October 1, 2009

SHARIIF: oo Dhalan-teed u jooga Mareykanka halka Shacabkii ay AMIISOM ku xasuuqeyso Muqdisho

WASHINGTON DC: Madaxweynaha Kooxda Jabuuti lagu soo sameeyay ayaa Dalka Mareykanka u yimid baashaal/Dalxiis iyo isbarasho isaga iyo Masuuliyiinta ama Dadka daneeya la dagaalanka Islaamka ee Mareykanka ah.

Shariif wuxuu ugu horeyntii safarkiisa ka bilaabey hadal uu ka jeediyay Xarunta Qaramadda Midoobey wuxuuna halkaas ka jeediyay hadal dheer oo aad iyo aad u waafaqsan sababihii loo soo dhisay Dowlad ku sheegta. waxaana ugu mihiim sanaa hadalkiisa.

  • In Dowlad ku sheegiisa laga qaado cunnaqabateyta ay QM saartey Dalka Soomaaliya, si fursad loo siiyo Maleyshiyaadka u daacada ah la dagaalanka iyo cirib tirka Kooxaha Islaamiga ah ee hadda Soomaaliya inta badan maamula gaar ahaan Ururadda Al-shabaab iyo Xisbul Islaamka.

  • In loo soo dedejiyo lacagtii ay Dowladaha reer Galbeedku ku deeqeen kooxdiisa ee loogu tallo galay in lagula dagaalo kooxaha Islaamiyiinta ah. wuxuuna sheegay inay ilaa hadda wax yar ka soo gaartey.
Shariif wuxuu u sii dhaadhacey Magaaladda Washington DC oo ah caasimadda Dalka Mareykanka, wuxuuna kulamo kala duwan kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed Washington iyo waliba Hay'adaha Sirdoonka ee Mareykanka halkaas oo uu ku siiyay war bixino xasaasi ah.

Halkan ka Dhageyso waxbixinta oo Af soomaali ah

Sidoo kale war-bixinta uu siiyay Hay'adaha (Sirdoonka) Mareykanka ah oo Afka Ingiriiska lagu turjumay halkan ka Daawo:



Shariifka marna ma soo qaadin xasuuqii ay Xabashidu ka gaysatey Dalka 2006 ilaa 2009ka, xasuuqan oo uu Mareykanku soo abaabuley dhaqaalaha iyo farsamadiisana isagu lahaa. laakiin wuxuu u muuqdaa mid ku socda jahwareer/qorshihii Qab-qablihii isaga ka horeeyay ee C/laahi Yuusuf wuxuuna Mareykanka ka doonayaa kuwo la moodo qaar u eg wixii ay Xabashida iyo xulufadeedu ku guul dareysteen, waxaana laga xusi karaa.

  • In cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay Dalal kale ugu soo duulaan Dalkeena kuwaas oo maanta ku shaqeeya Magaca AMISOM ama Midowga Afrika oo ay ku jirto Xabashidu.
  • In Kaalmo dhaqaale la siiyo Kooxdiisa si ay ula dagaalaan Kooxaha Islaamiyiinta ah (Al-shabaab iyo Xisbul Islaam) Kaalmadii hore loogu yaboohayna loo soo dedejiyo taas oo dhameyd 200 Milyan oo Dollar laakiin inta badan la siiyo Ciidanka AMISOM ee dalka ku soo duulay!.
Shariifka ayaa ku calaacaley in Bulshadda caalamku si buuxda u taageerto si looga hortago Argagixisadda, wuxuuna sheegay haddii aan quwad wayn lagaga hortagin inay halis ku yihiin Caalamka oo dhan. Waxay u egtahay in Shariifku ku jiro riyo ama dhalanteed uu u haysto Mareykanku inuu Caalamka isagu leeyahay oo kale, waxaa kaloo hadalasiisa ka muuqata in xalka Soomaaliya uu gacanta Gaallada ku jiro, laakiin sida ay Ummadda Soomaaliyeed wada ogtahay dhibka Soomaaliya ka jira waxaa ka mas'uul ah faragalinta ay ku hayaan Shisheeyaha ayna ku doonayaan in ay dusha ka saaraan Dowlad ama Kooxo tuugo ah oo aan wax maslaxad ah u haynin Ummadda iyo Dalka Soomaaliyeed.

Shariif iyo Kooxdiisa tuugadda u badan ayuu Mareykanku ku sheegaa inay yihiin rajadda kaliya ee u dhiman Ummadda Soomaaliyeed. waxay u egtahay inay xayeysiis ugu jiraan hagardaamooyinka ay ku hayaan Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyagoo ku soo dhuumanaaya la dagaalanka argixisadda/Islaamka halka dhabtu tahay inay iyagu argagixiso ku yihiin Ummadda Soomaaliyeed, waxaana cadeyn u ah sida ay Ciidanka AMISOM ee uu Mareykanku soo kireystay ay ugu xasuuqaan Shacabka Soomaaliyeed maalin kasta.

Wargeyska QORAX

1 comment:

Anonymous said...

I read about it some days ago in another blog and the main things that you mention here are very similar