June 24, 2009

XAALKA SOOMAALIYA: Prof Cabdi Ismaciil iyo Calooshiis-u-shaqeyste Bahukko

XAALKA SOOMAALIYA:
Ka dib markii ay Kooxda Doofaarey 2/DKMG ay dalbatey in si deg deg ay Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Xabashidu gurmad iyo gargaar u soo diraan 24saac gudahood. Waxaa soo baxdey in Kenya iyo Xabashidu ay ka biyo diideen codsigaas oo awalba ahaa mid jar-iskaxoornimo ahaa.

Markii lagu diidey in loo soo gargaaro ayaa waxay Kooxdani hadana ku dhawaaqdey ereyooyin u eg kuwo uu ka keenay saka-raadka siyaasadeed ee soo food saarey, Waxay ku dhawaaqeen Marshal-Law ama Amar-deg-deg ah.

Prof: CABDI ISMAACIIL SAMATAR.

Ka dib markii ay Kooxda Doofaarey2 ku dhawaaqdey Amarka deg-degga ah(Marshal Law) ayaa Prof Cabdi Ismaacvl Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed iyo waliba waddani dhaartey, wuxuu tilmaamey in Amar deg-degga ah ay sameyn karto Koox ama Dowlad Ciidan ku filan haysata.

Prof Cabdi ayaa sidoo kale ku tilmaamey qalad wayn dalabka ay Doofaarey 2 ee Ciidanka Xabashida, wuxuuna ka digay Ciidan shisheeye in uu markale soo gallo Dalkeena hooyo, Ugu dambeytii wuxuu ugu baaqey dhinacyadda isku haya Siyaasaddu inay wada-hadal iyo isku tanaasul ku dhameeyaan farqigooda siyaasadeed oo ay joojiyaan gacan ka hadalka.
BAHUKO OO SHEEGAY INAY AMISOM 20 Sannoo dambe sii joogayaan Dalkeena !.
Bahukko oo Afhayeen u ah Ciidanka-calooshood u shaqeystayaasha ah ee loo yaqaan AMISOM ayaa isagoo joogga Magaaladda London wareysi siiyay Idaacadda BBC laanta Af-Soomaaliga. Wuxuu ka hadley arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalka ka soo cusboonaadey Soomaaliya oo ay Kooxda Doofaarey 2 qarka u saaran tahay in laga cayriyo Dalka guud ahaantiisa.
Dalabka Ciidan kale ee ay kooxda Doofaarey 2 ma wuxuu cadeynayaa in laga yaabo in Ciidanka AMISOM ee hadda Dalka joogo la soo jiiri karo ? ayaa la waydiiyey Bahukko wuxuuna ku jawaabey been, isagoo ku jawaabey horta DFKG waa mid xaq ah, waxayna mar walba dalban kartaa kaalmo ciidan markii ay nafta u yaabto.
Mar wax laga waydiiyay in Ciidankoodu dalka isaga baxayo ayuu ku jawaabey, Horta Dalka waxaan ku joognaa amarka Afrikadda Midowdey, marka haddii ay na amraan inaan baxno waan baxeynaa, laakiin waxaan kuu sheegayaa inaad Dalka sii joogi karto 20 Sanno oo dambe, ilaa inta ay Shacabka Soomaaliyeed kaalmada u baahan yihiin ayuu yiri Bahukko.
Waxaa wax laga waydiiyay Madaafiicda ay shacabka ku garaacaan maalin kasta.
Wuxuuna si jees-jees ah ugu jawaabey,
Su'aashu maaha Madfaca shacabka lala dhacay ee waxaa haboon in la iswaydiiyo sidee xal siyaasadeed loogu heli karaa Dalkan.

Ciidanka AMISOM ayaa maalmihii tagey waxay madaafiicda goobta si ula kac ah ku asqeeyeen inta badan Degmooyinka Muqdisho. Madaafiicdan ayaa u sabab ah inay shacabka ka barakacaan Guryahooda iyo waliba waxyeelooyinka ugu daran ee shacabka haysta. AMISOM ayaa wada olole barakicinta shacabka taas oo ay uga golleeyihiin in la iska horkeeno shacabka iyo Halgamayaasha u taagan difaaca Dalka, Diinta iyo Dadkaba.
Wargeyska QORAX

No comments: