September 29, 2009

KISMAAYO: Nabadii iyo kala-dambeyntii yaa qal-qal galiyay?

KISMAAYO SOOMAALIYA: Waxaa ayaamihii la soo dhaafey Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose soo galay Jabhad uu hor kacaayo Axmed Maxamed Islaan oo loogu yeero Axmed Madoobe. Axmed madoobe wuxuu ka mid yahay Saraakiisha Mucaskarka Kaambooni ee uu Hogaamiyo Sh Xasan Turki.

Hadaba markii ay Ciidankaas/Jabhadaas soo galeen Magaalada waxay salka dhigteen/hubsadeen bartamaha magaaladda taasoo keentay cabsi shacabka Magaaladda soo wajahdey iyo in Maamulkii Magaalada Mas'uuliyiin ka mid ahi banaanka uga baxaan. sababta dhabta ah ee ay sidaas u yeeleen lama yaqaan laakiin waxaa loo maleynayaa inay diidanaayeen in isku dhac uu yimaado, Mas'uuliyiinta maalin ka dib ayey dib ugu soo noqdeen Magaaladda iyagoo sheegay in ay wali shaqeynayaan amaankana sugayaan, qal-qalka galey maamulkii ayaa markiba keenay in Qof rayid ah lagu dilay Bartamaha magaalada, ilaa haddana lama yaqaan cidda ka dambeysa iyo sababta laakiin waa Qofkii ugu horeeyay ee la dilo muddo sanad ku dhow.

"Anagu dhib ma wadno waxaan dooneynaa in Maamulka nalaku soo wareejiyo,Maamulka jiray way nagu balan fureen. Ayuu sheegay Axmed Madoobe mar ay wareysi la yeesheen Idaacadaha qaarkood."
Dhanka kale Axmed Madoobe iyo ciidanka uu wato oo lagu sheegay inay yihiin Mucaskarka Kaambooni iyo Caanoole oo labaduba ka tirsan Ururka Xisbul-Islaam ayaa inta badan dadka siyaasadda indha indheeya ay ku sheegaan inay yihiin Maleeshiyooyin u nidaamsan qaab beeleedka degaanka ah halka kuwa Maamulka hadda jira ay yihiin caksigooda. hasayeeshee waxay ku andacoonayaan/doonayaan in Maamulka Magaalada iyaga lagu wareejiyo taasoo inta badan dadka degaanka iyo Maamulkaba u cuntami waydey. Waayo Kismaayo ma aha meel beeli leedahay ee waa Magaallo Madaxda sadexaad ee Dalka mana lagu aamini karo Ciidan la ogyahay inay yihiin Beello ku qaraabanaaya Magaca Xisbul Islaam.

Maamulka Kismaayo oo dhowaan ku dhawaaqey inay ku biireen Al-shabaab, awalba intooda badani ay ahaayeen ayaa waxay muujiyeen feejignaan iyo waliba taxadar la dhihi karo wuu wanaagsan yahay. waxayna iska ilaaliyeen inay Dagaal kala hortagaan kooxdan uu Axmed Madoobe soo abaabuley kuna soo duuley Magaallo nabad iyo Maamul uu ka jiro isla markaan ah Xarunta Islaamka/Muslimiinta oo dhan.

Waxaa wali socda dadaal iyo dalabyo lagu raadinaayo in Axmed Madoobe iyo Ciidanka uu soo abaabulay Magaaladda looga saaro, waxayna u egtahay in lagu guuleysan karo haddiise uu diido waxaa dhici karta in Maamulka uu tilaabada ku haboon uu ka qaato taasoo dhalin karta isku dhac Ciidan.

Kismaayo oo nabad ah in Jabhad Beeleed ay dhahdo Maamulka haddii naloo dhiibi waayo waan dagaalameynaa waxay muujinaysaa wax yeelada ay leedahay midnimo la'aanta iyo kala daadsanaanta halgamayaasha iyo ururada aan aaminsan nahay inay doonayaan inay Dalka ku xukumaan shareecadda Islaamka. Laakiin waxay arinta Kismaayo keeni kartaa in dagaal dhoco ama si toos ah loo midoobo midkood.
Wargeyska QORAX

No comments: