April 5, 2010

FAALO: Kooxda Mooryaanta Goboladda dhexe (Ahlu Sunna la baxay) heshiiskii Dowlad ku sheegta ka dib!

DHUUSO-MAREEB Gobolka Gal-Gaduud Soomaaliya. Wararka ka imanaaya Gobolka Galgaduud/Mudug waxay xaqiijinayaan inay dagaalo beeleed  isbada joog ah ka soconayaan. dagaalaan  oo u dhexeeya Beelo ama qabaa'ilo Soomaaliyeed oo Gobolka wada degen. Meelaha ugu daran waa Tuulooyinka Camaara/Bacaad weyn
iyo Bali-dhiig oo iyadana dhowaan oo ka bilowday dagaal u dhaxeeya laba Beelood. beelahan maanta dagaalka isku bilaabay ayaa dhamaan ka tirsanaa Isbaheysigii Kooxda Mooryaanta G/dhexe (Ahli Sunna la baxay) ee uu Milez Zinaawe Aas-aasey.

Waxaa iswaydiin leh maxaa keenay dagaalka waqtigan xaadirka ah ? Labadii bilood ee tagey Milez-Zinaawi (dhiigyacabka taladda u haya Xabashida) oo marwalba heelan inuu huriyo ka huriyo dagaalo sokeeye Dalkeena ayaa keenay qorshe ah in Kooxda Mooryaanta Gobolada dhexe (Ahlu Sunna la baxay)qayb laga siiyo Dowlad ku sheegta uu Sh Shariif madaxda ka yahay. arintaas waxay dhalisay qiaaf soo kala dhex galay Mooryaanta Goboladda Dhexe (MGDda), kaasoo markii dambe keenay inay Ciidamadoodii kala gurtaan ay u kala baxaan (MGD) Guriceel iyo (MGD) Caabud-Waaq. Xaaladu waxay maanta mareysaa meel xun taas waxaa ka sii daran in Xabashidu hub iyo rasaastii ay isku dili lahaayeen ay diyaar ula tahay.

TAARIIKHDA XABASHI LAGU BARTEY

1996-2001kii waxaa Gobolka Gedo ka dhacey arin midaan oo kale ah, Markii hore waxay Xabashidu isku dirtay SNF iyo Itixaad, markii dambana SNF dhexdeedii ayay Jiffo-Jiffo iskugu aad aadisay. wayna isku baabi'isay  ilaa markii dambe ay Xabashidu bilowday inay Canshuur ka qaadato Dadka Gobolka.

Shaki kuma jiro Soomaali kasta oo Xabashi Caabudda ama Saaxiib ka dhigta inuu aaqirka qasaari doono, waayo Xabashi waa Cadowga Ummadda, Diinta iyo Dalka Soomaaliyeed.

No comments: