June 21, 2009

XARUN XANAANADA: Waayeelka oo laga furey Kismaayo

Kismaayo Soomaaliya:
Axad, 21, June, 2009 (HOL) Xaruntaan loogu yeeray ALKHAYRAAD oo lagu xanaanaynayo dadka waayeelada ah oo aan miciinka haysan ee soomaaliyeed oo kudhaqan magaalada kismaayo ayaa laga furay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xaruntaan lagu xanaaneynayo dadka waayeelada ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa maal gelinaya gabdho Soomaaliyeed oo kamid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo ku dhaqan Wadanka Mareykanka, waxaana ay sheegeen Gabdhahani in Howshaan ay bilaabeen ay sii wadayaan ilaa iyo inta ay arkayaan dadka Soomaaliyeed oo ku noo qurbaha oo gacan siinaya dadkooda ku dhibaateysan gudaha wadanka Soomaaliya, oo aan heli Karin cid gacan ka siisa dhibaatada heysata.
Gabdhahan Soomaaliyeed oo kamid ah Jaaliyadaha Soomaalida Mareykanka ku nool oo ballan qaaday quudinta dadkaan waayeelada ah ee dhibaateysan ayaa waxa kamid ah:
  • Xaliimo Max'ed Xasan
  • Faadumo C/salaam
  • Hodan Daa'uud

Sheekh C/raxmaan Cismaan Jaamac oo ah Masuulka loo soo wakiishay Xarunta Cusub ee Al-kheyraat1 ee gudaha Magaalada Kismaayo oo lagu quudinayo dadka waayeelada ah ee danyarta ah oo cid ay gacan ka helayaan aysan jirin ayaa sheegay in ay hada Xarunta ku bilaabeen dad gaaraya ilaa 6 qofood oo isugu jira rag iyo dumar islamarkaana aan heysan wax ehello ama owlaad ah oo ay waxtar ka helayaan ama ay ku tiirsanyihiin.

Masuulka Xaruntaan Sheekh C/raxmaan ayaa HOL u sheegay in ay dadkani kasoo ururiyeen Kaamamka ay deganyihiin Dadka soo barakacayaasha ah ee ku yaal gudaha Magaalada Kismaayo, kuwaaso ay dhibaato ku heysatay halka ay ku noolaayeen. Xarunta Al-kheyraat ee lagu xanaaneynayo dadka Waayeelada ah ee ku dacdareeysan gudaha Wadanka ayaa ka kooban laba qeybood, oo kala ah Qeybta Cuntada iyo Qeybta Jiifka oo dadkani lagu xanaaneeyo.

HiiraanOnline Kismaayo.

No comments: