March 17, 2010

BAARDHEERE: Maamulka Islaamiga oo soo celiyay Hanaankii Jidadka dhex mara Magaaladda.

BAARDHEERE: Maamulka Islaamiga ee Gobolka Gedo oo kaashanaya dadka degaanka ayaa ku guulaystay inay soo celiyaan hanaankii/bilicdii ay lahaayeen Magaalooyinka Baardheere, Beled-xaawo iyo Garba-haarey. Arintan oo ka timid ka dib markii uu Maamulku amrey dadka sida sharci darada ah ugu ganacsan jiray hareeraha Jidadka/Wadooyinka dhex mara Magaalooyinkaas inay muddo kooban uga guuraan.

Nasiib wanaag, Ganacsatadii magaalooyinkaas waxay adeeceen Amarkii waxaan ay natiijadu noqotay mid aad u wanaagsan (Fiiri Sawirka kore). Waxaa hubaal ah in arintani tahay tilaabo horusocod ah. Maasha-Allaah.

No comments: