November 8, 2009

SOOMAALIDA KENYA: ku hoos nool oo dhalintooda Jabhadnimo si qasab/sasabo ah logu tabobarayo



Barnaamijkaan waxaa wata dabcan Dalka Mareykanka iyo xulufadiisa wuxuuna ka mid yahay Mashruuca Ciribtirka Islaamka laakiin loogu yeero la dagaalanka argagixisada, Mashruucaan Caruurta iyo dhalinyaradda lagu tabobaroyo waxaa qarashka bixinaya Hay'adda Qaramadda Midoobey (UNDP) qaybta isku sheegta Barnaamijka Horumarinta., Dowlada Kenya maadaama ay ka mid tahay Dalalka xulufada la ah reer Golbeedka (Dal uu wali gumeysto Ingiriiska) waxay ogogolaatey in howshani la wado wax wada-tashi iyo tallo iyadoon waydiin Ummadda Soomaaliyeed ee awalba gumeysiga isaga jiray.


GARRISA: Magaala-madaxda Gobolka Soomaaliyada ee Kenya ku hoos nool, waxaa dhowaan ka socdey in dhalinyarada Gobolka Waqooyi bari loogu yeero iyo qaar Soomaaliya dagaalada ka soo qaxey la aruurinaayo si Jabhadnimo loogu tabobaro!.

Sida warbixinta ku cad xitaa Duq-Magaalaha Garriso ayaa ka qayliyey dhacdadan Caruurta iyo dhalinyaradu lagu afduubtay/sasabtey.

"Anaga, Soomaaliya kama mid nihin, Dalka Kenya waxaan ka nahay Xuquuq-laawayaal meel aan aadno iyo waxaan sameyno ma naqaan"





No comments: