September 26, 2009

MIYEEYDAAN BARAARUGEYN: Shacabka Muqdishow ma Dalkiina hooyo ayaad lama ooyaan ku noqoteen ?

MUQDISHO SOOMAALIYA: Magaalo-Madaxda Dalkeena waxaa bilihii la soo dhaafey ay Ciidanka Afrikaanka ah ee la baxay AMISOM ee calooshood u shaqeysatada ah caado ka dhigteen inay Madaafiic si ula kac ah ugu garaacaan Xaafadaha Shacabku ku badan yahay. gaar ahaan waxay bar-tilmaameed sadaan Goobaha Dadku ku badan yahay sida: Suuqyadda iyo Xaafadaha ay wali ku tuhunsan yihiin in wali shacab degen yahay.

Muddo ku dhow sadex sanno waxaa shacabka ku dhaqan Muqdisho si arxan darro ah Goobaha ay ku nool yihiin mar walba loola beegsanaayay Madaafiicda goobta. dhaqankaan waxashnimo/arxan darada ah waxaa markii hore bilaabey Ciidankii Xabashida ee Dalkeena ku soo duulay 2006dii. taasoo sababtey in ay ku barakacaan kala bar Dadkii ku noolaa Magaalada Muqdisho oo qiyaastoodu dhameyd xiligaas 250,000 ilaa 560.000 oo Qof, isla waqtigaas waxay Xabashidu xasuuqeen/daawaceen Dad ka badan 30.000 oo qof. Laakiin markii si wada jir ah looga dhiidhiyay oo dagaal ba'an lala galay Xabashidii waxaa lagu qasbey inay Dalka iskaga cararto.

Sida dhabta ah. Xasuuqii Shacabku halkaas kuma joogsan ee waxaa maanta halkiisii iyo qaabkiisii oo kale sii wada Ciidanka colooshood u shaqeystayaasha ah ee la baxay AMISOM. Ayaamahan dambe waxay bilaabeen inay si bareer ah Madaafiic ugu garaacaan Degaanada Shacabku ku badan yahay gaar ahaan Suuqyadda Waaweyn ee Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad iyagoo mar marsiinyo ka dhigta inay Halgamayaashu (Al-shabaab/Xisbul-Islaam) hoobiye ka soo tuuraan goobahaas, arintaan inay dhab tahay in kale cidna isma waydiiso! AMISOM taas cadeyteeda qofna kama rabto waayo uma aragto muhiim inay tahay.

Waxaa iswaydiin mudan Ciidanka shisheeyaha ah ee AMISOM yaa xaq u siiyay inay Madaafiic la dhacaan goobaha Dadka rayidka ah ay degen yihiin ? Ma UNta , Mareykanka Mise kuwa Dowlad ku sheega ah ? Jawaabta su'aashaasi waxay tahay ma jirto cid xaq u leh inay Dalkeena imaado, Madaafiic Shacabka ku garaacdo marnaba.. Oo indhacadaan wali leh waan is-difaaceynaa ! marka ay shacabka laayaan CAJIIB.

Shacabka Reer Muqdisho maxaa la gudboon maanta ? Waxay u egtahay inay Dhulkoodii hooyo ku noqdeen looma ooyaan ! Maxaa yeelay wali lama hayo wax ka hadlaaya xasuuqa maalin iyo habeen ay AMISOM ku hayso . Hay'adaha Gaallada ee xuquuqul Insaanka isku sheega kama hadlaan, Ururada Afrika, Muslimiinta, Carabta iyo Reer Galbeedka Idaacadahoodu dan iyo heello kama leh Xaquuqa, waxaa macquul ah inay ku faraxsan yihiin dhibaatada ka jirta Dalkeena.

ISHIISA LAGA ARKAA USHIISA LAGU DILAA !

Xasuuqa shacabka inuu jiro su'aal kama taagna laakiin waxaa la yaab leh oo taas ka sii daran in Dadka reer Muqdisho (Shacab iyo Mas'uuliyiin) ay sida muuqata aaney u jeedin xaquuqa ay AMISOM ku hayso laakiin inta badan ay eeda iyo dambigaas dusha uga tuuraan Halgamayaasha iyaga difaacooda har iyo habeen u taagan!!

Wargeyska QORAX

No comments: