April 7, 2010

ABWAAN ABSHIR BACADLE: oo ka hadley xasuuqa Ciidanka shisheeye (AMISOM).

MUQDISHO Soomaaliya: Waxaan horey u maqalney (QAYLO-DHAAN iyo Waayaha-cusub) iyo Fanaaniin Soomaaliyeed oo ka cabanaaya Halgamayaasha Dalka (Alshabaab iyo Xisbul-Islaam) kuwaas oo curiyay HEESO cabasho ah oo ay ula jeedaan walaalaha Soomaaliyeed ee difaaca Dalka heeganka ugu jira una dhimanaaya. waxayna marwalba iska indha tiraan oo caadi la ah xasuuqa-Caalamiga ah ee ay Ciidanka calooshood-u-shaqeysatada ah ee AMISOM ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.
Halka ay hadli lahaayeen Dadkooda la xasuuqaayo waxay shilimaad yar ka qaateen Cadowga Ummadda soomaaliyeed markaasey dacaayad iyo Idaacadba u sameeyaan, waxay caadi ansixiyeen xasuuqa AMISOM iyo dhibka uu cadowga Soomaaliyeed ku hayo Ummadeena.

Nasiib wanaag waxaa markii ugu horeysay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Xamar har iyo habeen ay AMSOM ku xasuuqdo u hadley Abwaanka Soomaaliyeed ee Abshir Bacadle, wuxuu noqon doonaa Abwaan ama Hobolkii u horeeyay ee u hadley U hadley Ummadda Soomaaliyeed.

No comments: