October 11, 2009

CIIDAN XABASHI AH: oo soo galey Tuulooyin ku dhow Beled-Wayne.

BELED-WAYNE SOOMAALIYA: Warar rasmi ah ayaa sheegaya in Ciidan Xabashi ah oo cusub ay xadka ka soo tilaabeen. Ciidankan gumeystaha ah ayaa si toos ah u galay ilaa sadex Tuullo oo dhanka Waqooyi-Galbeed ka jira Magaallo-madaxda Gobolka Hiiraan ee Beled-wayne.

Markii ay Ciidanka Xabashidu soo galeen waxay markiiba bilaabeen in ay qafaashaan dhowr Dhalinyaro ah oo ay u maleeyeen inay Islaamiyiinta ka mid yihiin ama ay la jiraan. waxaa kaloo la sheegayaa inay boobeen hanti ay wateen Dhalinyaraddaas ay qafaasheen. Ciidanka ayaa la sheegay inay wateen dhowr baabuur oo ah kuwa Uraalka loo yaqaan iyo qalab kale oo ciidan. Sidaas waxaa sheegay Odey ku sugan Tuulooyinka ay soo galeen oo la yiraahdo Maxamuud Guure.

Waxaa markiiba cabsi aan la soo koobi karin soo wajahdey Shacabka ku nool Tuulooyinkaas, maadaama ay ogyihin in Xabashidu leedahay dhaqamo xun xun oo waxashnimo ah.

Ilaa iyo hadda kuwa Dowlad ku sheegta ah kama hadlin, sababtoo ah waxayba maqaarsaar u yihiin Xabashida oo ay mar walba ka sugaan in Ciidankooda u soo tababarto. Ciidanka Xabashida markii horeba waxay ku sugnaayeen Degmadda Kalabeyrka halkaas oo ay ku ilaaliyaan Tuugadda Gobolka sida Daba-geel iyo Garaaso.

Wargeyska QORAX

No comments: