July 1, 2009

KISMAAYO: Maamulka Islaamiga ah oo amar ka soo saarey Dadka ku ganacsada Jidadka hareerahooda

KISMAAYO SOOMAALIYA: Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa maanta digniin u jeediyey dadka sida sharci darodda ah ku ganacsada Goobaha dadweynaha qaas ahaan hareeraha wadooyinka. Ganacsatadaas sida qaldan Jidadka ku ganacsada ayaa loo qabtay muddo saddex maalmood ah inay uga guuraan meelaha aan sharciga aheyn.

Maamulka ayaa sheegay haddii ay u hogaansami waayaan inay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo warbaahinta kula hadley xafiiskiisa ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Xisbada ay qaadayaan howl-gal lagu soo celinayo bilicda Magaalada, wuxuuna Sheekh Xasan Yacquub ku nuux-nuuxsaday in la baabi'inaayo mehradaha gamacsiga ee qaabka aan sharciga aheyn wadooyinka agagaarkooda ugu yaalla.

Waxaa uu sheegay in muddo saddex cisho ah ay ganacsatada ku ag-ganacsada jidadka u qabteen haddii ay mudadaas ku qaadi wayaan barahana ay ciidamadu howlgal fulin doonaan.

Maamulka Kismaayo ayaa goor sii horeysay oo horaantii sanadkan ah waxaa uu dhismo ku sameeyey wado dheer oo magaalada xiriiriso, taasoo aheyd horumar aan hore loo arag koonfurta Soomaaliya intii uu burburka dhacey.

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa u muuqda mid hormuud u ah soo celinta nidaamkii iyo kala dambeyntii la waayey 19kii sanno ee la soo dhaafey.




Wargeyska QORAX

No comments: