November 25, 2009

AMISOM OO CISBITAAL HAWEENKA: Soomaaliyeed lagu fara-xumeeyo ka furatey Muqdisho


MUQDISHO SOOMAALIA: Nin aduunka joogoow maxaa aragti kuu laaban ! Waa maahmaah Soomaaliyeed oo lagu cabiro wax kaa yaabiya !, Maalin dhow waxay idaacada Mareykanka ee VOA qaybteeda afka Soomaaliga ku baaranta lagu wareystay Gabar Soomaaliyeed oo uu Nin askari Ugaandhiis ku fara-xumeeyay Cisbitaal ku sheegga ay AMISOM ku leedahay Xaruntii Ciidanka ee XALANE laagu magac darey.
Haddaba sow layaab maaha in Gabar Soomaaliyeed Nin Ugaandhiis ah ku fara xumeeyo Xarun loogu magac darey Geesi Soomaaliyeed, Gabadha iyadoo ilmeynaysa ayey sheegtay in Askarigaasi ka faa'iideystay daruuf haysatey Aabaheed ka dib markii uu u sheegay inaanu daaweyn doonin ilaa ay ogolaato faraxumeynta uu la damacsanaa.

\Waxaa sidoo kale la yaab leh in Ciidanka AMISOM (calooshood-u-shaqeysato)wali wadaan fara xumeynta Gabdhaha Soomaaliyeed, oo isla meeshii ay ku fara xumeyeen Gabadhaas la wareystay. La yaab, Sida ka muuqata Sawirka kore wali waxay Gabdhaha Soomaaliyeed fayl ugu jiraan/jiifaan isla goobtii/Cisbitaal ku sheega loogu tallo galey in Gabdhaha Soomaalyeed sharafkooda iyo karaamadooda lagu dilo oo lagu faraxumeeyo. Waayo Haweenka Soomaaliyeed sida aan wada ognahay waa Halka Sharafkeenu ku dhiman yahay, Cadowguna si uu u qabjabiyo Ummaddnimadeena ayay sidaa u yeelayaan.

No comments: