
Waxaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo lagu soo afjaray siminaar ku saabsanaa maamul wanaagga iyo culuumta shareecada islaamka kaasoo loo qabtay xubno ka mid ah maamulka islaamigaa ee ka arrimiya gobolka Gedo iyo xubno kale oo ka socday bulshada reer Gedo. Waxaa degmooyinka gobolka Gedo ka kooban yahay laga soo xulay dad ducaad ah iyo dad ka tirsan maamulka islaamigaa ee ka jira gobolka Gedo dadkaas oo caddakoodu gaarayey ilaa 40 xubnood.
Siminaarkaan waxaa soo qaban qaabiyey hayad samafal ah oo wadani ah oo lagu magacaabo Al-khayr taasoo kafaalo qaaday qarashaadka ku baxayey dadka ka qayb galay sinimaarkaas ee ka kala yimid degmooyinka gobolka.
Waxaa iyaduna gacan weyn ka geysatay fulitaanka iyo habsami socodka sinimaarkaan Jaamacadda Gedo oo iyada hoygeeda lagu qabtay sinimaarkaas. Jaamacadda Gedo oo astaan u ah fidinta cilmiga iyo horumarinta bulshada xag cilmi diineed iyo mid adduunyaba ayaa gudanaysa kaalinkeedii ay bulshada u haysay. Waxaa halkaas ammaan iyo bogaadinba uga soo jeediyey Jaamacadda Gedo dhamaan dhinacyadii kasoo qayb galay siminaarkaas oo ay ka mid ahaayeen, hayaddii soo abaabushay ee Al-khayr, maamulka degmada Baardheere, iyo kasoo qayb galayaaashiiba.

Waxaa xafladdii lagu soo afjaray siminaarka ka hadlay ugu horeyntiiba Gudddmiyaha hayadda samafalka wadaniga ah ee Al-khayr Sh. Xuseen Ismaaciil Cali kaasoo ballan qaaday inay har iyo habeenba u taagnaan doonaan wax u qabadka bulshada soomaaliyeed inta ay ka gaaraan ayna soo qaban qaabin doonaan siminaaro kale oo kuwaan la mid ah. Waxaa kaloo xafladdii xiritaanka siminaarka ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Gedo ahaana musharifka(kormeeraha) siminaarkaan Prof. Bashiir Cumar Ciise Nuunuule isagoo adkeeyey in Jaamacadda Gedo ay ka madax banaantay dhamaan ururada siyaasadeed, kuwa qabaa’ilka iyo kuwo diineedba islamarkaana uu waajib ka saaran yahay horumarinta bulshada xagga cilmiga, wuxuun.a mahad weyn huwiyey hayadda samafalka wadaniga ah ee Al-khayr kuna booriyey inay inaysan ka caajisin hawlahooda samafalka ah.
Hayadda Al-khayr waxaa kaloo ay magaalada ka wadaa biyo gelin la doonayo inay ka hirgasho degmada Baardheere taasoo looga kaaftoomi doono biyaha webiga ee kareetooyinka lagu keeno. Waxaa mar hore ka faa’iideystay qoysas badan oo ka mid ah dadka deegaanka Baardheere, waxaana qorshuhu yahay in muddo sannad gudahiisaa magaalada ku hesho biyo nadiif ah oo tubooyin laga cabayo.
Guddoomiyaha Al-khayr
Sh. Xuseen Ismaaciil Cali
No comments:
Post a Comment