September 24, 2009

BELED-WAYNE IYO KISMAAYO: Wararkii u dambeeyay !

WAR LAGU FARXO.

BELED-WAYNE Soomaaliya: Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan Soomaaliya, Sheekh C/raxmaan Ibraahim(Macoow) ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay la midobeen Ururka Mujaahidiinta ee Xisbul-Islaam. Gudoomiyaha ayaa dhowaan isaga baxey Dowlad ku sheegta ay Xabashidu soo dhisatay.

Sh Macoow Gudoomiyaha Gobolka hiiraan oo ah Hogaamiye la soo halgamey Xabashida/Cadowga Dalkeena ku soo duulay 2006dii ilaa 2009ka, ayaa sheegay in Magaalada Beled-wayne ay si buuxda u maamulaan Halgamayaasha Xisbul-Islaam

WAR AAN FIICNEYN:

KISMAAYO Soomaaliya: Maalmihii la soo dhaafey waxaa Magaaladda Kismaayo ee Gobolka J/Hoose laga soo sheegayaa warar ah in qilaaf uu soo kala dhexgalay Ururada Xisbul-Islaam iyo Al-shabaab Mujaahidiin. Qilaafka ayaa sida cad ah mid ku saabsan Maamulka Magaaladda Kismaayo. Kismaayo waxaa ka jira Maamul u gaar ah oo awal ay ku mideysnaayeen labada Xisbi/Xarako, laakiin Xisbiga Islaamka ayaa Maamulka diiday ka dib markii xubno ka mid ahaa ururkooda ay ku bireen Al-shabaabka.

Magaaladda Kismaayo oo ah meel ay ka jirto damaaci qabiil oo taariikh u leh in la isku garbiyo, ayaa noqotey meesha ugu nabad wanaagsan Koonfurta Soomaaliya intii uu jiray Maamulka Islaamiga ah ee hadda ka jira muddo sanad iyo dhowr bilood ah.

Sh Xasan Turki oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Ururka Xisbul-Islaam oo maanta wareysi bixiyay ayaa ku nuux nuuxsadey in Maamulka iminka ka jira Kismaayo aanu waafaqsaneyn isagoo tilmaamey inay balantii ka baxeen ka dib markii ay Maamulka Kismaayo isku koobeen Al-shabaab.

"Haa ma waafawsani Maamulka hadda ka jira Kismaayo, laakiin waxaan rabaa in qilaafka aan xal u helno oo walaalaha mujaahidiinta la mideeyo"Ayuu yiri Sh Xasan Turki.

Arintan ayaa ah Mid caqabad ku noqon karta halganka loogu jiro difaaca Dalka, oo laga yaabo inay keento isdhac guul daro ku dhamaan doonaa haddii aanu caqligu shaqeyn. Dad badan ayaa la yaaban sababta ay labada Xisbi ee Al-shabaabka iyo Xusbul Islaam ay u midoobi waayeen. Waxaan wada ognahay inay dhanka Ciidanka si wada jir ah u howgalaan laakiin maxay tahay sababta ay dhanka siyaasadda u midoobi waayeen! Waa arin dadaal badan u baahan.

Wargeyska QORAX

No comments: