June 22, 2009

KENYA: Ra'iisal Wasaare Raila Odinga oo arimaha Soomaaliya ka hadley

NAIROBI KENYA: Ra'aasal Wasaaraha Dalka Kenya oo uu garabkiisa bidix taagan yahay Cumar C/rashiid Cali (Ra'aasal wasaare ku sheega Kooxda Doofaarey 2) ayaa Maanta shir jaraa'ad ku qabtey xarunta Maalka (Treasury Office) wuxuu ka hadley arimaha ka soo cusboonaadey Dalka Soomaaliya.

""Waxaan aduunka/Bulshada caalamka ugu baaqayaa inay u gargaaraan Kooxda Doofaarey 2, Isla markaana ay Ciidamo deg-deg u diraan Dalka Soomaaliya"" Ayuu yiri Odinga.

Oodinga ayaa sidoo kale sheegay mar uu maalin dhow gaarey Geneva Dalka Iswiisarlaan inuu arkey Hay'addo gargaarka oo kala duwan, Waxaa uu yiri waxaan ka codsadey inay caawiyaan/gargaaraan Kooxda Doofaarey 2 iyo guud Dadka Soomaaliya. gaar ahaan qaxootiga ku qul-qulaaya Dalka Kenya. Mar la waydiiyay in Kenya ay Ciidankeeda galinayso Dalka Soomaalya ayaa ka gaabsadey,

"Dowladda Kenya way ka fiirsaneysaa, mar dhow ayeyna go'aan ka gaari doontaa ".Waan la soconaa in Dalka Soomaaliya ay joogaan Ururka Al-qaa'ida ayna taas qatar ku tahay guud ahaan geeska Afka" Ayuu yiri R/Wasaare Odinga.
R/Wasaaraha Kenya ayaa ka meer-meeray inuu jawaab ka bixiyo baaqii dhowaan ka soo yeeshay Halgamayaasha Al-shabaab Mujaahidiin ay uga digtey faragalin ay ku sameyso arimaha Soomaaliya. "" Aniga waxba ka waydiin maayo Al-shabaab sidii loo hakin lahaa Qaxootiga Soomaalida ah ee Dalka Kenya ku soo qul-qulaaya " Ayuu ku jawaabey Odinga.

Wuxuu kaloo sheegay in uu jiro Mucaahaddo u dhigan Ururka Afrika ama IGAD oo ka reebeysa inay Kenya u dirto Ciidan Wadan kale oo Afrikaan ah, Isagoo ku marmarsiyoodey inay tahay taa waxa ka reebay Kenya inay maanta Ciidankeeda u dirto Soomaaliya. Laakiin wuxuu ka digay QATARTA Kenya soo foodsaari doonta haddii buu yiri Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam ay la wareegaan Magaala madaxdooda Muqdisho.

Shirka uu qabtey Odinga wuxuu ku soo afjarey, in Xeryaha Qaxootiga ay sii balaarteen isla markaana loo baahan yahay in si uun xal loogu helo arinta Soomaaliya, Sidoo kale wuxuu yiri in xalka kama dambeysta ah ay u taal Dadka Soomaalida oo ay tanaasulaad sameeyaan dhinacyada isku haya Dalka Soomaaliya.

Inkastoo Odinga si toos ah u sheegan/shaacin hadana waxaa jira in wararku ay sheegayaan in Maalmihii la soo dhaafey Kenya ay soo dhoobtey Ciidan fara badan Xaduud-beenta ay la leedahay Dalka Soomaalya, waxaa loo badinayaa in Kenya laga iibiyayama Lacag ay ku soo qaateen duulaan ay ku soo qaado Dalkeena hooyo, maadaama ay Xabashidu faraha kaga soo gubatey ka dib markii kaligeed ay 2006dii ay duulaan ku qaadey Dhulka barkeysan ee Soomaaliya.

Wargeyska QORAX.

No comments: