September 26, 2009

SAXAAFADA SOOMAALIYA: Maxaa la baraa Wariyeyaasha Soomaaliya ?

NAIROBI KENYA : Waxaa Dalka Kenya marwalba lagu qabtaa tabobar loo sameeyo Wariyeyaal ka yimid Dalka Soomaaliya dacaladiisa. Tababarkan waxaa dhaqaalaha bixiya hay'addo (Missionary) ka yimid Wadamada reer Galbeedka ah.

Hadaba tababarkan loo qabto wariyayaasha waxaa inta badan lagu baraa dhaqanka iyo himilooyinka ay Dowladaha reer Galbeedka/deeqda bixiya sida xuquuqda Insaanka (Sida ay iyagu u yaqaaniin) xoriyadda qowlka iyo waxyaalo kale oo ay ka mid yihiin in shuruucda caalamiga ah isla marka shacabka Soomaaliyeed la baro iyo in Shacabka aduunka uu yahay walaalo ama isku mid.

Waxaan la yaab leh in Wariyeyaasha la soo tababartey ay indhaha ka qabsadeen tacadigii iyo xasuuqii ay dalkeena ka gaysteen Ciidanka Xabashida 2006 illaa 2009 bilowgiisa. taasoo waafaqsan sida loo soo tababarey ama wax loogu sheegay. Shaqsiyaadkaan wax la soo barey waxay u dhaqmeen sidii in ay yihiin dad aan u dhalan Soomaaliya. oo waxay dhaheen Anagu waxaan nahay dhexdhexaad ! waa sida waxloo soo barey.

Wararkooda waxaa ka mid ahaa in ay Ciidanka Xabasida ku tilmaami jireen inay Dalkeena u joogaan inay caawiyaan Dowlad ku sheegta ay Xabashidu gacanteeda ku soo dhisatey, waxayna mar walba iska insha tiraan in Xabashida ama Ciidanka AMISOM ay dalka ku soo duuleen isla markaana ay tacadi iyo xasuuq Dalka ka gaysteen.. Waayo waxaad ogtihiin in Wariyeyaashaani loo soo tababarey inay Shuruucda Aduunka (New World Order) markasta raacaan !. Maadaama ay tababarka ka dib loo qoro Mushaar bil kasta, haddii ay jabiyaan heshiiskana laga jari doono mushaarkaas.

Arimaha tabobaradda ah ee Nairobi ka socda kaliya kuma eka Wariyeyaasha si Shacabka Soomaaliyeed ra'yigooda loo qaldo, laakiin waxaa kaloo jira tabobaro ku saabsan dhinacyo badan sida Waxbarshadda, Caafimaadka iyo arimo kale oo ay ku jirto in la gaaleysiiyo Ummadda Soomaaliyeed.


Wargeyska QORAX

No comments: