September 18, 2009

HESHIIS: Dhex marey Maamulka Maxaakiinta G/Hiiraan iyo Al-Shabaab/Xisbul Islaam.

BELED WAYNE: Gobolka Hiiraan Soomaaliya. Waxaa dhowaan isbedel dhanka siyaasadda iyo mid Ciidanba uu ka dhacey Gobolka Hiiraan ka dib markii uu Gudoomiyada Gobolka Sh C/raxmaan oo loo yaqaan Macoow uu sheegay inuu kalsoonidii kala laabtey Dowlad ku sheegta ay Xabashidu soo abuuratey.

Kala noqashada kalsoonida ayaa timid ka dib markii uu Sheekhu indhahiisa ku soo arkey dhaliisha iyo kala daadsanaanta ay Kooxdan Dowlad ku sheegta ahi leedahay. Wuxuu sheekhu sheegay in Kooxdani tahay magac u yaal ay cadowga Soomaaliyeed iyo kan Muslimiintuba u soo dhisteen inay ku hor istaagaan nabad iyo Dowladnimo ka dhalata Dalkeena Hooyo.

Isla markii uu kalsoonida kala noqdey wuxuu sh Macoow bilaabey inuu xiriir toos la yeesho Xooggaga xaq u dirirka ah ee Xisbul-Islaam/Al-shabaab. hadaba xiriirkaas uu la sameeyay waxaa ka dhashey isfahan labadda dhinac ah, waxay labada dhinac ku heshiiyeen in.

  • In si wada-jir ah Gobolka iyo Dalkaba looga difaaco Cadowga Soomaaliyeed/Muslimiinta, gaar ahaan Kooxda dambiilayaasha u badan ee la baxey Dowladda ee ay Xabashidu hubka soo siisay ama ha noqdeen Qab-qablayaasha (Dabageel) ama kuwa Suufiyadda ah ee la baxey magac beenaadka Ahlu sunna.
  • In Gobolka loo sameeyo Maamul Islaami ah oo la mid ah kuwa ka jira Goboladda kale ee Dalka sida kan Jubooyinka iyo Bay/Bakool si wada jir ahba loo wada maamulo.

Heshiiskaan dhex marey Maamulka Maxaakiimta iyo kan Al-shabaab/Xisbul Islaam isagoo sheekha ka hadlaaya wuxuu sheegay inuu sababey in Gobolku noqdo meel nadab ah tan iyo intii ay heshiiskaan galeen.

"Alxamdu Lilaah intii aan heshiiskaas galney, waad aragtaan in Gobolku noqdey meel nadab ah"

"Sidoo kale Sheekh Macow wuxuu codsadey in laga cafiyo falalkii ama howl-galadii uu Maamulku ka qayb qaatey intii ay ka mid ahaayeen Kooxda Dowlad ku sheega ah"Ayuu yiri Sh Macoow.(Geesi Alle ma xiro).

Waxaa xaqiiq ah in Reer Hiiraan nabad iyo wanaag badan uu u horseeday Sh Macoow,
laakiin waxaa jira in Dadka qaarkiis uu jaceylka Xabashku ku sii harey, taasoo ay aad uga xunyihiin nadadda iyo heshiiskaan ka dhacey Gobolka hiiraan. Dadkaas waxaa wali ku jiraQabkii iyo Jahligii Qabiilka waana la oran karaa waa dawaqsan yihiin. Laakiin waxaa iyadana hubanti ah in Shacabka G/Hiiraan ay waligood hormuud u ahaan jireen difaaca iyo wanaagga Ummadda Soomaaliyeed. Maasha Allaah. Haddii aan nahay Ummadda Soomaaliyeed waa inaan marwlaba garab istaagno Dadka inta Wanaagsan Gobolka kastoo Dhulkeena ah.

Wargeyska QORAX

No comments: