September 25, 2009

WARBIXIN KU SAABSAN: Abuu Mansoor Al-Amriki

Abuu Mansoor Al-Amriki waa Hogaamiye ka mid ah saraakiisha Xarakatul Shabaab Mujaahidiin oo ka mid ah Xooggaga Islaamiga ah ee inta badan Dalka Soomaaliya ka taliya. Abuu Mansoor Al-Amriki magaciisa runta ah waa Cumar Xammaani wuxuuna ku dhashey Dalka Mareykanka Magaaladda Mobile ee Gobolka Alabama oo dhaca Koonfurta Dalka Mareykanka.

Cumar Xammaani (Abuu-Mansoor Al-Amriki) Aabihiis Shafiiq Xammaani (oo ka soo jeeda Siiriya) ayaa dhowaan Idaacadaha Dalka Mareykanka qaar la hadley. Wuxuuna cadeeyay in wiilkiisa ay ugu war dambeysay 2006dii ka dib markii uu ka soo wacey qadka Tellefoonka ee Soomaaliya.

"Wuxuu ii sheegay inuu Baasaboorkii ka lumay, uuna rabo in uu ku soo laabto Mareykanka ama Qoyskiisa!. wuxuu kaloo ii sheegay in Xaaskiisa yar ay tahay Soomaali. Waxaan markiiba la xiriiray FBIda anigoo isleh aad wiilkaaga wax la qabatid, laakiin nasiib daro waxaan ogaadey in Mareykanka iyo Soomaaliya aaney ka dhexaynin Cilaaqaad ama Safaarad"Ayuu yiri Cumar Xammaani Aabihiis.

Wareysiga uu siisay warbaahinta Cumar (Abuu-Mansoor Al-Amriki) Abihiis ayuu sidoo kale ku sheegay in aanu ku taageersaneyn ficilka, mabaadiida iyo waliba fikirka Wiilkiisa, laakiin wuxuu ugu duceeyay in Alle ku badbaadiyo meesha uu joogo.

Wareysiga oo dhameystiran halkan ka daawo.



Wargeyska QORAX

1 comment:

Anonymous said...

Good post and this fill someone in on helped me alot in my college assignement. Thank you seeking your information.