June 22, 2009

QAADAC DARIIQ: Afar wiil oo burcad ah oo la xukumay

MUQDISHO SOOMAALIYA: Dadwayne aad u fara badan ayaa isugu soo baxey goob ku taal Xaruntii Ciidanka ee Maslax, Halkaas oo uu ka dhacey Xukun afar Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay fal Qaadac-Dariiqnimo/burcadnimo kaasoo in muddo ah ay ku dhex jireen.

Afartaan will waxaa soo qabtey Xarakatul Al-shabaab Almujaahidiin oo inta badan gacanta ku haya Magaallada Muqdisho iyo sidoo kale koonfurta Dalka. Waxay eedaysanyaashan qirteen dambigaas burcadnimada iyo jid-gooyada ah.

Wiilashaan Xukunka lagu riday ayaa kala ah.

1)-Cali Maxamuud Cali Geedi.
2)-Jaylaani Max'ed Xaaji.
3)-Ismaaciil Khaliif Cabdulle.
4)-Cabdiqaadir Cadow Hiiraale.

Maxkamad Islaamiga ah oo uu Qaadi ka ahaa Sh Cabdi XAQ ayaa iyadoo la tixraacayo xukunka Islaamka Afartaa Dambiile ku xukumay in Gacan iyo Lug isdhaaf ah la gooyo mid walba.

Waxaa meesha lagu diyaariyay Dhaqaatiir loogu tallo galey inay dhiig joojin u sameeyaan, Laakiin Xukunkaas maanta laguma fulin Dhalinyaradaas dambiga burcadnimada ah gaysatey. Waxaa sidoo kale goobtaas qudbado ka aqriyey qaar ka mid ah Saraakiisha Hogaamisa Al-shabaab oo uu ka mid yahay Fuaad Shongolo iyo Sh Cali Maxamuud Xuseen oo ah Gudoomiyaha Xarakatul Al-shabaab Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir.

Wargeyska QORAX.

No comments: