March 24, 2010

BOOWE WFP/GARGAARKII LAGA RAYSEY! Goboladda Koonfurta Soomaaliya oo cunno ku filan soo saartey

BAKOOL SOOMAALIYA: Waxaa muddo laga joogo lix bilood ama ka yar laga eryay Koonfurta Soomaaliya hay'adda WFP. Inkastoo markii hore dad badani u arkeen arin aan suuro gal aheyn hadana waxaa cadaatey in Ummadda Soomaaliyeed ee u dhaqan dhulka Beerista ku haboon ee koonfurta Soomaaliya ay ka raysteen oo ay maanta gacantooda kula soo baxeen cunno xalaal ah oo waliba cossob ah yacni aan buunsho aheyn..

{Maasha Allaah Boowe PP iyo WFP buunshahoodii laga raysey !!oo SISIN iyo Masaggo cossob ah aan beeraney}
Ma ogtahay in WFP aduunkoo dhan ay ku faafisay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin jaahiliin aan xitaa la soo bixi karin cunnadii ay ku noolaan lahaayeen, waxay kaloo sheegtaa inay quuudiso/irsaaqdo in ka badan kala bar Dadk Soomaaliya ku nool !!.

Nasiib wanaag. Arintaa been abuurka ah ee ay WFP ku qaraaban jirtay waxaa kashifay Maamulka Islaamiga ah ee ka dhisan Goboladda Koonfureen, ka dib markii ay ku amreen WFP inay raashinka ka iibsato Beeraleyda Soomaaliyeed ama ay ka guurto Dalka, WFP maadaama ay cunada ay ku bixiso qaab siyaasadda Mareykanka waafaqsan ayna u arkaan Maamulka Islaamiga ah mid argagixiso ah, waxay isla markiiba diideen taasoo ay walba ku dardareen been ah inay Laaluush ama qidmad uu waydiistay Maamulka Islaamiga ah. Waxaa kaloo la sheegay/xaqiiq ah in Mareykanku WFP ku amrey inay cunnada ka goyaan meelaha ay Islaamiyiintu joogaan ? sababtuna waxaa la ogaadey inay ka dambeyso siyaasad ah in Dadka iyo Maamuladda Islaamiga ah la iska horkeeno. Laakiin nasiib-wanaag natiijadii waxay noqotey mid ka duwan tii qorsheeyeen isla markaana noqoey mid-ay aad iyo aad ugu faa'iideen Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Beeraleyda oo markii ugu horeysay muddo 18 sanno helay kalsooni iyo niyad ay Beerahooda ku tabcan karaan.

WFP markii howlihii lugooyadda ee ay Soomaaliya ka wadey la joojiyay waxay ku soo dhacdey meel cidla ah waxaana la waydiiyay Dhaqaalihii iyo xisaab-xilmaleh ! laakiin waxaa soo baxdey in dhaqaalaha intiisa badan (75%) lagu lunsan jiray Dalka Kenya oo Xarun u ah Hay'adaha QM ee ka shaqeysta lugooyadana ka wada Dalka Soomaaliy.

WAR BIXIN KOOBAN HALKAN KA DAAWO:



No comments: