October 11, 2009

GOBOLKA SOOMAALIDA: ee Kenya oo laga wado Tababar Jabhado Beeleed.

GARISSA: Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay Kenya gumeysato waxaa bilihii u dambeeyay ka socda in dhalinyarada Gobolkaas la aruuriyo, waxaa la sheegayaa in dhalinyaro badan laga waayey Magaaladda ugu wayn Gobolka ee Gaarisa taas oo walwal badan galisay Dadka ku nool Gobolkan.

Dhalinyaradan ayaa loo furay tabobar Ciidan ama Jabhadnimo, wuxuuna waqtigan xaadir ah ka soconayaa Magaalada Mombasa Kenya. Nin ka mid ah Xildhibaanada Kenya oo Soomaali ah ayaa sheegay in arintani tahay mid qatar ku ah Dalka Kenya waayo haddii aan la safatid Kooxaha Soomaaliya isku dagaalayo waxaad ka mid noqoneysaa Dagaalka Soomaaliya.


Dhalinyaradan tabobar u socdo ayaa lagu wadaa inay iyagoo Magaca Dowlada Shariifka wata inay duulaan ku ekeeyaan Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka iyo Gedo... Wiil ka mid ah dhalinyaradaan isagoo Sawaxili ku hadlaaya wuxuu dhahey

"Haa waa run tabobar ayaan ku jirnaa, waana sax waayo Anaguba Soomaali waa nahay"

Halkan ka daawo Filim ku saabsan arintan, waxaad ku jira Nin Kenyanka dhabta ah oo leh waxba kama ogin arintaan kaasoo Labiska Ciidanka Booliska xiran... Waa su'aale yaa dhalinyarada Mombasa ku tabobaraaya ? Ma dhici kartaa inuu Mareykanka yahay? Haa waayo isaga ayaa colaada Dalka ka jirta jecel in ay waligeed socoto.


Wargeyska QORAX

No comments: