii sannadkan 2009ka inta badan ee Magaaladda Beled-wayne Gobolka Hiiraan waxaa maamulkeeda gacanta ku haayey Xooggaga Maxaakiimta ee garabka Jabuuti/Dowlad ku sheegga raacsan oo dhinac ah iyo Xisbul-Islaam oo iyaguna dhinac ka Maamula Magaaladda.
Maxaakiimta iyo Xisbul-Islaam waxaa jiray inay mar isku dhaceen laakiin si fudud loo xaliyay qilaafkaas. Maanta Magaaladda Beled-Wayne waa meel aad iyo aad u kacsan xaaladeeda nabadgelyo sababtoo ah waxaa Gobolka isku fadhiya Kooxo ama Ururo ismaan-dhaaf siyaasadeed iyo kala hadaf duwan, Xooggaga ku wada sugan Gobolka Hiiraan waxaa ka mid ah:
- Ciidanka Xabashida oo xuduudka ama Kalabeyrka Joogga.
- Qab-qableyaal dagaal Dabo-geed iyo Garaaso.
- Midowga Maxaakiimta (Garabka Jabuuti ee Shariifka taabacsan)
- Xisbul-Islaam (oo Boqolkiiba 30 Beled-wayne Maamusha)
- Al-shabaab Mujaahidiin oo kala-bar Gobolka Maamullo.
Loolanka u dhexeeya Kooxahaan ayaa kaliftey in Amaanka Gobolka maalmihii tagey uu noqdo mid qal-qal galey, waxaa taa ka sii daran oo arinta sii murgiyay kadib markii ay Ciidanka Xabashida oo wata Maleeshiyo beeleedyo/Qab-qableyaal ay ka soo tilaabeen Xaduud-beenaadka Xabashidda iyo Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Gobolka lagu soo daabuley Jabhaddo Ciidanka Dowlad ku sheega lagu sheegay ayna soo tabobartey Xabashida kuwaas oo loogu tallo galey inay dagaal la galaan Al-shabaab-Mujaahidiin iyo Xisbul-Islaam oo is-kaashi ka dhexeeyo.
Dhanka kale Maamulka Islaamiga ah ee Maxaakiimta Gobolka Hiiraan ayaa loo maleynayaa inay soo galitaanka Xabashida aad uga soo horjeedaan, Maxaa yeelay iyaga iyo Xabashida waxaa dhex marey dagaal qaraar muddo ka yar 7bilood ka hor, dagaalkaas oo Xabashida loo gaystey dhibaato farabadan. Sidaa awadeed ay Xabashidu Beled-wayne soo galaan waxay u badan tahay inay qab-qabtaan Mas'uuliyiinta Maxaakiimta ee dagaalka la galey. Waana sababta ugu wayn ee keeni karta inay iscasilaan Mas'uuliyiinta Maxaakiimta Gobolka Hiiraan.
Wargeyska QORAX
UGANDA: Museveni oo sheegay inay ciidan kale u dirayaan soomaaliya haddii lacag lagu siinaayo!
"Diyaar ayaan u nahay inaan Ciidamo dheeraad ah u dirno Soomaaliya , waa
haddii lacag iyo saannad Militari la inagu siinaayo"
Ayuu yiri Museveni
Madaxweynaha Uganda ayaa sidoo kale soo dhaweeyay taageeradii hubka ee uu Mareykanku u diray Kooxda Jabuuti/Doofaarey2, isagoo waliba ku booriyay dhamaan waxa uu ugu yeeray Bulshada Caalamka inay sidaas oo kale caawimo iyogargaar udiraan Kooxda Shariif ee ku go'doonsan Xarunta VillaSoomaaliya.
Hadalka Museveni ayaa u eg mid ah ku gorgortan dhiiga iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Uganda ee jooga Magaalo-madaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa si aan arxan laheyn masaafiic ula dhaca Xaafadaha ay Dadku ku badan yihiin ee Muqdisho.
June 29, 2009
KISMAAYO: Xaalkeeda kadib markey la wareegeen Xisbul-Islaam/Al-shabaab.
KISMAAYO SOOMAALIYA: Magaaladda Kismaayo G/J/hoose oo ahaan jirtay Magaalo-Madaxda sadexaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, burburkii ka dib waxay aheyd meel ay qaxa, dagaalada, dilka iyo kufsigu caadi ka ahaayeen. laakiin markii ay la wareegeen Halgamayaasha dhiigooda u hurey Diinta iyo Dalkeena hooyo ee Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam waxay shacabku heleen nabad iyo naruuro aan waligeed la arag.
"Markii hore qasab/gumeysi ayaan ku dajin jirney badeecooyinka, ama waxyar ayaa nala siin jirey ! Maanta waan helnaa xaqqeena ama lacagta aan shaqeysano, ha yaraato ama ha badnaato" Ayuu dhahey wiil dhalinyaro ah oo xamaali ka ah Dekeda Kismaayo.
"Maanta Amaanka iyo nabadu waa fiican tahay, wagii hore wiil yar ayaa jidka noo istaagi jiray oo naga qaadan jiray waxkastoo aan heysano" Ayuu dhahey wiil kale oo dhalinyaro ah oo isna la wareystay.
Nabadda iyo wanaaga ay haystaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada ay maanta Maamulaan Halgamayaasha Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam waa mid aan la soo koobi karin, laakiin waxaa diidan oo aan marnaba wanaagu deeqin inta wali usii ciil-qaba inay dulmi iyo tuuganimo ku sii noolaadaan.
Wargeyska QORAX
June 28, 2009
SHARIIF SH AXMED: shir jaraa'id qabtey, oo sheegay in Soomaaliya ay dagaal ka wadaan argagixiso !
Shariifka ayaa wuxuu carabka ku dhuftay arimo farabadan oo ay u badnaa eedo iyo cabasho uu u jeediyay Ururadda dagaalka ba'an kala soo horjeeda Kooxdiisa, wuxuu kaloo sheegay in Dalka Soomaaliya ay dagaal ku soo qaadeen ajaa'niib u adeegta Ururka Al-qaa'ida.
"Al-shabaabku waxay si xoog ah ciidan uga dhigaan dhalinyaro aanShariifka ayaa wuxuu eedeyn u jeediyay Dalka Eriteria wuxuuna tilmaamey inay Saraakiishoodu dagaalka Muqdisho ka socda ku lug leeyihiin. Shariifka wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftey in Sh Daahir Aweys uu ku socdo waddo aan laga soo laaban karin, Wadadaan oo uu ku sheegay mid ay soo sameysay Eriteria iyo Al-qaacida.
qaan-gaarin waxayna ku qasbaan inay iyaga u dagaalamaan, taasoo sida uu sheegay uu ka dambeeyo ururka Al-qaa'ida!"
Ayuu dhahey Shariif Sh Axmed.
XIGASHO: Halkan ka sii Akhriso Reuters
FG: Shariifka kama hadlin Ciidanka Xabshida ah ee dhowaan soo galay Goboladda Soomaaliyeed ee Bakool, Gedo, iyo waliba Galgaduud iyo waliba Kenya oo u soo fak-fakaneysa inay soo weerari doonto dhulka hooyo! .
KENYA: oo u diyaar garowday weerar ay ku qaado Soomaaliya !
June 27, 2009
XUKUUMADA MAREYKANKA: oo ka cabsi qabta in Kooxda Jabuuti la afgambiyo !
Halkaan ka daawo .
Xigasho: Al-Jaziira.net
FG: hubkan/Rasaasta mareykanku keenay wuxuu gacanta u galiyay Kooxda Jabuuti ama Qab-qablayaasha ah ee Kooxda Midnimadda Qabiiladda, ee Mabda'oodu uu yahay halbeegga 4.5 ee Jaahhiliyadda ku dhisan.
ERITERIA: oo cambaareysay Hubkii Mareykanku Soomaaliya u diray
"Faragalinta/hubka lagu sii dal-dalaayo Soomaalia, oo ah mid marin habaab ku socda horey ayaa loogu guul dareystay, Haba-yaraatee waxba lagama faa'iidaayo ficilada ay mar walba Dowlada Mareykanku ka sameyso Dalka Soomaalya" Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibedda Dalka Eriteria.
June 26, 2009
KOOXDA SUUFIYADDA: oo bandow ku soo rogay C/waaq G/Galgaduud.
"Waxay cod dheer ku lahaayeen Caawa wixii ka dambeeya Magaaladu waa bandow
xilliga habeenkii. "
Magaalada Caabud-Waaq waxay kooxdaan si buuxda ula wareegeen ka dib markii lagu soo jabiyay Dagaalkii Wabxo ee dhex marey iyaga iyo Al-shabaab Mujaahidiin, laakiin waa markii hoeysay ee Caabud-waaq Dadweynaheeda lagu amro inay Guryahooda ka soo bixi karin taasoo inta badan shacabka ka yaabisay!
Suufiyadda Gobolada dhexe ayaa maalmihii/Bilihii tagey waxay ahaayeen qaar ay indhaha Cadowga reer Galbeedka ku diirsadeen oo waliba Rajodoodii gumeysiga dib u soo nooleysay, Cadowga Galbeedka ayaa diyaarinaaya sidii loo hubeyn lahaa, oo waliba loo sharfi lahaa Suufiyadda kadib markii ay dagaal qaraar la galeen Halgamayaasha Dalkeena ka xoreeyay Xabashida ee AL-shabaab iyo Xisbul-Islaamka.
June 25, 2009
RAADIYOOW AMISOM ! oo laga furey Muqdisho, muxuuse qaban doonaa?
Idaacadaan waxaa kaliftey in la fure ka dib markii ay adkaatey inay Wariyeyaashu gudan waayeen howshooda soo tabinta wararka ah, Ayuu sheegay mid u hadley calooshood-u-shaqeysatadda AMISOM. wuxuuna sheegay in kooxaha Isbaaroleyda/DFKG ka soo horjeeda ay caburiyaan Idaacadaha ka jira Caasimadda una diideen inay si dhab ah wararka ugu tabiyaan Dadweynaha waa sida uu u dhigaye.
Idaacadaan ayaa laga yaabaa inay ka hadli doonaan Soomaalida aadka ula dhacsan inay ku hoos noolaadaan Isticmaarka Madow ee maanta Dalkeena ku soo duulay, Sidaa oo kale waxaa hubaal ah inay faafin doonto Diinta Masiixiga ah ee ay AMISOM rumeysan tahay inay u adeegayaan.
Idaacadaan ayaa sidoo kale waxay muujinaysaa sida ay Ciidamada shisheeye aadka ugu dadaaleen inay marin habaabiyaan Ummadkeena iyo Shacabkeena guud ahaantiisa gaar ahaan Goobaha ay maanta ku sugan yihiin Calooshood-u-shaqeystayaasha/dambiilayaasha la baxay AMISOM, halkaas oo ah caasimadeeni Xamar Cadeey.
MAREYKANKA: oo sheegay inuu hub iyo rasaas siiyay Kooxda Doofaarey2/DFKM.
Mareykanka wuxuu sheegay inuu hubkaas iyo rasaasta ay ugu direen kooxda Doofaarey2 si ay ulla dagaalamaan kooxda Al-shabaab/Xisbul Islaam ee xiriirka la leh Al-qaacida. iyo waliba cidkastoo ka soo horjeedda danaha reer galbeedka/Bulshada caalamka.Arintaan ayaa la sheegay inay la xiriirto isbedel ku yimid siyaasadda Maamulka cusub ee uu hormuudka ka yahay Barack Obama. waxaana laga yaabaa in Mareykanku markaan rabo inuu isku hubeeyo shacabka Soomaaliyeed si ay isku baabi'iyaan.
Lama oga inta uu la'egyahay hubkaan iyo waliba noocyadiisa laakiin waxaa loo badinayaa inuu u badan yahay qoriga Ak47ka loo yaqaan iyo hubka fudfudud ee lagu farsameeyo Wadamadii hantiwadaga ahaa ee Midowgii soofiyeeti, waxaa kaloo laga yaabaa inay la socdaan rasaasta hubkaas. Hubkaan marka uu gacanta u soo gallo Kooxdan Isbaaroleyda waxaa laga dareemi doonaa suuqyadda Cirtoogte, maadaama sida looga bartey kooxdaan ay si toos ah u iibsan doonaan taasoo keeni doonta inuu qiimo-dhac ku yimaado hubka iyo rasaasta.