October 14, 2009

AMISOM: HADDII AAD IS DIFAACDAAN waxaan xasuuqeynaa Shacabkina Suuqa Bakaaro jooga,waana inkireynaa!

MUQDISHO SOOMAALIYA: Ciidanka AMISOM (calooshood u shaqeytayaasha) ee u soo shaqo tagey inay xasuuqaan shacabka Soomaaliyeeed, waxay dafireen xasuuqii u dambeeyay ee ay ka gaysteen Suuqa-Bakaaro!. Afyaheenka AMISOM oo lagu magacaabo Beenaale Bhuko ayaa diida/inkiray inay Ciidankoodu ka masuul yihiin duqeyntii ula kaca aheyd ee ay u gaysteen Suuqa Bakaaraha, Xasuuqaas waxaa inta la ogyahay ku naf waayey ilaa 30 Qof oo shacab ah, halka tiro 70 qof ay ku dhaawacmeen.


"Maya Anaga ma aha dilka/xasuuqa cidda gaysatey, Waa kuwa nala dagaalsan. waxay (Al-shabaab) nagu soo rideen madaafiic, ka dibna waxay sidoo kale ku tuureen Suuqa-Bakaaro iyaga ayaana gaystey xasuuqa ! ka dibna waxay shacabka u sheegaan inay AMISOM tahay cidda duqeynta ka dambeysa"
Ayuu dhahey beenaale BHUUKO.


Waxaa jira barnaamij dhawaan laga soo sameeyay Howlgalka AMISOM, waxaad ogaaneysaa in Ciidanka AMISOM ay u arkaan Suuqa Bakaaraha bartilmaameed ciidanka halgamayaasha diidan joogitaankooda, Mid ka mid ah Askartooda ayaa si cad u leh, Waa meeshaas halka Madaafiicda laga soo tuuro, isagoo waliba carabka ku dhuftay Suuqa Bakaaraha, waxaa kaloo arkeysaa nin cadaan (gumeystaha) ah oo tababar siinaya AMISOM oo leh waa inaad toogataan Dadka idinka soo horjeeda/shacabka !(Hoos ka daawo Barnaamijkaas xiisaha badan !)


Sida xaqiiqda ah waxa shacabka marwalba xasuuqa AMISOM (calooshood-u-shaqeytayaasha) oo taasi su'aal kama taagna laakiin waxay Dadka Soomaaliyeed/Muqdisho iswaydiinayaan sababta keentay in xasuuq shacabka waliba looogu darey inkiraad. Ciidanka AMISOM waxay u kireysan yihiin Dowladaha gumeystayaasha ah ee Mareykanka iyo Ururka Midowga Yurub sababta ay u joogaan Dalkeena waa inay hirgaliyaan ama Dhisaan Dowlad iyaga u adeegta, sidaa awadeed waxay haystaan taageero dhaqaale iyo mid ciidan, waxaa kaloo jira in Idaacadaha reer Galbeedka ee waaweyn dhamaantood ay markasta qariyaan tacadiga iyo xasuuqa ay AMISOM ku hayso shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku sheega AMISOM ciidan nabada ilaaliya.

HADII AAD IS DIFAACDAAN SHACABKIINAAN XASUUQEYNAA ! halku dhiga AMISOM !

Nasiibdaro: Dadka Soomaaliyeed waxay ku kala qaybsan yihiin sababta keentay in Dhulkooda loogu yimaado hadana si waxashnimo leh Madaafiic loogu tuuro meelaha ay Dadku isugu yimaadaan sida Suuqyadda waaweyn oo kale iyo waliba Degmooyinka Muqdisho ee dadka yari ku sii nool yihiin !, iyo waliba joogitaanka ciidanka colooshood-u-shaqeysatada ah ee AMISOM.

Qaybta koowaad: oo u badan taageerayaasha Dowlad ku sheegta waxay leeyihiin duqeynta/xasuuqa AMISOM (calooshood-u-shaqeystayaasha) waxaa u sabab ah xooggaga (Al-shabaab/Xisbul-Islaam) oo marwalba hoobiye ama madfac ka tuura goobaha dadweynaha ee ay Amisom duqeyso, waxay leeyihiin haddii aan AMISOM lala dagaalin/hoobiye lagu tuurin shacabka ma ay xasuuqeed ! waxay su'aashu tahay Maxay u joogaan Dalkeena ? ma Dalkey wax ku leeyihiin Amisom ? Yay u shaqeeyaan ? ma nadab bay ilaaliyaan mise dagaal ayey kula jiraan Islaamka ? Jawaabaha su'aalahaas aqristoow bal adiguba raadi.

Qaybta labaad: oo ah inta badan waxay aaminsan yihiin in haddii AMISOM dalka isaga baxdo dagaalku dhamaan lahaa, haddii ay didaana ay xaq u leeyihiin inay Dalkooda/diintooda difaacdaan, ayna la dagaali doonaan, waxay aaminsan yihiin joogitaanta AMISOM inuu sabab u yahay in la weeraro iyaguna ay shacabka xasuuqaan si shacabka iyo halgamayaasha la isaga horkeeno.

Dhacdadii Xasuuqa Bakaaro iyo Jidka Maka-Almukarama oo warbixin muuqaal ah hoos ka daawo, si aad u ogaato dareenka Shacabka ee ku aadan xasuuqa. Iyo waliba in Ciidanka AMISOM ay si bareer ah ugu laayaan Shacabka maalin cad Jidadka Muqdisho.



Inkastoo ay jirto kala qaybsanaanta Ummadda Soomaaliyeed, waana hubaal inuu cadowgu ka faa'iideystay arintaas isla markaana ay dadkeena si xaq-daro ah u xasuuqaan ! sababta loo xaquuqayo ay tahay kaliya ha isdifaacina, isma difaaci kartaan ! haddii qaar idinka mid ah ay nala dagaalamaan waxaan dilaynaa/xasuuqeynaa shacabkiina tabarta daran. Waxaa kaloo jira in ciidanka AMISOM ay Dalka la yimaadeen Doomo Ciidan kuwaas oo naftii Alle u keenay Kaluumeystada gaar ahaan nawaaxiga Xeebta Muqdisho, maalin sii horeysay waxay laayeen Kaluumeysato ilaa sadex ah , waxayna burburiyeen Doomihii Kaluumeysatadaas iyagoo leh maxaad noogu soo dhawaateen ! Waa cajiib Askari ka yimid Uganda iyo Burundi inuu maanta Xeebta Muqdisho ka ilaaliyo Kaluumeysatadii Dalka laheyd.

Waxaa kaloo hubaal ah in xasuuqa ay AMISOM (calooshood-u-shaqeysatada) wado uu sii socon doono haddii aan la iska qaban/difaacin, aakhirkana Dhulkeena noqon doono meel lagu tababaro Ciidan Afrikaan ah oo gumeystaha Mareykanku/reer Galbeedka u shaqeeya, Maanta waxaa Ummadda Soomaaliyeed la gudboon kaliya inay u midoobaan difaaca Dalkooda,Dadkooda iyo Diintooda, kana soo horjeestaan xasuuqa ay gaalladu ku hayso Ummadda Soomaaliyeed ee loogu yimid dhulkooda hooyo.. waxaa iska cad in laga gardaran yahay Ummadda Soomaaliyeed xaqna ay u leeyihiin inay isdifaacaan ilaa inta ay ka xoroobayaan (Insha-Allaah).


Wargeyska QORAX

No comments: