June 30, 2009

MAAMULKA MAXAAKIIMTA: Beled-Wayne oo ay soo food-saartey qal-qal siyaasadeed iyo Mas'uuliyiin is casishay

BELED-WAYNE SOOMAALIYA: Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey waxaa xilkii ay ka hayeen Midowga-Maxaakiimta Gobolka Hiiraan iska casiley Mas'uuliyiinta ugu fir-fircoonaa oo uu ka mid yahay Godoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Beled-wayne Sh Max'ed Muxumed Warsame, Gudoomiyihii Maamulka Maxaakiimta Islaamiga ah ee Beledwayne Shiikh Aadan Ibraahim Jilibey iyo waliba Mas'uuliyiin kale. lama faahfaahin sababta dhabta ah ee keentay inay mas'uuliyiintaasi iscasilaan xilligaan, waloow wararka qaar ay leeyihiin mas'uuliyiinta ayaa ka biyo diidan soo galitaanka Ciidanka Xabashida ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan Deg: Kalabeyrka.

Iyadoo aan wali Xilalkaas la buuxin waxaa maanta Magaalada Beled-wayne ka duuley Gudoomiyaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Gobolka hiiraan Sh C/raxmaan Mocoow sida ay wararku u badinayaan wuxuu yimid Xamar gaar ahaan Villa Soomaaliya (warar aan la hubin ayaa leh waxaa lagu Bedeli doonaa Wasiirkii Amniga ee Dhowaan ku geeriyooday Beled-wayne).

Ilaa iyo bilowgii sannadkan 2009ka inta badan ee Magaaladda Beled-wayne Gobolka Hiiraan waxaa maamulkeeda gacanta ku haayey Xooggaga Maxaakiimta ee garabka Jabuuti/Dowlad ku sheegga raacsan oo dhinac ah iyo Xisbul-Islaam oo iyaguna dhinac ka Maamula Magaaladda.

Maxaakiimta iyo Xisbul-Islaam waxaa jiray inay mar isku dhaceen laakiin si fudud loo xaliyay qilaafkaas. Maanta Magaaladda Beled-Wayne waa meel aad iyo aad u kacsan xaaladeeda nabadgelyo sababtoo ah waxaa Gobolka isku fadhiya Kooxo ama Ururo ismaan-dhaaf siyaasadeed iyo kala hadaf duwan, Xooggaga ku wada sugan Gobolka Hiiraan waxaa ka mid ah:

  • Ciidanka Xabashida oo xuduudka ama Kalabeyrka Joogga.
  • Qab-qableyaal dagaal Dabo-geed iyo Garaaso.
  • Midowga Maxaakiimta (Garabka Jabuuti ee Shariifka taabacsan)
  • Xisbul-Islaam (oo Boqolkiiba 30 Beled-wayne Maamusha)
  • Al-shabaab Mujaahidiin oo kala-bar Gobolka Maamullo.

Loolanka u dhexeeya Kooxahaan ayaa kaliftey in Amaanka Gobolka maalmihii tagey uu noqdo mid qal-qal galey, waxaa taa ka sii daran oo arinta sii murgiyay kadib markii ay Ciidanka Xabashida oo wata Maleeshiyo beeleedyo/Qab-qableyaal ay ka soo tilaabeen Xaduud-beenaadka Xabashidda iyo Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Gobolka lagu soo daabuley Jabhaddo Ciidanka Dowlad ku sheega lagu sheegay ayna soo tabobartey Xabashida kuwaas oo loogu tallo galey inay dagaal la galaan Al-shabaab-Mujaahidiin iyo Xisbul-Islaam oo is-kaashi ka dhexeeyo.

Dhanka kale Maamulka Islaamiga ah ee Maxaakiimta Gobolka Hiiraan ayaa loo maleynayaa inay soo galitaanka Xabashida aad uga soo horjeedaan, Maxaa yeelay iyaga iyo Xabashida waxaa dhex marey dagaal qaraar muddo ka yar 7bilood ka hor, dagaalkaas oo Xabashida loo gaystey dhibaato farabadan. Sidaa awadeed ay Xabashidu Beled-wayne soo galaan waxay u badan tahay inay qab-qabtaan Mas'uuliyiinta Maxaakiimta ee dagaalka la galey. Waana sababta ugu wayn ee keeni karta inay iscasilaan Mas'uuliyiinta Maxaakiimta Gobolka Hiiraan.

Wargeyska QORAX

No comments: