December 23, 2009

WILAAYADDA ISLAAMIGA AH EE JUBBOOYINKA :oo si buuxda ula wareegay guud ahaan Degaanka Wilaayadda Jubbooyinka.

KISMAAYO XARUNTA WILAAYADDA ISLAAMIGA JUBBOOYINKA: Wararkii u dambeeyay waxay xaqiijinayaan in Maamulka Islaamiga ah ee Goboladda Jubooyinku ka dib dagaalo dheer ay ku guuleysteen inay gaaraan kana sifeeyaan Jabhaddii Qabiil u dirirka aheyd ee uu horkacaayay Axmed Aslaam (Madoobe) guud ahaan Degmooyinka Badhaadhe, Raas-Kaambooni, Kulbiyoow iyo guud ahaan Gobolka.

Afhayeenka Wilaayadda Jubbooyinka Sh Xasan Yacquub ayaa Idaacadaha gudaha iyo midda Caalamkaba u sheegay in Ururka Al-shabaab ama Maamulka Wilaalyada Jubbooyinku ay si buuxda uga sifeeyeen Jabhadii Axmed Madoobe (Jaajuuska Xabashida),
ee qaska iyo rabshadaha ka wadey Wilaayadda dhexdeeda.Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadii Axmed Madoobe ee goobahaas ku sugnaa ay dhamaan ku biireen/isku dhiibeen Ciidanka Wilaayadda, mana jiraan qasaaro badan oo ka dhashey howgaladaasi.
Haddii ay dhab tahay, waxaa suuro gal noqon doonta in Goboladda Jubbooyinka NABADII IYO NIDAAMKII wanaagsanaa ee hore uga jiray ay soo noqon doonto (insha ALLAAH).

No comments: