January 24, 2010

CADOWGA SOOMAALIYEED: oo wada Qorshe loogu sameynayo Soomaaliya Dagaal-Oogayaal dhalinyaro ah!.


MUQDISHO SOOMAALIYA: Xarunta villa Soomaaliya ee lagu ilaaliya Kooxda Dowlad-ku-sheegga waxaa bilihii u dambeeyay ka socday qorshayaal ay wadaan dowlado shisheeye (Reer Galbeedka/Gaallo) iyo xulufadooda oo lagu yaqaan inay cadow ku yihiin Ummadda Soomaaliyeed, Dowladahaan cadowga oo inta badan ku qaraabta magaca hay'adaha samafalka iyo kan Qaramadda Midoobey .

Qorshahan lagu sameyn rabo Dagaal-Oogayaasha dhalinyarada ah waxaa lagu hoos qarinayaa Qorshe la magac baxay (Building Blocks BB) ama dhismo Dowlad Goboleedyo, Tijaabooyinka ugu horeeya waxaa ka mid ah Cali Cabdulaahi Cadow {Cali Jowhar} Sawirka midigta oo lagu wado inuu noqdo Dagaal-Ooge G/Shabelaha Dhexe oo maalin dhow lagu caleemo saarey ex-Villa Soomaaliya, Isla markiiba waajibka loo xilsaarey codkiisa ku soo bandhigay.

"Waxaan dhowaan gaari doonaa Gobolka Sh/dhexe, waana ka sifeyn doonaa dadka aan Gobolka u dhalan ee hadda Maamula" Ayuu dhahey Cali Jowhar

Maamul Goboleedyadda cusub (building Blocks) waxaa ku dayasho u ah Labadda Gobol ee Puntland iyo Soomaaliland labaxay ee ay Xabashidu ka taliso. Laakiin Mashruucan BB (Building Blocks) ee laga wado Koonfurta Soomaaliya waa mid ay si qaas ah u wadaan dhamaan Cadowga Dalkeena iyagoo qorshadoodu yahay inay sii wadaan/huriyaan Dagaalka sokeeye.

Waxaa xusid mudan in Mashruucan loo diyaariyay dhaqaale badan, kaas la doonayo in Dalka Soomaaliya looga abuuro Dhalinyaro lagu bedelo Dagaal-Oogayaashii hore ee hadda intooda badan howlgabka ama Faashilka noqdey, kadib dagaalkii iyaga iyo Midowga Maxaakiimta dhex marey 2006dii kaasoo lagu jabiyay Dagaal-Oogayaashii hore, dhalinyarta loo wado inay noqdaan Dagaal-Oogayaasha waxaa lagu howlgalin doonaa dhawr Ujeedo oo kala gadisan.. Qaar Qabiil ayaa lagu howl-galinayaa (Sida Cali Jowhar) , Qaar Wadaadnimo (Shariifka) iyo Qaar Wadaniyad been-been ah lagu akhriyo.

No comments: