November 9, 2009

QARAMADA MIDOOBEY: Dambiyadda ay Dalka ka wado, iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed oo Mushaar yar ka door biday waxkasta.

URURKA QARAMADDA MIDOOBEY: Tan iyo markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya, Hay'adha Qaramada Midoobey waxay Dalka Soomaaliya ka wadey howlo inta badan lagu sheegu inay yihiin qaar bani-Aadannimo ah, laakiin xaqiiqda, inay QM Dalka Soomaaliya ka wado ficilo lagu tilmaami karo Dambiyo iyo Qowleysatonimo. Qaramadda Midoobay (QM) waxay waligeed u adeegtaa danaha reer Galbeedka shaqooyinka ay Soomaaliya ka hayso dhanka siyaasada waa inay Kaalmeyso Dagaal-oogayaasha, Dambiilayaasha iyo Qabaa'ilada hadafkoodu yahay kala qaybinka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Dowlad (ku sheegta) ay Qaramada Midoobey aqoonsan tahay waxaa isku baheystay Dagaal-oogayaashii, Burcadii, Jaajuusiinta iyo Qofkastoo Mabaadiida qabyaaladu ku wayn tahay. Hadaba Maadaama hadafka UNtu yahay burburinta Qaranimada Soomaaliya, QM iyo Hay'adaheedu waxay taageeraan Kooxda Jabuuti ee Dowlad ku sheegta ah.

Dambiyadda ay Qaramadda Midoobey ka wado Soomaaliya waxaa ka mid ah iyagoo kooban.

Taageerida Dagaal-Oogayaasha, Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya.

Taageero ay siiyo Dowladaha dambiyadda dagaal ka gaystay Dalka (Xabashida, Uganda, Burundi iyo Kenya) iyo inay u fududeysay duulaankii waxashnimada lahaa ee ay Xabashidu Dhulkeena ku soo qaadey 2006dii , duulaankaas oo lagu dilay in ka badan 17,000 halka daawaca uu ka badnaa 25,000 sidoo kale waxaa barakacey ugu yaraan 750,000 oo qof, Dadkaan oo wali intooda badan ku jira Xerooyinka loo qaxey ee ku yaal duleedka Muqdisho
Waxaa la yaab leh iyadoo ay jirto dambiyadda QM iyo Reer-galbeedka hadana Dhamaan Aqoonyahanka/Saxaafadda Soomaaliyeed intooda badani waxay iska indha tiraan Dambiyadda ay ka wado Qaramadda Midoobay Dalkeena.

AQOONYANKA OO SHAQOOYIN: Ururka Qaramadda Midoobey iyo reer Galbeedka waxaa ku filaan waayey dambiyadda ay ka galeyso Shacabka Soomaaliyeed ee dalka ku sugan, Hadda waxay u soo jeesatey inay Dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga iyagana dambi laga gallo , Maalin dhow waxay QM iidheh/xayeysiis u sameysteen ee leeyihiin waxaan u baahan nahay Aqoonyahano ay Shaqaaleyno oo howlada dambiga ah ee aan Soomaaliya ka wadno aan kala kaashano.

No comments: