July 1, 2009

FARAJ BAA DHOW: WQ Dr Cumar Cusmaan Raabe

HA IS-DHIIBIN SOOMAALIYEY !...

1- Iyadoo 1da Luuliyo ay ahayd, 49 sano ka hor, maalintii xusuusta iyo farxadda lahayd ee Qaranka Soomaaliyeed, meel uu joogaba, isaga oo isku duuban, u sarakacay Dalkiisa, dadnimadiisa iyo dowladnimadiisa.

2- Waxaan maanta Ummadda Soomaaliyeed la qaybsanayaa geerida iyo murugada, waqtigan mugdiga ah iyo taariikhda madow ee maanta la marayo; iyadoo dhibaatadaas culus, si isdabajoog ah loogu soo jirey muddo 20 sano ah: dad iyo duunyo lagu hoobtay; dal, bulsho iyo dowladnimona ku burbureen oy ku baaba’een; laguna illaawey xusuus, xaq iyo xeer, wax horey loo soo ahaan jirey iyo aayatiin dambe oo lagu tashado…

3- Inkasta oy sidaas tahay, waxaan haddana Qaranka Soomaaliyeed guud ahaantii iyo qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaantiis, ku goobaabinayaa in aan la rajo-dhigin oon la is-dhiibin!... Gurmadka Allaah iyo gargaarkiisa ayaa innooga iman gees aan la filayn!...

4- Ha isdhiibin, ha isdhiibin Soomaaliyey!... Ilaahii mar walba oo halistu heerkaas gaadho ku bixin jirey, ee ku badbaadin jirey, Ilaahiibaa maantana jooga oo jira!...

5- Hubaal, waxa kuu dambeyn: GUUL, SHARAF IYO FARXAD!... Iyo wax aad ku illawdo wax kasta oo ku soo marey!... Faraj Allaa dhow, ha isdhiibin Soomaaliyey!..


WQ: Cumar Cusmaan Raabe

No comments: