June 21, 2009

DOWLAD KU SHEEGTA: oo asbaabihii loo soo dhisay la soo baxdey

MUQDISHO SOOMAALIYA: Maalintii shaley oo ay taariikhdu ahayd 06/20/09, waxaa soo ifbaxey ujeedooyinkii awalba loo soo dhistey Dowlad ku sheegta uu hormuudka u yahay Shariif Sh Axmed oo sida iska cadaatey markii hore Ummadda Soomaaliyeed ku qalday wadaadnimo ama inuu yahay shaqsi daacad ah, iyo hadal macaani lagu ogaa waqtigii Maxkamaddaha Islaamiga ah.

Gudoomiyaha Baarlamaan ku sheega Dowladda Doofaarey 2, oo lagu magacaabo Aaden Madoobe ayaa af labadii yeeray shaley isagoo u ekaa in malakumoodkii soo ag joogsadey wuxuuna yiri .

"Waxaan Codsaneynaa inay Dowladaha dariska ah ay noo soo gargaaraan gaar ahaan Kenya, Xabashida, Jabuuti iyo Yemen, haddii kale waxaa Dalka la wareegi doonaa kooxo argagixiso ah oo marka dambe qal-qal galin doona dhamaan Gobolka geeska Afrika, waa sida uu hadlaye."

Hadalka Aaden Madoobe, waxaa laga dareemi karay inay Dowlad ku sheegto xaalkeedu yahay mid sakaraad ah, oo ku jirta maalmihii u dambeeyay taasoo u eg inay mar dhow burburi doonto.

Waxaa kaloo uu muujinayaa sidii awalba looga bartey DOOFAAREY 1 inay u yeeraneyso Xabashidda marka ay arkaan in laga nadiifin rabo dhulkeena hooyo, laakiin maanta Xabashi tabar ma haysaa ay ku gargaarto Doofaareey 2 oo ay ku jiraan dadkii awalba ay ku hungowdey iyo waliba wadaado uu dhex marey dagaalkii qaraaraa ee ay ku guuldareysatey.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed maanta u cadaatey in Dowlad ku sheegta ay tahay mid uu gumeystuhu awalba soo dhistey, waxaana ay Ummadda Soomaaliyeed u horseedeen burbur iyo barakicin aan hore loo arag taasoo waliba ay u sii yeeraneyso cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee dariska la ah Soomaaliya, Cadowgaas oo uu ugu horeeyaan Xabashida iyo Kenyaatiga awalba Dhulkeena hore u boobey.

Xabashida ayaa dalbatey in loo fasaxo ama bayaan cad ay u hesho galitaanka Dhulkeena, si ay iyadoo kaalmo ka helaysa Bulsho caalamka xag dhaqaalle iyo dhanka niyadaba, waxaa laga yaabaa inay taa ula jeedo in kaalmo dhaqaale lagu siiyo faragalinta cadowtinimadooda taasoo ay awalba ku kashifmeen.

Wargeyska QORAX.

No comments: